Wednesday 9 September 2009

M/WEYNE RIYAALE OO XUBIN SHARFEED GUURTIDA AH U MAGCAABAY SHEEKH DAAHIR XAAJI XASAN

M/WEYNE RIYAALE OO XUBIN SHARFEED GUURTIDA AH U MAGCAABAY SHEEKH DAAHIR XAAJI XASAN

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland

Date: 09/09/09


Warsaxaafadeed




Madax-weynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay xubin sharaf cusub oo ka mid noqon doona golaha Guurida Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu markuu arkay qodobka 60 aad farqadiisa labaad ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana isagoo tixgalinaaya kaalinta wax ku oolka ah ee uu qaranimada Somaliland ugu jiro golaha guurtidu waxa uu u magacaabay Sheekh Daahir Xaaji Xasan Cabdile inuu ahaado xubin sharaf ka tirsan golaha Guurtida isaga oo sida la ogyahay kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay guud ahaan dhismaha iyo horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.


Allaa Mahad Leh


Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyadda JSL


No comments:

Post a Comment