Sunday 13 September 2009

WAXA AAN IS KOOKOO-LIYABA MIYAAN KAARKAN KU DAMBEEYEY!!

WAXA AAN IS KOOKOO-LIYABA MIYAAN KAARKAN KU DAMBEEYEY!!

WAXA AAN IS KOOKOO-LIYABA MIYAAN KAARKAN KU DAMBEEYEY!!

Waan nasiib in ay maanta CAASIMADDII HARGAYSA la isku istcimaalo bambooyin, oo rasaas la iskaga qaaday fooda, dhaawac iyo dhimsho-na faraha ka baxaday, intii kale-na ku dambaysay i-bixiyoow-i-bixi, kuwa cagaha wax ka daya, dumar googa-rada sare u faytay, dhagax tuurKII halgankii AFWEYNE bilaabay oo saaka mar kale dib ugu soo noqday HARGAYSA, naxdin iyo qalbi jab ay ilamada la daadiyeen dadkii ay siyaasi-yiintu ay kubada ku dul ciyaara-yaan, oo nina aan dan ka lahayn, kursi ay ku fadhiyaan mooyaane indho iyo dhego kale midna aan lahayn, waxa is keentay tii ay rabeen dadkii isku lisaayey ee dhan walba ka socday, lahaa ha dhacdo, oo hala kaco, dhiig ha daato, hadaba maanta haka soo leefeen, waxa la yidhi karis xun iyana wax ku la' ee imika haka MAALEEN CAANAHA DHIIGA ah ee ay ku bedeleen KUMBISKII U DHITAYSNAA wuxu yidhi raage ugaas:-

Sida koorta yucub oo la sudhay, koromo buubaal ah,
ama geel kareeboo nirgaha, laga gaxay naayo,
shini kaaluf galay iyo siddii, koron-korkoo oomay,
ama ceel karkaarada jabshay, iyo webi karaar dhaafay,
ama habar kurtii iyo wadnaha, laga-ga kaw siiyey,
ama beelo kaynaa-naya, oo kor u hayaamaaya,
XALAY KOLOLA-AYGII MA LEDIN KAAMIL REERU-HUYE,
maanta-na kataantii miyaa, layga kala tuuray,
kob abaara oo dhexe, miyaa koore ila meeray,
kumbiskii miyaa layga qubay, koloyo ii buuxay,
kub miyaan ka jabay biix aan, kabayo loo haynin,
kambalkiyo ardaagii miyaa, laygu keliyeeyey
waxa aan is koolkoo-liyaba, maiyaan kaarkan ku dambeeyey,

Waar ka daaya sidan kuma dhashee, oo u miyiriya, cagta inoo dhiga, ha inaga kala daadinina, waxa ina sugaaya eega, wax inaga maqani ma jiraan ee NEBIGA KU SALIYA, markii dheg loo dhigi waayey, waxay timi wixii la inooga taag waayey oo aynu u baahanay hadaf-keenii ahaa HADAANAN QOLO KU FOOGNAYN AMA DHIIG FARAHA DARIN WAANAAN FADHIYI KARIN, dabeed-na waa taas keentay in HARGAYSA uu saaka qiiqu ka karo, ee aad moodo SHOOLAD UU MARKAB BAD WEYN marayaa shitay,oo ku dhacday kala yaac, maryo dhiig lehna laga-la hoos baxay, ilayn wax kale kuma faraxno'e, saw saaka maynu kaban MALABKII AAN RAADI-NAYNAY, hadaba ka soo maala waa tii aan u heela-nayn ta imika taagane, wuxu hadal igaga kooban yahay, XAAR WAL-WAALKU MARKA CADARKA UU URSADO BUU DHINTAA, INANA MARKA AAN NABAD HELO BAYNU QADAN KA BOOD NOQONAA ee dhiiga ququlaaya, hooyo-yinka badhida xaytay, kabash-kabashta, dhugcay-dayda, la jiifa la idiin taag heli waayey, dherega iyo barwaaqadu waa inoo cole,
awelba marka aan ciirta ka dibirno baan rasaas isugu maydhi jirnaye, dhibica roobka marka aynu ka raysano dhaanka iyo kulaylka bay ba'ayeey inaga yeedhi jirtaye, siddii aan rabnay doonaynay, aan jeclayn saaka baa aynu helay ee aan eegno aaaya-heeda dambiyo halka ay dugsato.

* N.B kala roorku waa rune, ku riyaaqa ribataye.
abdi-shotaly,
oodeynenews.com

No comments:

Post a Comment