Monday 14 September 2009

NATIIJADII HORDHACA AHAYD EE DOORASHADA DALKA NORWAY SE YAA KU GUULAYSTAY?

NATIIJADII HORDHACA AHAYD EE DOORASHADA DALKA NORWAY SE YAA KU GUULAYSTAY?

Waxaa maalamahan fool eri ahayd doorashadii barlamaanka ee dalka Norway, doorashadan oo hadba xulafada badisaa ay dhisi doonto dawlada dalkaas oo uu hogaaminayo Raisal wasaare.

Hadaba maanta oo Isniina bishuna tahay 14 September oo ay ugu damabysay codaynta dadka reer Norway ayaa waxaa ku hirdamayey doorashada sideed Party oo afar ahaan ay ugu tunwayn yihiin, halka afata kalena ay yihiin kabayaasha afrtaas party ee waaweyn , sidoo kale waxa ay u qaybsamaan laba dhinac oo ah is xulafaysi taas oo la yidhaa

RødGrønn Side iyo Blå side ama (Borgerlig side).
oo macnaheedu tahay
*Casaanka iyo cagaarka oo isku dhinac ah waa muxaafidkee
*Buluuga oo isna dhinac ah waa mucaaridkee.


Ugu horayn aan idin kala sheego 8 party ee codka dalka Norway kala qayb sanaaya kuwaaas oo afarba ay yihiin hal xulafo Afarta sare oo uu horseed u yahay Arbeider parti waa xulafada muxaafidka halka afarta hoose oo iyana ah hal xulafo uu hogaaminaayo xisbiga mucaradada iyo cunsuriyada ku fog ee FrP kuwaas oo ku lid ah wax wal oo ay xulafadaa mauxafidku ku dhaqaan dalka iyo dadka ku dhex noolba, bal hoos eeg hadaba.
Image and video hosting by TinyPic

Hadaba sideedan Parti oo doorashada horteed ay hogaminayeen xulafada RødGrønn Side marka laga reebo R oo ah Rød valg Alianse oo iyagu aaminsan mabda shuuci ah, dawladaas oo ay shuraako ku ahaayeen sadexda parti ee kale ayaa ilaa hada cododkii la tiriyey ay iyagu hogaminayaan kana horeeyaan xulafada kale ee ka soo hor jeeda , sidoo kale sadexda parties ee ku shuraakada ah ama wada dhisay dawldii afartii sano ee ina soo dhaafay ee uu lahaa dalka Norway ayaa aaminsan Shaqada iyo in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha sidoo kale ku faana in ay dadka isu jiidaan oo aan ka liita ama gaabinaya laga tagayn ayaa iyagu had iyo jeed ay dadka shaqaaluha ee ku nool dalka Norway ay ka dambeeyaan oo ay taageeraan .

Dhinaca BORGERLIG SIDE oo ah xisbiyada mucaradka oo iyaga laftoodu hadii ay helaan doorashada laga shaki qabo siday ugu heshiin lahaayeen dhisada maamul dawladeed oo uu dalkaasi yeelan doono maadama ay FrP oo ah ka ugu fog xaga cunsurinimada ay ka badan yihiin isku darka sadexda kale ayaa mabda ahaan aanay ku heshinayn dhexdooda. FrP oo la yidhaahdo waxa ay wadataa hab maamulka Maraykanka aadna uga dambaysa , xaga kuwan kale ay arimahaas oo dhan ay kaga hor jeedaan marka laga reebo xeerka Ajaanibka iyo waxa laga yeelaayo oo ay isku raacsan yihiin marka laga reebo Venetre oo isagu aad ugu dooda in ajanabiga la siiyo xaqooda kana soo hor jeeda in cadaadis lasaaro ayaa sababtay in laga shakiyo in aanay ku heshiin karin dawlada ay dhisaan sidoo kale waxa ay duulaan bilaa heshiis hoosaad ah ku ahaayeen uun in laga qaado maamulkaa hayey dawlada afartiii sano ee la soo dhafay. .

Mar ay sheekadu maraysay 87 kuris oo ay heleen RødGrønn Side iyo 82 kursi oo ay heleen BORGELIG SIDE taas oo tirada la doonayey ay guud ahaan ahayd 169 kursi ayaa waxaa hoos u dhac aad u laxaad badan ku yimid V= Venestre parti taas oo markii hore ay u fadhiisan jireen guriga baalamaanka Norway 8 xildhibaan halka iminka ay ku waayeen 6 xildhibaan kuna soo hadheen 2 xildhibaan, taas oo xubnihii waayey kurisga balaamaanka ee ururkaas uu ka mid ahaa gudoomiyaha ururkaas mr Lars sponhelm . Isla markii uu ogaaday in aanuu ku soo baxayn tartankan ayuu iska casilay gudoomiyinimadii ururka sidoo kale waxa uu sheegay in uu gabi ahaanba ka fadhiistay siyaasadii waxaana la sugayaa cida ay ururku u dooran lahaayeen gudoomiye .


Hadeerto oo la tiriyey 99.9% codadka ee dhinacayda ku hirdamayey doorashada dalkaasi Norway ayaa waxaa ay u kala heleen xubinihii baarlamanka oo ka kooban 169 Mandator sida tan:-
Tablkii natiijada

Ugu dambayntiina waxay guushu ku raacaday RødGrønn Side oo uu raisal wasaare u yahay Jens Stelten Berg waa kuwii markii hore dawlada dhisay xukumayeyna dalka afartii sano ee ugu dambeeyey waxaanay hogaamin doonaan dalka afarta sano ee soo socda ilaa iyo 2013.

NB:- SAWIRADA GABI AHAANBA WAA XUQUUQDII VG OO AH JARIIRAD KA SOO BAXDA DALKA NORWAY

Abdi Wahaab Maxamed
warqbadka Togaherer
Oslo
Norway


HALKAN RIIX SI AAD U OGAATO NATIJADA IYO HALKAY MARAYSO IYO CIDII UGU DAMBAYN KU GOOLAYSATAY

Natijadii oo garaf ku jirta
SHAXDA AY MARAYSAY NATIIJADA CODBIXIYAYAASHU

Image and video hosting by TinyPic
SAWIRKA HOGANKA ARBEIDER PARTI AHANA RAISAL WASARAHA NORWAY

Image and video hosting by TinyPic
SAWIRKA HOGAMIYAHA SV PARTI AHNA WASIRADA MALIYADA NORWAY

Image and video hosting by TinyPic
ABDI WAHAAB IYO RAISAL WASAARAHA NORWAY MR JONS

RØDGRØNND PARTI
SAWKIRADII RØDGRØNND KUWII DAWLDA HAYEYHADEERNA KU GULAYSTAY

Labadii dhinacba
SAWIRADII HOGAMIYAYASHA PARTIYADII U TARTANKU KA DHEXEEYEY

BORGERLIG PARTI
SAWIRADII MUCAARADKA BORGERLIG SIDE

NB:- XUQUUQDA SAWIRADA WAXAA ISKA LEH VG

No comments:

Post a Comment