Tuesday 15 September 2009

KHALADAADKA DADKU KU DHACAAN CIIDAA

KHALADAADKA DADKU KU DHACAAN CIIDAA

waxa mahad dhamaanteed, iska leh Allaah, Allaah abuuray, sanado, maalmo, wiigag, saacado, iyo daqaa,iq mid kastana ku khaas yeelay cibaado, anuu kan kale la wadaagin, Allaah soo u abuuray arimahaa, baahida adoomiihiisa awgeed, kana leh arimahaas xikmad xeel dheer, waxaan ku saliyayaa, nabiga muxamed ah calayhi assalaatu wasalaam waxaan allaah u waydiinayaa, inuu ka raali noqdo asxaabtii nabiga Muxamed ah calayhi assalaatu wasalaam
intaa kadib:
walaalayaal ciiduhu waa nicmo Allaah uu siiyay dadka muslimiinta ah, waana nicmo wayn, taa soo uu garan karo kaliya qof Allaah uu siiyay caafimaad qab xaga qaliga ah.
hadaba maaha malamaha ciidu maalmo wax kasta oo xaaraan ihi ay xalaal noqadaan, maaha maalmo qofka islaamka ahi uu xor noqdo, ilaa maalinta qofka islaamka ahi uu ka geeriyoonayo waa adoon Ilaahay
walalayaal hadaba maadaama ay arini sidaa tahay.
waxaan halkan kusoo gudbinayaa arimo khalad ay tahay in la sameeyo, oo dad badani maalmaha ciida ay ku daba gabadaan, oo intay sameeyaan, ay odhanayaan waa ciid
waxaan leeyahay waxa ka mid ah arimahaa:
1-in la cuno, ama la cabo wax xaaraan ah, oo caloosah laga buuxiyo sida jaadka, sigaarka, buuriga, khamriga, xanta, beenta.

2-cawrada oo la qaawiyo sida in gabadhu ay cawradeeda qaawiso, oo maalintaa ay xidhato maryo kuwa ugu quruxda badan ugu jilicda san, uma banaana inay ninkeeda u xidha to mooyee inay suuqa la marto, inay gabadhu maalmahaa ciida cadar is mariso, suuqana ula soo baxdo, inay ciyaalked qaawiso, gaar ahaan hablaha, ama iyaga oo tima qaawan suuqa u saarto dambigaa waalidkaa isla leh,
3-timaha oo madoobayso la mariyo, rag iyo dumar iyo ciyaalba, waa xaaraan, waana nacdalan yahay, qofka sidaa sameeyaa,
walaalayaal allaah aynu ka dhawrsano, aynu nafaheena xidhno,xaarana ka xidhno,maalmahan barakaysan, insha Allaah tacaalaa,
asalaamu calaykum waraxmatullaagi wabarakaatuh
waxa qoray diyaariyayna:
sakariye cali diirye

No comments:

Post a Comment