Thursday 3 September 2009

Anigaa leh Buruud, anigaa leh Baroon, Birmadkaa Tif ahoo, Anaa haysta bileys

Anigaa leh Buruud, anigaa leh Baroon, Birmadkaa Tif ahoo, Anaa haysta bileys

Erayadaasi waxa ay ka mid yihiin maanso uu magaceedu yahay “Baraarug”, oo ka waramasa xaalado jira, iyo diiwaangalintii loo laalay sida caqliga yar, ee degdegga badan, waa maanso ka waramaysa cawaaqibka uu la kulmo qof kasta oo awood is bida, kali-talisnimona caadaysta, waxa intaasba ka sii daran adeegsiga erayga "aniga" ee in badan dhagaheenu maqleen. , dulucdeedana waxa aad fahmi doontaan marka aad akhridaan, waa kuwan baydadkii maansadu, ee akhris wanaagsan:

Bulshadii arligaay
Basanbaaska jiraa
Biqilkaad unugteen
Wa midhii ka baxoo
Abriskaad boqortaa
Bawdadii ku jaroo
Dulinkaad u bogtaa
Hantidaadi bidhee
Ma baraarusan tiiin?

Bulshadii arligaay
Halgaanki bilnaa
Bohol baad ku riddoo
Ayradii ad beryaa
Badidoon u ahayd
Nin aan baydh u hurayn
Adigaa barkiyee
Ma baraarugsan tiin?

Bulshadaay adigaa
Burjigii sharfanaa
Qof an bawna ahayn
Cilmigiisu badnayn
Caqli buuran lahayn
Badhasaab iska daa
Bileys aan u qalmayn
Barxaddii u furoo
Kurigii bahdilee
Ma baraarugsan tiin?

Bulshadii arligaay
Kibirkaa ah bal boog
Waxse biiya jabkee
Barigii faqashtii
Bahdilaadi Siyaad
Ficilkaan ka baxneen
Biyihiisi nacnee
Bunduq loo gurtaybaa
Bidhaamaaya haddee
Ma baraarugsan tiin ?

Anigaa leh buruud
Anigaa leh Baroon
Anigaa ah basaas
Bashtuu baanay sandheer
Birmadkaa tif ahoo
Anaa haysta bilays
Cidda doonta biyee
Awda baahi tidhaa
Bambamadaan la dhacaa
Askar baan ku baxshaa
Bixin maayo magtood
Bahday weeye distoor
Sharcigaan buriyaa
Marna aan badalaa
Uma baahni waxsheeg
Shakshi baawar ku dood
Ixtiraamki ka baydh
Digtatoor u badheedh
Barlamaan iska dhaaf
Ragga beed wada mood

Milataarka buruud
Ana baawar gashoo
U barbarbaarhay inay

Dantay baan ka bogtaa
Wuxu doono boggay
Ciddi aan u bogeyn
Qarankay burbursheen
Amnigay buriyeen
Ana saari dooni

Haddii u burka caws
Iyo baal leh fudayd
Dadka moodayo beed
Shacab waa bir afloo
Wa billaawe dahsoon
Wa sidii bam qarxoo
Wa kuwii berigii
Faqash baacsadayoo

Axadkii is bideen
An bishishin lahayn
Inta ay budliyaan
Buriciisa jaraan
Ayay joojin badhkee
Beryo maad yar sugtaan

Abidkiiba badraan
Intu haagay bariis
Is bidaaya awood
Badbadshaa la yaqaan
Barta uu ku ladoo
Barre suug ku dhacyoo
Mabutaa la burshoo
Taylar wuu baxsadoo
Musaliinii buruur
Hitlar baaba’ kolkuu
Qabki uu badiyoo
Busharaa hireysoo
Kuwa baaba’ayaan
Bu’da saaray ishoo
Biligloo hirayee
Beryo maad yar sugtaan

Markuu baaho itaal
Barta gaadho figtaa
Kama sii badbatee
Wax bilaabma nusqaan
Bohol baanu gala
Beryo maad yar sugtaan

Haddi aanu bulshooy
Ku baxaanbixin dhoof
Ama aanu bulshooy
Baryo taaban jilbaa
Ama aanu bulshooy
Basar kuugu shaqayn
Bayhof waan u filaa
Beryo maad yar sugtaan

Siciid Maxamuud Gahayr
002522 4428604
saedmgahair@hotmail.com

No comments:

Post a Comment