Thursday 3 September 2009

FADHIGI GOLAHA WAKIILADA S/L OO GUDI 14 AH LAGU DOORTAY OO LABADA DHINAC KA KOOBAN

FADHIGI GOLAHA WAKIILADA S/L OO GUDI 14 AH LAGU DOORTAY OO LABADA DHINAC KA KOOBAN

Waxaa maanta fadhi yeeshay golaha wakiialda Somaliland oo maalmahanba ka dhex tagnaa khilaaf ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliland mudane Cabdirahman M.Cabdilaahi Ciro lagu doortay gudi ka kooban labadii dhinac ee dirirtu golaha dhex martay kuwaas oo ahaa xildhibaanda ka soo jeeda Xisbiga muxaafidka iyo kuwa ka soo jeeda xisbiyada mucaaradka.

Shirkaasi kadiba ayaa waxaa Gudoomiyaha gulaha baarlamaanku uu waraysi siiyeey xasafada taas oo uu kaga waramay fadhigi maanta iyo waxa abuuray rabshadan maanta dhacaday ee ahayd dadkii isaga soo hor tumay xarunta barlamaanka waxaanuu yidhi gudomiyuhu


„ Horata Wax qalalaasa ah oo taagani muu jirin golaha wakiilada lakiin waxaa shalay in daraadba la dul keenay golaha ciidan police ah oo badan taas oo sas galisay dadka waxay u soo urureen ciidanka badan ee meesha la keenay iyo muqaalka meesha ka jiray ee umay soo ururin dhibaato ka jirta golaha awgeed .
Maanta Golahihii si caadi ah ayuu u furmay in kastoo saxaafadii loo diiday oo ciidanku ka celiyeen lakiin waxaanu gulihii ku furnay in la isu soo dhaweeyo oo wixii khilaafaad ah ee jira loo saaro gudi kooban markaa gudi(14 qof) afar iyo toban qof ah ayaanu saaranay laba cisho ayaanaanu u saarnay in ay ka soo baaraan degaan wixi cabasho ah ee dhinac kasta ah iyo sidii golaha hawshiisii caadi loogu soo celin lahaa markaa gudidasi markaa gudidaasina gudi isu miisaan ayey ahayd oo iyagu ay soo kala qorteen labada garab ee goluhu marka sadex cishi in lagu soo celiyo warbixnta golaha ayanu siinay hadii Alleh idmo“

Mar la waydiyey gudoomiyhaa in gudidani ay ka soo hadlayaan wax yaalihii la isku khilaafay iyo in kale waxa uu ku jawabay in waxa loo cayimay aanay jirin oo kaw iyo laba la yidhi laakiin se wixii dhibaato ah ee tagan iyo cabasho ay iyo wax wal oo golaha jiray in ay ka soo baaran degaan oo adress gareyaan aya loo saray gudan.

Mar la waydiiyey in markii uu shirku dhamaaday ay muxafidkii iyo mucaridkii ay gacmaha is haysteen oo iyaga oo heshiis ah ay soo wada baxeen marka ma heshiis ayaad gaadheen oo aad ku dhamayseen hawshina waxa uuu yidhi gudoomiyuhu in mudanayasho sidaa ay isku haysteen gacmaha ay isku haysanayaan arintana ay dhamanayso ayuu sheegay gudoomiyuhu.

Sidoo kale mar u ka waramaayey dadkii ku soo buuqay golaha ee markii dambena ay yidhaahdeen kala taga iyo waxay u sheege waxa uu sheegay in ay kaliya u sheegeen in golahii uu furmay ayna iska kala tagaan ayuu yidhi intaas ayaanu u sheegnay.

Mar gudoomiyaha la waydiiyey rajada ay ka qabaan in nimaadkii iyo kala dambayntii ay soo ceshadaaan waxay uu ku jawaabay
„Kalsooni boqolkiiba boqol ah ayaan ku qabaa mudanyaashuna waxba iskuma hayaan hadii laga saaro gacanta shishe , waa isku mudanayan , waa isku masiir waxbay wada doonayaan in kastoonaan doonayn in aan cid eedeeyo hadan waxaan doonayaa in xukuumadu arinta golaha ay faraha kala baxdo „

Mar la waydiiyey in lixidii mudane fadhiyeen golaha iyo in kale waxa uu ku jawaabay
„ Ma hubo in ay wada fadhiyeen lakiin qaar waan arkaayey markaa maadama ay maanta ahayd dib u heshiisiin cidna kamaanu saarin gudibaanaanu saarnay waxaanaanu sugaynaa gudidaas natiijada ka soo baxda“
Sidaa waxaa ku jawaabay Gudoomiyaha Golaha wakilada Somaliland Mudane Cabdiraxman M.Cabdilaahi {Ciro}.

Hadaba waxaanu hoos idiinku taxaynaa gudidi loo soo xulay in ay soo baadhaan xalinta khilaafka hadheeyey golaha baarlaamka taas oo todobana laga soo qabtay dhina 7 muxaafid ah iyo 7 mucaarad ah magacyadiina waa kuwan.

Magacyada Mudaneyaasha kasoo jeeda xisbiga muxaafidka ah


1- Md. Ibraahim Carraale Cabdi

2- Md. Cali Maxamed Aadan (Cali Barre)

3- Md. Aadan Xaaji Diiriye Sanqoolle

4- Md. Axmed Sh. Cali Ayaanle

5- Md. Aadan Muxumed Hoori

6- Md. C/Raxmaan Maxamed Jaamac

7- Md. C/Kariim Aw-Cali Shabeel


Magacyada Mudaneyaasha ka soo jeeda xisbiyada xisbiyada mucaaridka ah

1- Md. Cali Maxamed Xasan

2- Md. Maxamed Nuur Carraale

3- Md. Axmed Maxamed Obsiiye

4- Maxamed Xuseen Ciise

5-Md. C/Raxmaan Cismaan Caalin

6- Md. Siciid Cilmi Rooble

7-Md. Axmed Cabdi Kijaandhe

Ugu dambayntii gudidan waxaa wiigan laga sugayaa in ay arintan soo falanqeeyaan kuna soo celiyaan golaha si loo eego, sidookale arinta is waydiinta lihi waxay tahay golihii is baray ee talaw sidii hore ma iskugu dhiran ?.....

Warqabdka Togaherer
Hargaysa





No comments:

Post a Comment