Thursday 10 September 2009

WAR DEG DEG AH: AXMED WALAD CABDALLA IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KA SOO DAGAY HARGEYSA AIRPORT

WAR DEG DEG AH: AXMED WALAD CABDALLA IYO WAFTI UU HOGAAMINAYO OO KA SOO DAGAY HARGEYSA AIRPORT

Axmed Weld Cabdallah ergeyga gaar ah ee xoghayaa guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland / Soomaaliya iyo wafiti uu hogaaminayo ayaa maanta ka soo dagay Garoonka Diyaaraduhu ka haadaan ee Hargeysa International Airport.
Axmed Walad Cabdallah ayaa ka gaabsaday in uu saxaafada la hadlo una sheego waxa uu ku saabsan yahay socdaalkiisu.

Wasiirka Khaarajiga Somaliland md C/laahi Maxamed Ducaale ayaa ku soo dhaweeyey Waftiga uu hogaaminyo Walad Cabdalla Madaarka Hargeysa, Walad Cabdalla iyo waftigsaa ayaa inta ay joogaan magaalada Hargeysa waxay la kulmi doonaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin Gudoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE Shirgudoonada labada Aqal Wasiirada Somaliland qaarkood Wakiilada laamaha Qaramada Midoobay ee Somaliland.

Waa markii u horeysay ee uu safar ku yimaado Walad Cabdalla Somaliland dhawrkii sano ee u dambeeyey iyada oo aanay wanaagsanyn xidhiidhka Somaliland iyo Walad Cabdalla mudadda sanodada ah .

MO YUSUF
HARGEYSA
TOGAHERER

No comments:

Post a Comment