Wednesday 16 September 2009

ABWAAN HEES NAQDI AH U SAMEEYAY MADAXWEYNE RAYAALE

ABWAAN HEES NAQDI AH U SAMEEYAY MADAXWEYNE RAYAALE

Suugaantu dhaqan ahaan waa shayga ugu muhiimsan ee bulshadda Af-soomaaliga ku haddashaa isugu tabiso waayaaha nololeed iyo dareenadda dhinaca siyaasada, wacyilgilinta iyo cabirka afkaarta taagan.
Sidoo kale, waa haanta kaydisa taariikhda xoolo dhaqatadda geeska Afrika. Sidaa darteed, Suugaan-yahanku inta badan tixdiisa ma gudbiyo illaa shinkeedu soo gallo, haddii aanu u miidaan dayin oo murti aan xiligeedii joogini ka baxdana ma tisqaado, qiimo ahaana hoos ayay u ridaa kaalinta Hal-abuurka curiyaa tixdaa ka hordhacday xiligeedu kaga jiro Bulshadda.

Maanta oo aynu ku jiro xilli casri ah, dhaqankaasi wuu muuqdaa, waxaana kuugu daliil ah inta Saxaafaddu dhaliil sheegaysay ee maamulka Somaliland ay si guud iyo si gaar ahba u duraysay laguma sheegin fagaarayaasha Fanaan ku luuqaynaya hees toos uga hadlaysa Xaaladda siyaasadeed ee Dalka, Islamarkaana muujinaysa qaladaad maamul imika ka hor. Waxa toddobaadkii ugu danbeeyay Shacbiga Somaliland Aaladaha Casriga ah iyo Telefoonada Gacanta lagu qaato isugu tabinayeen Heeso toos u duraya Maamulka Madaxweyne Daahir Rayaale.

Heesahan Cusub ee dhaliisha ah waxaa Curiyay Abwaan Jaamac-Riyo, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxay heestiisu ka hadlaysaa, ku tagri fal awood dawladeed oo dhinac kasta ah. Islamarkaana, tilmaamaya In Xukuumada Rayaale gabtay oo ilowday arrimihii Shacbigu u igmaday.

Haddaan soo fool-tabiyo heesahan, waxa midkood Abwaanku ugu wanqalay sida uu Wargeyska Geeska Afrika u sheegay Dilaal. Waxa heestan maalmo dhawr ah ka hor la saaray miyuusig iyo cod ay koox hablo isugu jiraa wada jir isugu jiibinayaan. Waxaana Erayaddeeda ka mid ah.

Dilaal

Xilkaanu kuu dhiibanee, Naf iyo dhimashaba lahaa

La dheeliday dhoon wareegtay, Amaanadii dhawri weyday

Dhitiyo kaydkii Idlaysay, Khayraadkii dhoobo qaaday

*** *** ***

Addoo dhagar-maal u muuqda, Dhaliili dushaada taalo

Ku jira dhoobo iyo ceeb, Ayaamihii kaa dhamaade

Mudiyo dheeraad ku siiyay, Sidaadii dhaami weyday

Ka dhaadhac Dhiishaadu Ma buuxsantee Ka dhaadhac

Dilaal noo dhuuntayow, Ka dhaadhac

Dhalaan qadiyow ka dhaadhac

*** *** ***

Xilkaanu kuu dhaariniyo Dhismahii Somaliland

Dhantaashay Dhaqaajin Weyday, Dhaqmaati Adaa u diidey

Dhacdiyo Taariikh xun reebay, Dhul iyo Daaraba Xaraashay

Dantaad Dhaawaca ku boobtay, Anaa dhayi Nabaradeedee

Ninkaan Dhaanka u diree Isagu Soo dhaansadow

Mudiyo dheeraad ku siiyay, Sidaadii dhaami weyday

Ka dhaadhac Dhiishaadu Ma buuxsantee Ka dhaadhac

Dilaal noo dhuuntayow, Ka dhaadhac

Dhalaan qadiyow ka dhaadhac.



Heestaan Qaldamay

Abwaan Jaamac Riyo heestiisan kor ku xusan, waxa wehelisay hees kale oo meerisyadeedu jawaab u yihiin hees hore oo uu ku taageerayay amaan iyo ducana ugu daray xilka Madaxweyne Rayaale. Si aynu jawaabta heestani ku timi iyo sheekadeeda si hufan ugu fahano, malaha waxaa haboon in aynu tuduc iyo laba ka xusno heestaa hore ee abwaanku kaga afeefanayo Heesta labaad, aan sidaas yeelo oo aan marka hore is xusuusino heeska hore. Waxaa Abwaanku waqtigaas hore curiyay hees midheheeda ay ka mid-yihiin;,

Somaliland ullashadeed, uurkaad daacad uga tahaye

Daahirow Insha Alaah, Anba qaadka geediga iyo

Saadaashu waa Addigee, Udub-kiyo dhigtaba hay

Ayaanle…Ayaanle.

Halkaa markay marayso, haddii murti-yahanku curiyo mid kale oo lid ku ah ducadaas kana soo hor jeeda, la yaab ayay noqonaysaa. Si markaa, uu qiil ugu hello dhinacan kale ee uu wax ka eegay waa inuu ka affeeftaa, islamarkaana sheegaa in aadamigu qaldamo.

Waxa uu yidhi:

Howraareey run timi

Murti tidhi hubsiimadda

Hal-dhan baa la siistaa

Nin Ay hooyo dihatana

Hal ma seegi waayee

Heestaan Khaldamayeey

Habeenkaagii Beenow

Hirkii Ii ifaayow

Adna hoos ka madhan timi


Dhigtaan hay ku idhi shalay

Markaad hanan weyday Timi

Inaan Hoodada raree

Sidii Hoohida na dhaaf

Sharkaaguna kaa horee

****

Hanaan Doorashadda

Xeerkii Hagi lahaa

Xusbiyadu habkay

Hawsha u galeen

Heshiiskii qoraa

Harga madhan sidow

Addaa Heeray oo

Hakiyow Dantii

Hanjabaad Ku daray

Dhigtaan hay ku idhi shalay

Markaad hanan weyday Timi

Inaan Hoodada raree

Sidii Hoohida na dhaaf

Sharkaaguna kaa horee.

Heeskan danbe ee heesta aan qalmday, Abwaanka tiriyay laftiisa ayaa ku luuqaynaya.

GEESKA AFRIKA

No comments:

Post a Comment