Monday 14 September 2009

FAYSAL CALI WARAABE IYO AXMED SIILANYO OO BOOQDAY DHAAWACII MUAHARADKII HARGEYSA

FAYSAL CALI WARAABE IYO AXMED SIILANYO OO BOOQDAY DHAAWACII MUAHARADKII HARGEYSA

Labada Gudoomiye Mucaaradkad ee Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawamay Mudaharaadkii Rabshadaha Watay ee ka dhacay Hargeysa.



Labada Gudoomiye ayaa 14 Qof oo ku dhaawacmay Mudaharaadka ugu tagay Cusbitaalka guud ee Hargeysa halkaas oo lagu daaweenayo.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo oo uu Weheliyo Musharaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Md C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ay kusoo waareegayn Qaybaha Cusbitaalka Guud ee ay yaalaan Dadka Dhaawaca ah.


Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal oo ay Weheliyaan Xubne sar-sare oo ka tirsan Xisbiga ayaa isna Booqday Cusbitaalka Guud oo ay yaalan Dhaawacyadii Mudaharadki Hargeysa.

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah waxay ilaahay uga baryeen Dhaawaca inuu Shaafiyo xanuunkana ka dul qaado

XAFIISKA WARARKA TOGAHERER

No comments:

Post a Comment