Thursday 3 September 2009

(BREAK NEWS) HOGAAMIYAHA ALSHABAAB AXMED A.GODANE OO KHUDBAD KU WEERARAY XUKUMADA S/L

(BREAK NEWS) HOGAAMIYAHA ALSHABAAB AXMED A.GODANE OO KHUDBAD KU WEERARAY XUKUMADA S/L



Amiirka ugu sareeya Xarakatu Al Shabaab al mujaahidiin Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr(Sh.Axmed Cabdi Godane) ayaa markii ugu horaysay Fariin adag u diray Xukuumada Jamhuriyada Somaliland.


Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr oo Goordhaw Warbaahinta Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay in Jamhuuriyada Somalilnad ay tahay cadaw loona baahanyahay in ay wadada saxda ah kusoo laabato sida uu hadalka u dhigay.


Abuu Zubeyr oo hadaladiisu u badnaayeen Gabayo iyo Duurxul wuxuu sheegay in Maamulka Riyaale uu noqday mid Ashahaada ladirir ah sida waa uu Khudbadiisa ku sheegay.
Khudbada uu Caawa jeediyay Amiirku ayuu ku sheegay in Shacabka Somaliland ay uga digayaan la shaqaynta Itoobiya,UN-ka,EU iyo dhamaan Hay’adaha reer Galbeedka oo ay Sheekhu ku sheegay in ay Somaliland qasayaan.

Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr wuxuu yiri

" waxaan uga digayaan shacabka Somaliland in ay la shaqeeyaan dhamaan dadka cadawga ilaahay ah ee ay ka mid yihiin Itoobiyanka, UN ka, EU iyo dhamaan hayadaha reer galbeedka ah ee dalkiina qasaaya, sidoo kale waxaan iyana idiinak digayaa in aad guryo ka kireetaan Itoobiya,iyo dhamaan kuwa la shaqeeya gaalada waan ognahay meelaha ay ku shiraan, hadii aad caruurtiina bari weysaan diinta waxaa dhacaysa in dadka oo dhan ay wada noqdaan dhar cad u shaqaysa Itoobiya” .

Mas’uulkan ugu sareeya xarakada Al-Shabaab oo dhalasho ahaan kasoo jeedo Somaliland Magaciisa saxda ahna la dhaho Axmed Cabdi Godane wuxuu wacad ku maray in uu dagaal ridi doono Somaliland ,sidoo kale waxa uu ku dhaartay in uu xukuumada ku badali doono maamulka xukun islaami ah oo ku dhaqa dalka oo ay dadku ku raystaan , walaw uu sheegay sheekhu isbadlkaa hadana muu cadayn sida iyo goorta ay tilaabadaads qaadi goonaan taas oo ay iminka tahay Somaliland meel nabdoon.

Mar uu ka hadlaayey Dhibaata ka taagan Somaliland ee haysta shacabkeeda waxa uu sheegay iyada oo dawlad sheegaynaysa in uu haraad laayey dadkeedii ku dhaqnaa magaalooyin waaweyn iskaba daa miyiyadiiyoo taas oo uu sheegay in ay ugu wacan tahay dariiqii ilaahay yiri ku xukuma dadka oo laga leexday taasna ilahay badiilkeedii uga dhigay haraag iyo oon waxaanu yiri
” Maamulka Hargaysa wuu Ridoobay waxay xariir laleeyihiin gaalada caalamiga ah, bal eega Biyihii Hargaysa way dhamadeen shacabkiina waa biya la’aan oo haraad ayey la kix yihiin” ayuu yiri Abuu Zubeyr.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha Doorashooyinka Somaliland wuxuu sheegay in aysan aqoonsanayn wax doorashooyin ah oo ka dhaca dalkaasi isagoona ku tilmaamay Komishinka Doorashooyinka Somalilnad kuwa u shaqeeyo Mareykanka sida uu hadalka u dhigay.

Waa markii ugu horaysay oo hogaanka Shabaab Weerar dhanka Afka ah ku qaado Somaliland , Maalmaha soo socda ayaa lafilayaa in uu Hadlo Sheekh Fu’aad Muxamed Khalaf oo isna kasoo jeedo maamulka Puntland

Axmed Kulan(Joker)
Togaherer
Moqdisho

No comments:

Post a Comment