Sunday 13 September 2009

AAN WADA HADALNO WAA AAN HESHIINO BY:- FARTAAG

AAN WADA HADALNO WAA AAN HESHIINO BY:- FARTAAG


Abwaan Axmed Cabdilaahi Maxamud
Axmed Fartaag doha qadar degan

Waxaan salaamayaa bulshada reer soomaaliand gudo iyo dibadba
Waxaan tacsi udirayaa eheladii iyo qaraabadii dadkii ku geeriyooday
Iyo kuwii dhaawacmayba mudaharaadkii iyo rabshadii ka dhacay Hargaysa.

Aan wada hadalo waa aan heshiino; Khilaafka siyaasadeed wuxuu dhalaa burbur
Dibu dhac dagaalo sokeeye iyo colaado hura.

Mucaarid iyo muxaafid xukuumad iyo shacab guurti iyo baarlamaan maxaa inoo dana?
Nabada yaan lagu ciyaarin qalalaase dalku ma qaadi karo dadkuna rabash uma baahna.
Nabadu waa nolosha nabad iyo caano waa qaaliye hooy amaanka hala adkeeyo.


Sidaa darteed xalku wuxuu ku jiraa in laysugu yimaado miiska.

Wada hadalka oo laga doodo wixii jira laga wada tashado.
Dhinacyada siyaasada isku hayaana lsu tanaasulaan lana dhex dhexaadiyo,
iyadoo la dhawraayo danta guud jiritaanka soomaaliland iyo xasiloonida dalka.
Waa in wax garadka, salaadiinta, culimo aw diinta, aqoonyahanada, odoyaasha,
xusbiyada qaranka, iyo baarlamaanka waa inay xalka raadiyaan oo

sidii khilaafka looga bixilaa daalaye maxaa inoo dana yidhaahdaan.

Waxa laysku hayaa waa kursiga iiga kac iyo kaaga kici maayo.
Iiga deg iyo kaaga degi maayo waar ILLAAHAY (SWT) halaga yaabo waa bil rabadaane.
Yaan la qubin oon la daadin dhiiga dadka muslinka ah ee sooman ramadaan kariim.

<>

Aduunkow aqoonso
Ilayskaa baxaaya
Asqo looma baahna
Yey naan ilduufin
Yey naan is eersan
Amnigana ilaasha
Nabadana adkeeya
Isu uursamaada
Waar urur sanaada

Yaan lays ilaawin
Iilbaa sugaaya
Naftu waa amaano
Adoomaa ilaahay
Ajal ruuxa gooya
Rabi baa arkaaya

Waa ayaamo dunidu
Aakhiraa danbeysa
Illaahay xasuusta
Sidii abu hureera
Amranow rasuulka
Asaxaabta nabiga
Aayadaha qur aanka
Axaadiista raaca

Aaska aaska nolosha
Alifbaa bilaaba
Albaqrana ku geeya
Alxamdulila sheekha
Aamiin jawaaba
Aamana rasuulu
Umadii rumaysan
Ilaahbaa amaanay

Arkaantii islaamka
Ashahaada haysta
Iimaanka ooga
Axdigiina oofsha
Siduu Eebe sheegay

No comments:

Post a Comment