Thursday 3 September 2009

WARARKII U DANBEEYEY EE MARKABKA KU GUBANAYA FURDADA BERBERA

WARARKII U DANBEEYEY EE MARKABKA KU GUBANAYA FURDADA BERBERA

Markabka Maryan Stars ee Ku Gubanaya Furdada Berbera ayaa haatan laga joogaa Quus in la bakhtiiyo lana badbaadiyo Alaabtii saarnayd.
Saaka Shantii subaxnimo ayaa fara madhnaan laga istaagay in wuxuun la qabto waxaana laga furya dekada oo xalay lagu soo xidhay si alaabta saaran wuxuun looga dejiyo taas oo lagu guuleystay in dusha u sarayasa oo ay saarnaayeen baabuur dhawr iyo lixdan ah iyo ilaa 200 Ton oo bagaasha ah in laga dajiyo ,se marka xaal halkaa marayo uu dabkii iyo qiiqi ba ay soo bateen una soo gudbeen khanankii kale, taas oo keentay in marsada laga furo markaba loona jiido xaga badweynta si aanu ugu degin dekada waxyeelo kalena gaadhsiin .

Ganacsatadii uu urarnaa markbakani ayaa iyagu intooda badani ku sugan magaalada Berbera waxayna quus ka joogaan in ay badabaado hantidoodu , Maamulka iyo Shaqaalaha Dekeda ayaa iyagu in badan isku dayay in ay badbaadiyaan se Amarka Alle iyo qadarka ayaa ka xoog roonaaday .

Hantida Markabkan saaran ayaa ah Malaayin Dollar waxaana Saarnaa Alaabooyinkii Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo Ciida Soon Fur loogu talagalay Iyo Qalabka Electronic ah iyo Looxaan ta Guryaha lagu dhiso iyo Agab iyo bagaash kala Gadisan.

Dhamaan Bahda Togaherer hadii aanu nahay waxanu ka tacsiyadaynayaa Ganacsatda reer Somaliland ee Markabku u rarnaa Waxaanu Alle SWT uga Baryaynaa in uu cawil Naq ka siiyo iyo bedel khayr qaba. Amiin Inshaa Allah

MO YUSUF
BERBERA

No comments:

Post a Comment