Monday 14 September 2009

WAR DEG DEG AH: DIYAARDO DUQEEYEY GAADHI AY SAARNAAYEEN SARAAKIIL ALSHABAAB AH

WAR DEG DEG AH: DIYAARDO DUQEEYEY GAADHI AY SAARNAAYEEN SARAAKIIL ALSHABAAB AH

Image and video hosting by TinyPic

Diyaarado nooca qumaatiga u kacda ayaa maanta weerar ku qaadey gaari ay wateen koox ka tirsan Al-shabaab, gaariga ayaa maraayey Tuulada Roobow oo u dhaw Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose, Diyaaraddaha ayaa la sheegay in uu ku sawirnaa calanka dalka Faransiiska, waxa ay goobta ku dileen 4 qof oo gaariga saarnaa kuwaan oo ay meydkoodina ku qaateen diyaaradda, sida ay u sheegeen warbaahinta dad goobjoogayaal ahaa markii arintu halkaas ka dhacaysey.

Afhayeen u hadley wasaaradda difaaca ee faransiiska ayaa sheegay in aysan ogeyn wax diyaarad ah oo ay iska leeyihiin taas oo weerar ka fulisey gudaha Soomaaliya, halkaasna wax ciidan ah nagama joogaan ayuu yiri Mr.Christophe Prazuck.

Goobjooge kale oo u waramay warbaahinta Reauters ayaa sheegay in 4 nin ee gaariga saarnaa iyo ciidamadii komandoska ah ee ka soo degay diyaaraddaha ay is dhaafsadeen xabado ka hor inteysan dhiman xubnaha Al-shabaab, ninkan ayaa u sheegay warbaahinta in nimanka gaariga watay aysan ahayn Soomaali ee ay ahaayeen ajaanibta u dirirta Al-shabaab, wax cadayn ah arintan lagama bixin.

Warar aan weli la cadday ayaa sheegaya in weerarkaas lagu diley Saalax Al-Nabhaan oo ahaa nin dawladda Maraykanku si weyn u raadineysey isla markaasna ay sheegtay in uu ahaa ninkii filiyey weeraradii lagu qaadey safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Dar-Alsalaam

Sidey doontaba ha noqotee dawladda Faransiiska ayaa weli afduub looga haystaa mid ka mid ah saraakiishii ay u soo direen Muqdisho si ay u tababaraan Ciidanka Dawladda.

Axmed Kulan

No comments:

Post a Comment