Sunday 13 September 2009

BANAANBAX KA DHAN AH BARACK HUSEIN OBAMA OO KA DHACAY WASHINGTON.

BANAANBAX KA DHAN AH BARACK HUSEIN OBAMA OO KA DHACAY WASHINGTON.

Image and video hosting by TinyPic

Mudaharaad aad u balaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Sabtidii ka dhacay magaalada Washington ee caasimada Maraykanka.

Mudaharaadkan oo ay soo qaban qaabiyeen kooxaha garabka midig ee sida weyn uga soo horjeeda Siyaasada Madaxweyne Obama, ayaa socod dheer ku maray bartamaha magaalada caasimada ah.

Mudaharaadkan oo kasoo bilowday Aqalka Cad ee ah hoyga iyo Xafiiska Madaxweynaha Maraykanka, ayaa ku dhamaaday socod ay ku tageen mudaharaadyaasha Xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill.

Dadkan ayaa ku mudaharaadayey siyaasada xukuumada cusub ee Barack Obama ayagoo dadkii halkaasi isugu baxay ay si kulul ugu cambaareenayeen Madaxweynaha in xukuumadiisa ay dooneyso inay faraha lasoo gasho dhamaan noloshada dadka Maraykanka oo ay ugu horeyso arrimaha Caafimaadka oo ay dadka mudaharaadayeen ku tilmaameen mid khatar ku ah shacabka isla markaana horseedaya sare u qaadida Canshuurta.

Dadka qaarkiis ayaa sitay boorar uu ku masawiran yahay Madaxweyne Obama oo lala bar bar dhigayo Hogaamiyihii hore ee Jarmalka Adolf Hitler.

Dadkan oo u badan taageerayaasha mucaaridka ayaa ku tilmaamay qorshaha caafimaadka dalkaasi wax looga bedalayo ee uu wado Obama, mid dowladu ay dooneyso inay ayadu gacanta wax walba ku heyso dhanka hay’adaha u adeega bulshada.



Madaxweyne Obama ayaa xiligii uu mudaharaadka ka dhacayey Washington asagu aanu joogin, isla markaana safar ku joogay magaalada Minneapolis ee xarunta Gobalka Minnesota.

Obama oo khudbad usoo jeediyey shacabka ku dhaqan magaalada Minneapolis ayaa uga waramay qorshihiisa caafimaadka oo uu sheegay inuu doonayo inuu ku badbaadiyo malaayiinta Maraykanka ah ee aan ayagu heysan wax Caymis ah, isla markaana dhibaato ka heysta inay helaan wax adeeg caafimaad ah.

Obama ayaa sheega in ay tahay wax aan la qaadan karin in 47 milyan oo dadka Maraykanka ah ay xiligan heysan wax caymis caafimaad ah, isla markaana aan heli karin adeeg caafimaad xiligii ay u baahdaan.

Wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka sheegay hadii aan wax laga bedalin arrintan in 10ka sano ee soo socota kala bar dadka Maraykanka ah, ee da’adoodu ka hooseyso 65 sano, aysan heli doonin adeeg caafimaad maadaama aysan iska bixin karin caymiska.

Dalka Maraykanka ayey ku dhaqan yihiin malaayiin dadka sabool ah oo aan ayagu iska bixin karin lacagta caymiska, taasi oo keenta in dad badan oo aan dhaqaale haysan ay waayaan wax adeeg caafimaad ah xiliga ay xanuunsadaan.

Obama ayaa doonaya in caymiska uu noqdo mid raqiis ah oo ay dadka oo dhan iska bixin karaan, hase yeeshee dadka dhaqaalaha leh iyo kuwa kale ee caymiska iska bixin kara ayaa ka wel welsan in qorshaha Obama uu horseedi doono Canshuurta oo sare loo qaado si loo kabo dadkaasi saboolka ah ee aan heysan dhaqaalaha.

Obama ayaa hada ku jira olole uu ku doonayo inuu kusoo jiito taageerada dadka dhex dhexaadka ah, asagoo hada taageero xoogleh ka heysta dadka saboolka ah oo qorshahan soo dhaweeyey.

Togaherer
USA

No comments:

Post a Comment