Thursday 3 September 2009

BOOLSIKA OO RASAAS DABADA U QABTAY D/WEYNE MUDAHRAADSAN IYO SAXAAFADA OO LAG HORJOOGSADAY WAKIILADA

BOOLSIKA OO RASAAS DABADA U QABTAY D/WEYNE MUDAHRAADSAN IYO SAXAAFADA OO LAG HORJOOGSADAY WAKIILADA

Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Xarunta Wakiilada ee Ku taal ka soo horjeedka Madaxtooyada looga aramiyo Somaliland Ayaa kacsan iyada oo ay ka soconayaa hadda Mudaharaad aan qorsheysnayn oo ay dhigayaan dadweyne fara badan oo ku sugan Xarunta Wakiilada horteeda .

Mudaharaadkna aan qorsheysnayn ayaa ka dhashay fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo la keenay ciidamo aad u fara badan oo boqolaal ah kana badan kuwii shalay kuwaas oo rasaas fara badan ku ridaya shacabiga ku sugan xarunta Wakiilada .

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa ku dhawaaqaya ereyo lidi ku ah Xukuumada Riyaale iyaga oo ku dhawaaqaya is casil ha dhaco Riyaale Daahir Rayaale ayuu dalkani eeday, Dimuquraadiyaddii ayuu Daahir Burburiye .

Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo Booliska ayaa rasaas Nool ooda kaga qaaday Dadweynihii waxayna Baacsadeen Dadweynaha iyaga oo u adeegsanyaan rasaas nool oo ay ku ridayaan Dadweynaha sidoo kale waxay adeegsanyaan oo ay la dhacayaan Budhadh Ulo iyo Qoryaha dabadooda kuwa ay gaadhaan , dadweynaha ayaa u badan Dumar iyo dhalinyaro waxaanay Ciidamadu ay qabqabteen Tiro dad ah oo ay ku gurayeen baabuurta Bilayska .
Sidoo Kale Saraakiisha Booliska ayaa u diiday qaybaha saxaafada inay galaan xarunta wakiilada sidoo kale waxay iska dhaga mariyeen codsi shirgudoonka ah oo in la soo daayo saxafada .

Ka hor intaa aan dadweynaha Rasaasta lagu kala eryin ayaa waxa soo baxay Gudoomiyaha Wakiilada oo dadkii u sheegay in fadhigi ku dhamaaday si degan guddina ay u saareen xalinta arintan goluhuna ay fasax galiyeen bari isuguna soo noqon doono maalinta salaasada sidaana ay ku kala dareeraan Dadweynuhu kana tagaan bacadka.

Geesta Kale Dadweynaha Gadoodsanaa ayaa Wasiirka Duulista Hawada Md Cali Warancade ayay dadkii Mudaharaadayay ku joojiyeen Wadada Tagta Madatooyada isga oo maraya iyaga oo ku dhawaaqayay Waxaad tahay Wasiirka ugu mudan wasiirada Riyaale ee iscasil hadii aad wax dhawrsanayso .

Ilaa hadda wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta oo soo gaadhay Dadweyniha lama sheegin.

Warqabdka TogaHerer.com
Hargeisa

Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic
Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic>

No comments:

Post a Comment