Thursday 3 September 2009

MA LA SOCOTAA WAXQABDKA 3-DII SANO EE LA SOO DHAFAY EE TELESOME SOMALILAND (SAWIRO)



MA LA SOCOTAA WAXQABDKA 3-DII SANO EE LA SOO DHAFAY EE TELESOME SOMALILAND (SAWIRO)

Shirkada Isgaarsiinta ee Telesom Somali-land waa Shirkadii ugu horeysay ee Isgaarsiineed oo laga aas aasay Degaanada Somali-land, oo tayo leh ama wax tar leh, iyadoo ay keentay Qalab Isgaarsiineed oo kala duwan, oo Dhamaantood anfac u noqotay Dhamaan Dadweynaha Gobolka, waxaana Jira dadka 90% In ay aad u soo dhoweeyey talabaada ay ku dhaqaaqday Shirkadani, Horumarka dalka u Keentay ee Telesom.
Image and video hosting by TinyPic
Markii shirkada Telesom ay Bilaawday Howsheeda kana bilaawday Deegaanada Somali-land , waxay adeegeeda ka soo bilowday 10- Sano ka hor sida ay Bogan u Sheegeen dad la socday Dhaq dhaqaaqa Shirkadani, waxayna Bilawday sida lawada Ogyahay taleefoonka aan Guurguurin ee Line Land, waxayna ku Xijisay Mobileka gacanta Lagu qaato iyadoo shirkada Telesom Noqotay shirkadii Isgaarsiineed ee ugu horeysay kana Hirgelisay Somal-land adeegsiga Mobil ee GSMka, oo Xiligaasi ahaa mid Casri ah.
Image and video hosting by TinyPic
Hadaba tan iyo marki Shirkada Dhidibada loo taagay Sanado ka hor waxay ku Mashquulsaneed sidii ay Shacabkeeda ay si daacad u adeegi lahayd isla markaana si ay Gaarsiiso Horumaro kala Gedisan oo aan Awal looga baran in laga helo gudaha dalka iyo weliba Wadamada Gobolka qaar ka mid ah, gaar ahaan kuwa Dariska ah ama kuwa Jaarka ah.
Image and video hosting by TinyPic
Marka aad soo Gasho ama aad u soo Dhawaato Daaraha Dhaadheer ee Quruxda badan ee ku yaala Agagaarka Suuqa Caanka ah ee Shiraaqle waxaa Durba ishaadu qabanaysaa Fooq ka mid ah Fooqyada ugu Qurxoon oo Xafiiskeeda ku yaala Shirkada Telsom una Dhaxeeya PRijka iyo Suuqa Caanka ah ee Shiraaqle.

Shirkada Telsom, oo la aasaasay Sanadkii 1999-kii oo ah shirkada ugu tayada Wanaagsan, oo ay adeegeeda Isgaadhsiineed ku xidhan yihiin Shacbiga Somaliland 98.9%, ayaad Moodaa in ay haatan ka sii Hor marayso waxyaabo Badan oo aan laga Helin Wadamo Jaarka ah sida aan kor ku soo Xusnay, wadamadaasi oo ay ka mid yihiin kuwa Jaarka ah.

Qeyb ka mid ah Waxyaabihii ay qabatay Shirkadani oo aan soo Uruurinay…
Image and video hosting by TinyPic
10: March: 2009: ayay ahayd markii Aroos Wadareedkii ugu balaadhnaa ee abid laga Qabto dalka Somaliland ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, u qabatay Dhallinyaro ka mid ah Shaqaalaheeda, kaas oo ka dhacay Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.


Xafladdii Aroos Wadareedkan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka socota Goleyaasha Qaranka, Axsaabta Mucaaradka ah, Culimaa'udiin, Aqoonyahano, Masuuliyiinta, Madaxda Shirkada Telesom iyo Shaqaalaha Shirkadda Telesom iyo Marti Sharaf aad u tiro badan oo kala duwan, isla Markaana ahayd Goob Muuqaalkeeda aad u Qurux Badan , lagana soo Shaqeeyay.

Aroos Wadareedkan ayaa Sida Masuuliyiinta Shirkadda Telesom sheegeen ayaa ahaa Aroos-Wadareedkaasi ku kacay Aduun gaaraya $ 22,000 (Laba iyo Labaatan Kun oo Dollar) waxaana Guryo Cusub isla Habeenkaasi ay shirkada Telesom ka Yagleeshay 21 (Kow iyo Labaatan) Qoys oo lammaane ah, sidoo kale xubnaha Aroosyada ah ee loo Sameeyey Xafladdan oo ah Shaqaalaha Telesom ayaa ka koobnaa Dhammaan Gobollada Dalka, oo aan ku Koobnayn Waax, Xarun ama Qeyb ka mid ah Xafiisyada iyo Xarumaha Gaaraya Boqolaalka ee ku Baahsan Dhamaan Gobolada Somali-land.

Intii ay Xafladaasi socotay waxa hadallo Mahadnaq, Dardaaran iyo Hogo-tusaaleyn isugu jiray ka Jeediyay qaar ka mid ah Culimaa'udiinkii, ugu waawayn Somali-land, Masuuliyiintii iyo Aqoonyahanadii Madasha joogay.

Qaar ka mid ah. Masuuliyiinta Shirkada oo halkaa ugu horayn ka hadlay ayaa ka Waramay ujeedada Aroos Wadareedkan iyo muda qaban qaabadiisu socotay, waxa kale oo ay sheegeen Qiimaha uu ku kacay iyo dadka ay aroos Wadareedka u sameeyeen cida ay tahay intaba.


Sidoo kale waxa iyaguna ka hadlay qaar ka mid ah Culimada Waaweyn ee dalka sida Sheekh Maxamed Cumar Dirir iyo Sheekh Yuusuf Aadan, waxayna Culimadani Shirkadda Telesom ku ammaaneen Waxtarkaa ay u samaysay Shaqaalaheeda, Culimadu waxay ku dheeraadeen Faa'iidooyinka Guurku u leeyahay Bulshada iyo sida cid kasta oo ka qayb qaadataa ay wax weyn ugu tartay uguna soo kordhisay Ummaddda, ayada oo Meesheeda ay tahay Ajir aan la Qiyaasi Karin.

Magacyada qaar ka mid ah Dhalinyaradii loo Sameeyay Aroos Wadareedka ee Joogay Goobtaasi.

1. Caydaruus Xariir Maxamed – Hargeysa

2. C/raxmaan Jaamac Cashuur - Burco

3. Jaamac Faarax Cabdi - Burco

4. Cawil Axmed Ducaale - Hargeysa

5. C/rasaaq Shire Diiriye - Hargeysa

6. Yuusuf Axmed Ibraahim - Gabiley

7. C/llaahi Cabdi Dulle (Hargeysa)

8. Mukhtaar Xuseen Ismaaciil - Hargeysa

9. Ibraahim C/rasaaq Xassan - Hargeysa

10. Qaasim Maxamuud Kaariye - Hargeysa

11. Maxamed Axmed Cumar - Hargeysa

12. C/rasaaq Cumar Xasan - Berbera

13. C/raxmaan Khadar Cai - Laascaanood

14. Maxamed Cismaan Nuur - Hargeysa

15. Cabdi Jaamac Dakhare - Caynabo

16. Cabdi Muxumed Jirde - Sheekh)

17. Axmed Maxamed Maxamuud - Laascaanood

18. Maxamed Yuusuf Xuseen - Hargeysa

19. C/raxmaan Cismaan Cumar – Hargeysa.

Sidoo kale Waxaa ka mid ah Waxyaabaha Dhiiri Galin Kara Horumarka shirkad Walbaa ay leedahay in Shaqaalaha la Tixgaliyo lana Dhiiri Galiyo.

Shirkada Telesom oo Shaqaaleheeda Gudoonsiisay Abaal Marino Kala Duwan?????

17 Feb 2009. ayay ahayd Markii isla Shirkada ugu ballaadhan Dhinaca Isgaadhsiinta Somaliland ee Telesom ay Magaalada Hargeysa ku qabatay Xaflad-Sanadeed ay Shaqaalaheeda Waaxaha kala duwan ku Guddoonsiinaysay abaal-marino, kala duwan, sidii ay u kala shaqo Wacnaayeen, Sanadkii tagay ee 2008-ka.

Munaasibaddan oo ay ka qaybgaleen Masuuliyiin ka kala socday shirkadda Telesom, Dawladda, Ururada Bulshada, Shaqaalaha Shirkadda iyo Marti-Sharaf kale ayaa ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay, Guddoomiyaha Ururka Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland ku bahoobeen ee SATO Mr. Yuusuf Axmed Yaasiin, waxaanu Shirkadda Telesom ku ammaanay hawlaha ay qabato, isaga oo u jeediyay in ay kordhiyaan adeegooda, isla markaana halkaa ka sii Wadaan.

Guddoomiye-Xigeenka Shirkadda Telesom Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) oo hadal Dheer halkaa ka Jeediyay ayaa sheegay in Shirkadda Telesom ay Shaqaalaheeda u Diyaarisay adeegyo kala duwan, isla markaana ay u fidiiyaan kaalmooyin Dhaqaale. Sidoo kale waxa uu sheegay Eng. Maxamuud in Shirkaddoodu Dhaqaalaha waxbarashada ka bixiso Arday tiro badan oo Dhigata Jaamacadaha Somaliland, Waxaanu sheegay in Shirkaddoodu Diyaar u tahay u adeegidda iyo Raaligelinta Macaamiishooda iyo guud ahaan Shacabka ay u shaqayso.

“Ma ahan markii ugu Horaysay oo ay abaal marin kala duwan bixisay shirkadani mar kasta waxa ay dadwayenaha Macaamiisha u ah u Dhigtaa tartan ay ku helayaan baabuur iyo waxyalo kala duwan, balse tani waa tii ugu horeysay ee ay siiyaan Shaqaaleheeda abaalmarin taas oo u Noqonaysa dhiiri galin iyo dardar ay la yimaadaan Shaqalaha Shirkadaasi lagana yaaboba in ay helaan faido badan mar hadii ay shaqaalihii abaal marisay.

Dhinaca kale Shirkada Is-gaadhsiinta Telesom Oo $20,000 Oo Dolar Ugu Deeqday Dadka Somali-land Ee Ay Abaaruhu Waxyeeleeyeen..

March 27, 2008 ayay ahayd markii Sarkaalka u qaabilsan Xidhiidhka Dadweynaha Shirkada Is-gaadsiinta ee Telesom uu Saxaafada u sheegay in Shirkada Isgaarsiinta ee Telesom ay ugu Deeqday abaaro ba'an oo ka taagnaa Xiligaasi Gobolada Somali-land Aduun gaaraya $ 20,000 oo dolar, oo ay ku Wareejiyeen Gudoomiyaha Gudida taakuleynta Abaaraha.

Sidoo kale Shirkada Isgaarsiinta ee Telsom ayaa ku Wareejisay isla Sanadkaasi Wasiirka arimaha Gudaha iyo taliyaha Ciidamada Booliiska Somali-land laba baabuur oo ah kuwa market2-ga si ay uga Qeyb qataan Aminga iyo in ay isticmalaan Ciidamada Booliiska ee suga Amaanka.

Isla Goobta lagu Gudoonsiinayay baabuurta ayaa Shirkada telsom waxay ku soo Bandhigtay Guriga Shaqaalaha Carwo aad u Cajiib badnayd waana Carwadii labaad oo ay soo Bandhigto Telesom.

Jul 2008-kii ayay ahayd markii Xaflad gudoon siin ah lagu qabtay xarunta Guriga Shaqaalaha Dawlada waxa ugu horeyn ka hadlay Maareeyaha Guud ee shirkada Telesom C/kariim Maxamed iid , isagoo sheegey in Deeqdan baabuurta ahi ay qayb ka tahay sida ay shirkad ahaan diyaar ugu yihiin inay doorkooda ka qaataan hawlaha la xidhiidha ilaalinta iyo adkeynta Nabadgelyada.

Mas'uuliyiintii halkaasi ka hadashay waxaa ka mid ahaa taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad ayaa isna waxa uu dhiniciisa ballan qaaday Daryeelka baabuurtaasi iyo sidii loogu fulin lahaa adeeggii loogu Talo Galay.

” Aad ayaan ugu Faraxsanahay in shirkada Telesom ay na Gudoonsiiso abaar Marin heer kaan oo kale ah, waxaana dhihi karaa Telesom waa Qeyb ka mid ah u adeegida Dadka Somali-land iyo Bar Baarinta Nabada” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliiska oo halkaasi ka hadlay.

Sidoo kale September 18, 2007 ayay ahayd markii mid ka mid ah shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka shaqeeya Shirkada Telesom uu islaamay…

Zheng Feng Chi oo hadda loo bixiyay Maxamed,waa nin Telecommunication Engineer ah, da'diisuna tahay 28 jir,waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Chine.

November 22, 2008 ayay sidoo kale Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom ay ku Dhawaaqday in ay Dadwaynaha u soo Bandhigeen adeeg Cusub oo la yidhaa Electronic-voucher oo ka Casrisan kana hawl yar adeegii hore ee ku shubashada kaadhadhka ee Voucher Cards-ka, adeegan oo aad Mobile-kaaga si fudud ugu shuban karto ama qof kale ugu Shubi karto lacag, qiimaha aad doonto.

Xiligaasi Sarkaal u Hadlay kana hadlayay adeegaasi cusub ayaa waxa uu yiri.

Hore waxaynu u Naqaanay oo aynu u istimaali jirnay kaadh lacageed oo inta la iibsado dabadeedna la xoqo, kaas oo inta ugu yari ay ahaan jirtay haldoor iyo wixii ka sareeya, anagoo kaa bedelin waxaanu barbar keenay E-Voucher oo aanu soo saarnay in qof rubuc dollar ama dollar uu ku shuban karo ama aynu nidhaahno qof waliba karaankiisa, barnaamijkan”. Madaxa iibka iyo Suuqgeynta shirkada Telesom waxa uu sheegay in aanay dad badani haysan kaadhadh ay magacyadoodu ku qoran yihiin, waxaana uu uu tilmaamay in barnaamijkani uu Sahlayo in uu qofku magaciisa runta ah ugu diiwaangashanaado E-voucherka waxaana uu yidhi

“Waxaa laga yaabaa in aanay dad badani haysan kaadhadh ay magacyadoodu ku qoran yihiin oo ah mid la siiyay, markaa wuxuu barnaamijkani sahlayaa in uu qofku magaciisa runta ah uu ugu diiwaangashanaado Barnaamijkan E-Voucherka, barnaamijkana waa geedi iyo horu mar ay shirkada Telesom u guurtay.

Shirkada Isgarsiinta ee Telesom ayaa waxay tahay shirkada Kaliya ee ka dhisan Somali-land oo ka Qeyb gasha Shiraraka Caalamiga ah, taasi oo looga hadlayo Dhinaca Isgaarsiinta.

15/12/May 2008-kii ayay ahayd markii Wafti uu Horkacayo Maareeya Ku-Xigeenka Shirkada Telesom Maxamuud Xaaji Aadan Axmed (Xadeed) oo ka koobnaa Mas'uuliyiintac Shirkada ay ka Qeyb galeen shir Caalami ah oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Isgarsiinta aduunka (International Telecom –Munication Union. Shirkaasi oo loogu Magac daray ITU Telecom afrika 2008-ka, waa uuna ku saabsanaa sidii Tiknoolajiyad Casri ah loogu baahin lahaa Guud ahaan Wadamada afrika, waxaa lagu qabtay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

16- June 2009 ayay ahayd Markii shirkada isgaadghsiinta telesom oo soo bandhigtay adeeg Casri ah oo la yidhaa Zaad Service.

Shirkada Isgaadhsiinta Ugu weyn Somaliland ee Telesom ayaa xiligaasi aan kor ku soo Xusnay soo bandhigtay adeeg Casriga ah oo loogu Wanqalay Zaad Services, adeegan oo ah kii ugu horeeyey ee Noociisa ah ee dalka Somaliland laga Hirgaliyo.

Ayaa waxaa Munaasibad loo sameeyey furitaanka Tiknoolajiyadan Casriga ah lagu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Madaxdii halkaasi ka Hadashay oo uu ka Mid ahaam Gudoomiyaha shirkada Telesom Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed) waxaanu sharaxaad ka bixiyey qaabka loo adeegsanayo Nidaamka Cusub ee adeegsiga Zaad Service.

Markii ugu horeysay ee la maqlo magaca Mobile Money wuxuu ahaa ATM machine yar oo la qaadi karo oo la geyn karo meesha ay dadku ku badan yihiin oo ay dadku si fudud lacagtooda ugala bixi karaan.Farsamada Technolajiyadan waxa markii ugu horeysay bilowday 1996-kii Shirkad Mareykan ah,laakin in telefoonka Mobile-ka loo adeegsado adeega noocan oo kale ah waxa markii ugu horeysay bilowday sanadkii 2000 shirkad magaceeda la yidhaahdo Smart oo laga leeyahay dalka Filibiin,oo ay wadashaqeyni ka dhaxeyso Shirkadaha waaweyn ee Master Card-ka ah,Shirkadii 2aad ee hawshan bilowdaana waxay ahayd Shirkad magaceeda la yidhaahdo Voda phone oo ka bilowday Shirkad ay ku leedahay dalka Kenya oo magaceeda la yidhaahdo Safari Phone waxaanay hawshoodi bilaabeen sanadkii 2007-kii.”.

“Nasiib wanaag sanadkii 2009-kii waxa adeegyadan bilaabay laba Shirkadood oo kale oo aanu annagu (Telesom) Sadex ku nahay oo Magacooda la yidhaahdo NTN oo Koonfur Africa ah iyo Kuwait Sidaa daraadeed waxaynu noqonay dalkii afraad ee laga Hirgaliyo farsamada Tiknoolajiyadan Casriga ah ee noocan oo kale ah,waxa kale oo aanu ku guulaysanay in aanu noqono shirkadii shanaad ee is-Gaadhsiineed ee caalamka ka jirta ee Suurtagelisa Technolajiyadan,runtii waxa wax si weyn loogu farxo ah in cida Suurtagelisay ay tahay Shaqaalihii Shirkada Telesom”. Ayuu yiri Xadeed oo Xiligaasi ka hadlayay Munaasabadaasi

Telesom markii la soo gaaro sanad weliba bisha Barakaysan ee Ramadaan waxay Maalgelisa Barnaamijyo ka baxaTaleefishinada iyo Idaacadaha Somali-land oo ku sabsan tartansinta Dhalinyarada Reer Somali-land taasi oo lagu qabtao Xarunta labaad ee ugu wayn shirkada, taasi oo Degmooyin ka ay ka koobantahay Somali-land loogu qabto Tartan aqooneed ay ka Qeyb Galayaan Aqoonyaho, la iskuna Waydiinayo Su'aalo diini iyo kuwa kale.

Waxa uuna tartankaasi ku soo Dhamaadaa ama lagu soo gaba gabeeyaa in loo kala qaado Darajooyinka A-B-C kuwaasi oo Hela abaal marino kala duwan.

Waxaa soo ururiyey
Cabdi Xakiim Cilmi Xasan
Hargaysa

No comments:

Post a Comment