Sunday 13 September 2009

INAAD LUQUNTA HOOGAA-MISIYO HOGOSHO CIIL BAA LEH!!!

INAAD LUQUNTA HOOGAA-MISIYO HOGOSHO CIIL BAA LEH!!!

INAAD LUQUNTA HOOGAA-MISIYO HOGOSHO CIIL BAA LEH!!!

Hulaab ooya-yeey maan jeclayn hadalka qaarkii, waxan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan EHELKII, QARAABADDII, CARUURTII, IYO WAALIDKII ay ka dhinteen dadkii ku geeri-yooday mudaaharaad ku sheegii maryaha dhiiga leh laga-la hoos baxay, ee sababay 2-da qof kuna dhaawac-meen dhawr kale, waxan lee-yahay marka hore samir iyo iiman AL-LE ha idinka siiyo iyaka-na RABBI janaddii haka waraabiyo intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna ILAAH ha usahalo oo hawga dhiga nabar gardaro, inkasta oo ay ahayd in aanay maanta taasi iman oo ay ku tahay lafa jab umada reer soamalialnd ee ku kala nool aduunka hareeri-hiisa, aadna uga xun, inkasta oo ay qaar dhiiri-gelina-yeen in kacdoon yimaado oo faraha la isula tago, kuwaas oo aan ku lee-yahay maala dambar-keeda waa taas timi tii aad ku dhaaranay-seene, xooga u jeclay-deene, yaanay idin la xumaan, kuwii labada dhinac sida awr ah BAARQUBO TUU-TUU-DAAS hayaye, waa kuwaas imka garabaha iska dhigay cardaa-duqaha'e saw dembiga
inaku ma lihin wixii ka dhacay oo ka maynu dambeyn, ilayn inaka baa abuurnaye, welina ma cascasa ee way bilaaban-tay ee aan eegno duugeeda iyo halka ay biyo dhigto.

Dhalaanka haraadan,
haweenka hungoobay,
hugii iska tuuray,
hubaal tafa-xatay,
kuwii hanti-dooda,
markii uu ka haagay,
haadiisa u qaybshay,
hangoolka ku boobay,
dhurwaaga hilbeeyey,
rasaasta ku habsiiyey,
inaan uga hiilin oo,
habeen ka dhaqaajin,
anaa huba taase,
higlooy gabal kuu dhac,
MUCAARID HAGAAF AH.,
hamuun kursi doona,
hoheeyda ka kacayda,
hayaay halga-mayda,
saboolka haleeyey,
ka daashay hadhuudhka,
intuu go' hulaabto
halyey-nimo, sheegtay,
wallee inay hoogi,
naf-tooda ay hiifi
haddii aanay joojin,
hujuumka danleyda

kuwa abuuraaya xamaasada ee gilgilay hargaysa kana dambeeyaa maaha oo keli ah, maamulka, iyo mucaaridka, ee waa kuwa DHIBTA KU AH XILKII UMADU U DHIIBATAY, oo aan u naqaano XILDHI-BAANO, oo aan ka war hayn waxa loo doortay iyo xil saaran, ee ka door biday is haysi iyo in ay isi sudhnaa-daan, oo mar walba kala lushaan, wax ay u qabteen dadkii doortayna aanay jirin, noqdeen kuwo haya TOROROG IYO HADAL TIRO aan wax ay ku fadhiyaan jirin, micno ay samaynay-saana aanad arkayn, ay iska hor iyo daba wareega-yaan, wax ay yihiina aanay jirin, kuwa shirgudoonka ahina ee madaxda u ahina, waa DAMEERI DHAAN RAACDAY oo , halkii ay ahayd in ay dhex u ahaadaan, shicibka, 3 da xusbi, maamulka, labada gole, baa waxay ka soo jeesteen, lana soo safteen xusbiggii uu mid waliba ka tirsanaa, oo iska ah mucaarid,waxay ka tageen, oo aad uga fogaadeen, meesha-na ka saareen dhexdhe-xaadnimaddii, iyo shaqaddii loo igmaday, mana metelaan umada wixii maanta ka dambeeya,, geerida
iyo dhimashada timana IYAKA BAA U AABA AH, waayo waxay ka soo if baxday, kala qabsa-naanta ay u ficilta-mayaan siddii kuwo aan xil saarnayn, oo ma oga in ay mansuul ka yihiin deganaan-shaha dalka iyo dadka, ee weliba iyaka baa ku baaqaaya in shicibku gadoodo, oo xamaasad iyo qulqulado kiciyo, waxay dhiiri geliyeen iska hor imaadka, xusbiyada, maamulka, golaha guurtida, waxay dab ku sii shideen oo holac ka abuureen gudahooda taas oo keentay khalkhal iyo wareerka ku yimi umada sababay-na dhimashada iyo dhaawaca shicibku dhaxaly, wwyo iyaka baa kiciyey oo ugu baaqay in ay dagaal sameeyaan, may timaadeen in intaas oo dhami timaado, haddii aanay iyaka iska soo hor jeedin, oo ceebtana cid lama laha ee waa u gaar, waa iyaka kuwa u soo duway waxa somaliland ka dhacday, qoorta-na ay u saaran tahay cid la wadaag-taana ma jirto.

*N.B Macal cune muuqan doonee.
abdi-shotaly,
oodweynenews.com

No comments:

Post a Comment