Thursday 3 September 2009

MARKABKII KU GUBANAAYEY DEKEDA BERBERA OO GABI AHAANBA HURUSHOODAY

MARKABKII KU GUBANAAYEY DEKEDA BERBERA OO GABI AHAANBA HURUSHOODAY

Image and video hosting by TinyPic...

Warkii ugu danbeeyey ee markabkii MS Maryer Star ayaa saaka waxa uu ku dhamaaday guuldaro taas oo ilaa xalay la waday dedaal lagu doonaayo in lagu damiyi dabkaa ka holcaaya markabkaasi.

Shaqaalihii saarnaa markabkaas ee ahaa noca Crew ga loo yaqan oo tiradoodu dhamayn ilaa 12 crew ah ayaa gabi ahaanba la xidhay taas oo uu ka mid ahaa kabtankii markabka , xidhitaankan ayaa ka dambaysa kadib markii ay u sabab ahaayeen guul darada ka timid in la bakhtiin kari waayo markabka gubanaaya taas oo la sheegay in ay is hor taageeen markabka , sidoo kale waxa ay wararku sheegayaan in Kabtankii iyo lix uu ku jiraa ay ku xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada Berbera halka lixda kalena ay ku xidhan yihiin saldhig kale oo ku yaala xaafad ka mid kuwa berbera .

Maareeyahay Dekada Berbera Mr Cali Xoor xoor ayaa sheegay in kabtanku si toos ah uga hor yimid isaga iyo shaqaalihiisiba sidii lagu bakhtiin lahaa ama wada shaqayntii ka dhexayn lahayn iyaga iyo dadkii gurmadka ahaa iyo shaqaalihii dekada Berbera.

Cali xoor xoor waxa uu sheegay in markabkani uu ahaa kuu ugu gurmadaka iyo dedaalka badnaa ee abid soo mara dekada Berbera taas oo uu sheegay in sadex markab oo hore oo soo maray ay sidan ka sahlanaayeen bakhtiideedu dabdamiska aanu haysanayna nagu filnaa ,halka ay adkanayso markab badwaynta dhex taagan sidii loo bakhtiin lahaa.

Markabakan MS M .Star ayaa gabi ahaanba khasaare wayn ka soo gadhayaa ganacsato kala duwan oo nooc kastaba leh kuwaas oo ay u saarnayd alaabooyin kala nooc ah .

Ugu dambayntii dedaalka xalay la muujiyey oo ahaa kii ugu heerka sareeyey ee ay samayn lahaayeen shaqaalaha dabdamiska iyo dadkii gurmadka ahaa ayaa ugu dambayntii waxaa wada shaqayn la'aantaas timid ay sababtay in in lagu guul daraysto bakhtinta markabkaasi , halka lagu guurlaystay in laga soo rogo 64(Afar iyo lixdan ) Baabuur oo noocyo kala gadisan leh iyo 200 oo Tan oo bagaash ah.

Ugu dambayntii markabkii oo laga fogeeyey marsada ayaa waxaa dadweynhii lahaa alaabta iyo shacabkii ku dhaqnaa Magaalada Bebera ay daawanayeen markabka oo holcaaya ilaa iyo intii ugu damabyasay ay ku hurushootay meeshaas.

Ciidama Police iyo Kuwa CID da ayaa baadhitaano ku haya shaqalihii marakabka taas oo ay ka tixraacayan is hortaaga ay sameeyeen shaqaluhu iyo sababta keentay dadbka in uu ka dhex holco gudaha markabka.

Markabkan oo lagu qiyaay alaabta uu siday ilaa 1600 ilaa 2000 oo Tan oo isugu jirtay Baabuur, bagaash , iyo qalab electronic ah aayaa waxa uu noqonaya Ramadan ilaa Ramdaaan kii labaad ee ku haligma bada dhexaysa Dubia ilaa Berbera oo ay dad xoog lihina ku khasaaraan.

Togaherer
Hargaysa

No comments:

Post a Comment