Monday 14 September 2009

FADHIGII WAKIILADA OO MAANTA FURMAY IYO CIIDAMADII FARAHA BADNAA OO AAN KU SUGNAYN XARUNTA WAKIILADA

FADHIGII WAKIILADA OO MAANTA FURMAY IYO CIIDAMADII FARAHA BADNAA OO AAN KU SUGNAYN XARUNTA WAKIILADA



FADHIGII WAKIILADA OO MAANTA DIB U FURMAY IYO CIIDAMADII FARAHA BADNAA OO AAN KU SUGNAYN XARUNTA WAKIILADA


Waxa Saaka Si nabad ah oo bilaa buuq ah u furmay Fadhigii Golaha Wakiiladda JSL fadhigan oo ay ka soo xaadireen xildhibaanada ayaa ku furmay jawi degan, Xidhibaanda Yimi xarunta ayaa si caadi ah u galay madasha iyada oo wadaduna furnayd oo wax ciidamo joojinaya dadka iyo gaadiidkuna jirin .

Geesta kale waxa jiray dad aan tiro badnayn oo goobta yimi oo eegayay sida xaalku yahay sidoo kale waxa madasha loo diiday inay galaan Wariyayasha ka socda warbaahinta kala duwan .

Fadhigii oo jawi degan ku socda ayaa waxa yimi xarunta wakiilada ergada Salaadiinta Somaliland ee ku hawlan dajinta iyo xalinta khilaafka golaha dhexyaal ka dibna sida naloo xaqiijiyay Salaadiinta ayaa ka codsaday Shirgudoonka iyo wakiilada in ay xidhaan fadhigooda maadama oo ay wali ku dhex jiraan Dhexdhexaadinta fadhigana si caadi ah bari u furtaan codsigaa Salaadiinta oo ay aqbaleen Shirgudoonka iyo xildhibaandu labaduba, sidaana maanta lagu soo xidhay kuna soo gabagaboobay fadhigi.

Isku soo wada duubo jawiga saaka ee Xarunta wakiilada ayaa ahaa mid caadi ah oo ka duwan kuwii maalmihii u danbeeyey looga bartay xarunta ,waxaana aan ku sugnayn xarunta ciidamadii faraha badnaa ee xukuumadu hore u soo dhoobtay xarunta.

XAFIISKA WARARKA TOGAHERER HARGEISA
MO YUSUF

No comments:

Post a Comment