Monday 14 September 2009

DAWLADA SOMALIA OO MARKII U HORAYSAY KA HADASHAY KHALALAASHA KA TAGAN SOMALILAND

DAWLADA SOMALIA OO MARKII U HORAYSAY KA HADASHAY KHALALAASHA KA TAGAN SOMALILAND

Dowladda Federaalka Somalia ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Khalalaasaha Siyaasadeed ee ka asloosan Maagaalada Hargaysa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Somalia Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in Dowlada Federaalka ay ka xuntahay waxa ka socdo Somaliland islamarkaana ay qayb ka qaada doonto sidii loo xalin lahaa Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira dalka Somaliland.

Maareeye wuxuu ku Eedeeyay xisbiyada Mucaaradka in ay Xagal daacinayaan isku dayada ladoonayo in lagu qaboojiyo xaalada Somaliland "Dowlada KMG Somalia way ka xuntahay waxa ka jira Somaliland, runtii waa nasiib darro in walaahow la geliyo Nabadii ay ku naaloonayeen Shacabka reer Somaliland” ayuu yiri Maxamed Cabdi Maareeye.

Dowladda Federaalka ayaa madaxdhameedka Somaliland iyo Golaha Guurtida ugu baaqday in si Xeer-beegti ah ay ku xaliyaan Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Somaliland mudane Rayaale iyo hogaamiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay Cidda khaladka leh wuxuu sheegay in labada dhinac ay Baalmarayaan Dastuurka u degsan Somaliland maadaama ay Horseedeen rabashado Dhiig ku daatay.

Waa Markii ugu horaysay oo ay Dowlada Federaalka Somalia ka hadasho qalalasaha Siyaasadeed ee ka aloosan Jamhuuriyada Somaliland taas oo gaadhay in dadna ku nafwayaan halka qaar kalena ku dhawacmeen.

Wariye Joker
Moqdisho

No comments:

Post a Comment