Saturday 12 September 2009

MUDAHARAADKII OO SII SOCDA IYO XAALADA OO WALI KACSAN

MUDAHARAADKII OO SII SOCDA IYO XAALADA OO WALI KACSAN

Rasaasta Ayaa wali ka dhacaysa agagaarka Xarunta Wakiilada ilaa Baar Hargeisa Mudaharadayaashuna wali meesha ayay ku sugan yihiin Iyaga oo shiidaya askarta Booliska .

Waxa la Gubay Hal Gaadhi oo GT ah oo dowladu leedahay waxana la sheegaya in dhimashadu tahay Labo Qof oo ka mid ahaa dadka Mudaharaadayey Dhaawacuna intaa ka badan yahay.

Ilaa hadda ciidamda ayaan ku guulaysan inay dejiyaan xaalada .

Magaalada Qaybeehada kale ayaa degan sidoo kale Suuqa ugu weyn Caasimadda ee Waaheen ayaan laga dareemin rabshadaha ka socda meel u dhaw suuqa.

Suuqa ayaa camiran oo u wata hawshii si caadi ah iyada oo ay tahay maalmo loo diyaar garoobayo Ciida barakaysan ee Soon Fur .

No comments:

Post a Comment