Wednesday 16 September 2009

KALA SHAKI KADHEX OOGMAY AL-SHABAAB IYO WARBIXIN TILMAAMAYSA QAABKA...

KALA SHAKI KADHEX OOGMAY AL-SHABAAB IYO WARBIXIN TILMAAMAYSA QAABKA...

Kala Shaki ka Dhex-oogmay Al-shabaab Iyo War Bixin Tilmaamaysa Qaabka Sirdoonka Maraykanku Uga Dhex Kaluumaysto Ururo Diimeedka Ka Dagaalamaaya Somalia.

Ururka Al-shabaab iyo qaar kale oo ka mida islaamiyiinta ayaa waxay iminka bilaabeen in ay shaki weyn ka qaadaan dhalinyarada ku soo biiraysa kadib dilkii loo gaystay qaar kamid ah hogaamiyayaashooda.
Mid kamid ah Hoogaamiyayaasha Mucaskarka Raaskaambooni ayaa sheegay in tan iyo markii ay hawdka galeen Maraykanku basaasayeen iyaga oo dhowr jeer kala furfuray qalaab electronic ah oo ay dhigeen buuraha Raas Kaambooni iyo Buur gaabo.

Dhanka kale hoggaamiyahan oo la yidhaahdo Luqmaan Carab ayaa yidhi ”Hawada Raaskaambooni waxaa mar walba dul heehaaba Diyaaradaha Maraykanka ee wax basaasa, Ciidamada Maraykanku way iska ilaaliyaan in ay dhulka u soo degaan iyaga oo ka Baqaya waxay kala kulmi karaan”

Hogaamiyahan ayaa sheegay in 2006-kii la dilay hoggaamiyaal sare-sare oo ka tirsan Al-shabaab oo uu ka mid ahaa Sh. Abu Cuteyba kadib markii mid ka mid ahi isticmaalay Mobile-ka loo yaqaan Thurayaha iyada oo halkaasna lagu dilay 7 ka mid hoggaamiyaashii Maxkamadaha.
Dhanka kale hogaamiyahan ayaa sheegay in ay qab qabteen dad basaasiina ah oo isugu jira somali iyo Shisheeye doonayey in ka mid noqdaan ciidamadooda iyaga oo baadhay kana helay qalab kala duwan oo electronin ah oo ay ku jiraan ku duuba codadka iyo kaamirooyin yar yar.
Ciidamada Maraykanka ayaa dhowaan dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Argagixisada Al-shabaab.

Khilaafka iyo Kala Shakiga soo kala dhexgalay Shabaab-ka iyo Shisheeyihii la safnaa....

Warar iyana iska soo daba dhacaya oo ka soo baxaya Horjoogayaasha Shabaab-ka ayaa sheegaya in shaki xoog leh oo laga cabsi qabo in uu banaanka u soo baxo uu soo kala dhexgalay Dagaalyahamiinta Shisheeye ee Al-shabaab-ka taageera iyo Al-shabaab-ka hogaankooda sare.
Khilaafkan ayaa ah sida la sheegayo mid ka dhashay Dilkii qorshaysnaa ee lagu ee fuliyey Saalax Nabhaan, kaas oo Dagaalyahamiinta Shisheeye ay uga shakiyeen ama ku tuhunsan yihiin in ay basaaseen oo ay soo maleegeen Rag magac ku leh Shabaab-ka dhexdiisa.

Ninka Maraykanka ah ee ku Been-abuurta Magaca ah Abu-mansuur Al-amriiki oo iminka si weyn loo hadal hayo ayaa waxa la sheegay in u gooni ula baxay ciidamo shisheeye u badan si uu naftiisa uga badbaadiyo dilalkan Qorshaysan ee Marayankanku ku ugaadhsanaayo Argagixisada Al-shabaab iyo Shisheeyaha la safan ee ka barbar dagaalamaaya.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Sheikh Xasan Daahir ay Dagaalyahamiinta Shisheeye ka codsadeen in uu badbaadiyo Madaamaa Qaab-sirdoon oo khatar ah laga dhex-bilaabay Al-shabaabka dhexdiisa, kaas oo halis ku nabadgelyadooda, laakin dad-dil Xasan Dahir dhankiisa weli wax war ah oo arintaa ku saabsan lagama hayo.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaan qarsoonayn in qaab xeeladeeysan oo aad loola yaabay, shakigiisana leh lagu khaarajiyey Saalax Nabhaan oo falal Argagixiso ah ka fuliyey gudaha dalka Kenya ee uu shakhsiyan ka soo jeeday gaar ahaan magaalada Mombaasa.

Source: Halganka.net

By: Osman Abdillahi Sool.....Freelance Journalist.

No comments:

Post a Comment