Thursday 3 September 2009

SAFRKAYGII SOMALILAND IYO BURCU IYO ISBADALKII AAN KU SOO ARKAY HALKAASI

SAFRKAYGII SOMALILAND IYO BURCU IYO ISBADALKII AAN KU SOO ARKAY HALKAASI

Sarafkaygii Somaliland iyo Burco

Safar gaaban oo aan kusoo gaadhay magalada Burco sadex cisho ka hor waxa ay ii ahayd wakhti aad u wanagan aniga oo kasoo kicitay Casimada Somalialnd ee hargaisa waxa aan kasoo baxnay magalada Hargaisa goor hore oo ah markii aanu Salaada subax tukanay.

Waxa aanu dhawr saacadood uunka dib soo gaadhnay magaala madaxda gobolka togdheer ee burco 11.00 duhurnimo intii aanan magalada soo galin waxay markiiba ishaydu qabateysida hareeraha magaalada looga degan ee ay u fidayso iyo warshadaha ku xeeran.

markii aan soo gaadhay badhtamaha magalada Burco oo ah wakhti dadka wixii magalada joogay ay markaasuun soo buuxiyeen magalada waxa markiiba aan ogaadey in dadka aanayba warka hayn ama iskuba lurayn waxyaalaha casimada soomaliland aadka looga sheekaysto ee ah dorashada iyo muranka ku gadaaman ee ka jira Somaliland.

inkastoo aan arkayso in uu jiro roob la'aan jirta hadana dadku wax cabasho ah oo ay kuu sheegayaan ma jiraan walow dadku qaar ay ka muuqato darxumo iyo jahawareer ,intaas ka dib waxa aan soo eegay bacadlayaasha iyo meelaha lagu badan yahay oo runtii aad u camiran iyo dhismayaal fooqaq ah oo magalada ku cusub oo dhawaan sida la ii sheegay la dhisay.

Waxa aan booqasho yar oo gaaban aan ku gaadhay jamacada Burao University oo qudhaydu aan ka mid ahaa dadkii markii lacagta loo ururinayey wixii karaan kayga ahaa ka gaystay.Inkastoo markii aaan jamacada imid la ii sheegay in ardaydii ay fasax ku mqan yihiin hadana waxa socotay casharo la ii sheegay in haayado ay maal galiyeen oo tababaro ahaa.Waxa aan halkaa jamacada kula kulmay macalimiinta jamacada qaar ka mid ah oo uu ku jiro madaxa jamacada Dr. Abdisalan Yassin oo aan suaalo yaryar weydiiyey si wanagsana uu iiga jawaabay iina sheegay in ay si wanagsan u socdaan aanuna wixii aanu kari karno qaban doono hadii Ilahay yidhahdo.

Intaa ka dib waxa aan soo booqday dhakhtarka weyn ee Burco oo dad farabadan aan ku arkay iyo shaqaale shaqadooda wata oo bsu y(mashquul ) ah sida ay iila muuqaday dhakhtarku waxa ka muuqatey nadaafad wanagsan oo aanad wax ishaadu diidayso aanad ku arkay oo runtii uu aad ii qiiro galiyey iyaga oo aan dhinaca kale bahidoodu dhamaan oo ay u bahan yihiin waxyaale badan.

Hamse A Salaan
Burco
Somaliland
hamse100@yahoo.com

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment