Wednesday 9 September 2009

LA TALIYAHA SHARCIGA EE WAKIILADA AXMED CALI KAAHIN OO SHEEGAY IN XUKUUMADU XADHIG LA MAAGAN TAHAY

LA TALIYAHA SHARCIGA EE WAKIILADA AXMED CALI KAAHIN OO SHEEGAY IN XUKUUMADU XADHIG LA MAAGAN TAHAY

La Taliyaha Sharci ee Golaha Wakiillada oo Sheegay in Xukuumaddu Xadhig la Maaggan Tahay

Hargeysa
La taliyaha sharci ee Golaha Wakiilada Somaliland Axmed Cali Kaahin,

ayaa sheegay in xukuumadu xadhig la maagan tahay, kadib markii uu xalaaleeyey in mooshinka maamuus ka xayuubinta madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ay mudanayaashu gudo gali karaan.

Axmed Cali Kaahin oo shalay saxaafadda u waramay, waxa uu xusay in aanu xadhig ka baqanay oo uu gurigiisa diyaar ugu yahay cidii doonaysa inay qabato, isaga oo sheegay in indho laga baqaa Illaahay ku yaalaan.

“Way jirtaa in la I doon doonayo oo xadhig la ila maagan yahay, waxaan leeyahay cidii i doonaysaa gurigayga ha iigu timaado waan ku sugayaaye,” ayuu yidhi la taliyaha sharciga oo ka jawaabayey su’aal ahayd waxa ka jira warar sheegaya in xukuumaddu xadhig la maagan tahay, kadin markii ay ka cadhodeen shariyeynta mooshinka maamuus ka xayuubinta ah.

Su’aal: Waxaad sheegtay in labada mooshin yihiin sharci, markaa qoladii wadatay mooshinka wax-ka-beddelka xeer-hoosaadk inay meeshii buuq ka bilaabeen, maxaa keenay ayaad isleedahay murankaas?

Jawaab: Iyaga ayey u taallaa taasi, waxa laga yaabaa inay go’aan ku gaadheen oo ay ka sii tashadeen, laakiin wax wanaagsan ayaan waday anigu, iminkadaas ayey ka hadlayeen xil-ka-qaadista shirguddoonka, laakiin xeer-hoosaadka yaallaa wuxuu dhigayaa in 55 cod ayaa lagaga qaadi karaa.

S: Waxay ka hadlayeen qolada muxaafidka ahi arrinta loo gudbiyo guddiga joogtada ah, maxaa ku jaban ayaad isleedahay arrintaas?

J: Aniga halkaas qodob ayaan koodgareeyey, waxaanay kala ahaayeen qodobkiisa 3aad iyo 5aad ha akhristo qofkii xaq doonaya, anigu kaas ayaan akhriyey wax kale oo ay meesha keeneen ma jireen, aniguna siyaasi ma ahi, waxaan aniguna shacabka reer Somaliland kula talinayaa inay isku tanaasuliyeen, Goluhuna in uu innaga burburo, waanna waa golaha keliya ee la soo doortay.

S: Waxa la leeyahay Golihii Guurtida iyo Wakiilladii waa la xidhay, arrintaas sideed u aragtaa?

J: Wallaahay waa gardarro cad, cid xidhi kartaana ma jirto golaha, shaqana kuma leh, goluhuna isaga ayaa is xidhi kara, muddada uu is xidhi karaana waa toddoba casho oo keliya.

S: Weriyeyaasha qaar ayaa ag joogay markii la bixinayey amar ah in la soo xidho, arrintaas sideed u aragtaa?

J: Anigu mana arag mana maqal, laakiin haddii sidaasi dhacday waa inqilaab cad oo sharcigii lagu inqilaabay, mudanayaashuna ixtiraam bay leeyihiin.

S: Muddadii aad labadan mooshin haysay wax culus ah oo xukuumaddu ku saartay ma jirtay?

J: Dad badan oo igaranayaa way isla soo hadleen dhinac walba, laakiin anigu waxaan u sheegay cid walba in sharciga lagu soconayo haddii Illaahay yidhaahdo.

S: Ilaa iminka cid kula soo xidhiidhay ma jirtaa intii hawshani dhacday?

J: Maanta buuq bay ahaydo rabash baynu ku jirnay, midna waan u sheegayaa shacabka indho laga baqaa Illaahay ayey ku yaalaan, anigu madaxdayda shirguddoon, Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen sharaf ayey naga mudan yihiin, wixii wanaag ka talinayana waannu la shaqaynaynaa

Jamhuuriya

No comments:

Post a Comment