Wednesday 30 September 2009

WAA SIDEE XAALADA DUGSIGA HOOSE DHEXE EE M. AXMED CALI BURCO +WARAYSI LAGA SOO QADAY MAAMULAHA DUSIGAASI.

WAA SIDEE XAALADA DUGSIGA HOOSE DHEXE EE M. AXMED CALI BURCO +WARAYSI LAGA SOO QADAY MAAMULAHA DUSIGAASI.

Waa side xaalada iyo jawig guud ee Dugsiga H/dhexe ee mohamud ahmed ali + waraysi anu la yeelanay Mamulaha Dugsigaasi

Marka aad maqasho magaca maxamuud axmed cali maxaad dareemaysaaa oo maskaxdaada ku soo dhacaya?

Waxa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya Aabihiiii waxbarashada ee gayiga somalida ee geeska Africa iyado iskuulka maxamuud axmed cali oo ka mid ah iskuulada ugu da’da wayn ee magaaladda Burco uguna ardayda badan ayaanu manta booqaso rasmi ah kutagnay iyadoo xiligiii aanu booqanaynay Dugsiga oo goor subaxa ahayd ay socdeen xiisadihii caadiga ahaa iyadoo iskuulkuna ahaa mid mashquul badani ka muuqday, Hadaba intii aanu halkaas kusugnayn waxaan lakulanay masuuliyiinta iskuulka, masuuliyiintaas aanu lakulanay waxaa kamida ahaa maamulaha iskuulka siciid ibrahim cali iyo weliba macaliimiinta iskulka qaar ka mid ah.

iskuulka oo ah mid bilicsan oo ay kubeeran yihiin dhir farabadan oo markaad gashid aad jeclaysanayso inaad inaad xoogey kudhex negaato ayaa jawigiisa guud uu ahaa mid caadi ah,

Hadaba Booqashadan aanu saaka booqanay Dugsiga H/dhexe ee Maxamud Axmed Cali ayaa ahaa mid aanu ugu kuur galaynay xaaladda waxbarasho iyo xaaladda Guud ee Dugsiga. iyadoo aanu waraysi Dhinacyo badan taabanaya la yeelanay Maamulaha Dugsigaaso Siciid Ibraahin Cali.

iyadoo sida uu maamuluhu noo xaqiijiyey Iskuulka ay wax dhigaan

inkabadan 12 macalin oo badankoodu ka soo baxay kulliyadii macaliniimta ee lafoole .

Iskusoo wada duuboo iskuulka mohammuod ahmed ali ayaa ayaa ah mid aad uga duwan marka loo eego iskuulada kale ee dowliga ah ee gobalka togdheer dhinacyo faro badan.

Hadaba maamulaha oo aanu waraysi dheer ka soo qaadnay ayaa waxa uu dhacay waraysigiina sidan:

S-Marka hore maamule bal nooga waran sida iskuulka howshiisu usocto iyo waliba inta fasal ama galas ee uukaboonyahay ISkuulku?

J-Howsha iskuulku isfiican ayey usocotaa waanad aragtaan ayaan umalaynayaaaa oo xiisadihii ayaa socda iskuulkuna wuxuu kaboonayahay Dhowr iyo Toban Galaas, 11 Galaas ayaa hadana wax lagu dhigtaa

S-Waayahay, Maamule Goorma ayaa la aasaasay Iskuulka, immisa Dufcadood ayaa se ka baxay iskuulka intii uu jirey?

J- lskuulkan waxa la aasaasay 1970 kii waxaana kaqalin jabiyey amaba kabaxay 11 dufcadood kuwaaso welibana dhowr jeer noqday ardaydii ugu sarsareysay Somaliland .

S- Yaa gacan idinka siiya dhanka agabka iyo kharashaadka kale ee iskuulka innagoo og weliba inu iskulku yahay mid Dawli ah?

J- waa run iskuulkani mid dowli ah waxaana dhanka agabka iyo kharashkaba gacan naga siiya wasaarada waxbarashada jsl iyo hay,ado kale oo waxbarasho.

s: maamul intee ayaad maamule ka ahayd adigu Dugsiga?

j:waxaan maamule ka ahaa dusigan mudo 8 sano ah

S- waa hagaag, maamule intii aad maamulaha ka ahayd dugsiga wixii Kuugu farxada badnaa ee ku soo mara wax ma noga sheegi kartaa ?

j: kkkkk haah waxyaabihii igu farxada badnaa ee isoo mara waxa ka mid ahaa sadex sanad dugsiyeed oo aanu ugu saraynay oo laba jeer aanu tobanka arday ee s/land ugu sareya helnay mararkaas ama sannadadaas aya iigu farxad badnaa.

S: maamule maxaad u malaynaysaa in uu dugsigan maxamuud axmed cali kaga duwan yahay dugsiyada kale?

j:waxaan u malaynaya in uu kaga duwan yahay xaga bilicda oo ah meel leh dhir aad u fara badan oo aanay la hayan dugsiyada kale tusaale ahaan dugsigan waxa ku yaalla 26 Geed oo mirimiri ah iyo 11 geed oo baxarasaf ah 37 geed weeye isu gayn dhir baanu haysaan kulayl iyo qabow ba intaasiba waa wax lagu faano oo anu iskuulada kale dheernahay.

S: Ardayda dhigata dugsigu waa imisa, macalimintu iyana waa imisa ?

J: ardayda dugsiga dhigataa waa 715 arday macalimintuna waa 13 macalin.

S: Markaa fasalada aad wax ku dhigtaan wax caqabado ahi ma idinka haystaan, weliba waxaad haysataan barxad aad u wayn markaa wasarada ma la xidhiidhen si ay fasalo cusub idiinku dhisaan?

J: haa waanu la xidhiidhnay hadii aan tusaale ku siiyo markii dalka la soo galay dugsigu wuxuu ahaa 9 fasal iyo 1 office markaa ayagaa ku soo kordhiyay fasaladan kale, kuwo kalena way ku soo kordhin doonan.

J: maamule macaliminta dugsiga wax ka dhigaa ma macalimiin heer jaamicadeed ahbaa mise waa macalimiin secondery ka soo baxay?

J: macalimiintu labo ayay u qaybsantaa macalimin lagu tababaray macalinimada iyo macalimin dhiga secondery ga markaa kuwani waa kuwii la tababaray.

S: maamule ma jirtaa ardaydii ka qalin jabisay dugsiga cid macalimiin ka ah isla dugsiga oo fursadaasi u soo baxday?

j:may ma jirto.

S-Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay Maamule siciid ibraahin cali..

J-Adaa Mudan.

M.A.Cali wayn

waxa warysigan soo qaaday Wariye jamac caqil-cabdi siciid

waana habayntii bahda T I T C Journalism Group

Burao S/land

FIKIRKII FOOL HALAABAY IYO FOORUHU KICIYEY QAYBTII 2AAD

FIKIRKII FOOL HALAABAY IYO FOORUHU KICIYEY QAYBTII 2AAD

Oct 1, 2009 7:00
FIKIRKII
Fikirka fool halaabay iyo fooruhuu kiciyey (2aad)


Qaybtii hore waxaynu ku lafagurnay qormo gogol dhig ah oo aynu ku falanqaynay ereyga fikir iyo macnahiisa ,ahamiyada uu nolosha u leeyahay iyo qaybihiisa , waxaynu tibaaxnay in afsoomaaliga looga helaayo erey u dhigma kelmada (fikir) waxaana ballanteenu ahayd in aynu qormada labaad aynu bal wax ka nidhaahno fikradaha ay xanbaarsanaayeen laba maqaal oo uu qoray ninka layidhaahdo Ibraahim Yuusuf Axmed ( Hawd) ee kala ahaa aqoonta iyo diinta ,kankalan uu ahaa fuleyda fikkirka.

Hadaba waxaa fiican in akhristayaashu ogaadaan in fikirkan fool hallawsani uu yahay mid waa hore soo bilaabmay oo maanta aanu ugub ahayn ,waxaana taariikh ahaan aynu u celinkaranaa kadib markii ay bur burtay boqortooyadii cusmaaniyiintu ee caalamka islaamka badidiisa hogaamainaysay laga soo gaadho qarnigii 19 aad dhamaadkiisii ilaa bilawgii qrn 20aad . waxay arintaasi kukeentay dadka muslimka ah in ay awoodii ay ku lahaayeen aduunku ay daciifto ,iyo in lagaga hor maro xaga cilmiga sayniska iyo tiknoolajiyada ,taasoo keentay anfariir iyo indho daraandar isla socda oo aad moodo in ay muslimkii kusoo hanba bareen iyagoo reer galbeed sida hillaaca il-bidhiqdeed ku dhaafay, waxaanay is wey diiyeen sidee aynu uga daba tagnaa oo aynu horumar macnale usamaynaa ?
su aashaa waxaa laga bixiyey laba jawaabood oo isku lidi ah oo kala ah ; waa in aynu yeelo siday yeeleen oo nolosh iyo diinta kla saarno ,oo diintu ku ekaato xidhiidhka ilaahay iyo qofka ka dhexeeya oo aanay soo fara gelin nolosha bulshada ,haday tahay ;dhaqaale ,siyaasad, iyo hadaytahay aqoon iyo wax fikir .

Waxaanay dadka fikradan qabaa ku doodeen sababta dib inoo dhigtay in ay tahay diinta iyo nolosha oo aynu isku qasayno ,waxaana tusaale inoogu filan bay yidhaahdeen in hadii lakala saaro labadaa la hor maraayo yurubtaa ina dhaaftay .
Dhinaca kale hadaynu eegno waxaa qoladaa lidi ku ahaa koox kale oo iyagu ku baaqay in aynu dib-udhaca kaga bixi karno iyadoo loo laabto habkii iyo hannaankii Nebiga iyo sxaabadiisu u hirgeliyeen islaamka oo diinta ilays laga dhigto umadaha islaamka ahna lagu hago.
qolada hore waa duulkan aynu ku magacawnay fikirka fool halaabay oo aad moodo in hadalkoodu ku soo ururaayo halhayskii soomaalida ee ahaa ( hadii meel lagu il la,a yahay aad tagto ishaa layska ridaa) taasoo aynu uga jeedno waxay aamineen dadkaa horu maray waxay ku horumareen uunbaa lagu hore mari karaaye sidooda u dhaqma waxa ka dhimanina haynaga dhinaado waxa u dhamaystiranina haynoo dhammays tiraado . hayeeshee qoladaa hore waxay ugu jawaabtay wixii ina anfacaya ee aan diinteena ka hor imanaynin aan ka qaadano ,waayo waxaa hubaala dhammaan inta fiican ee ay ku hore mareen in aanay diinta ka hor imanayn laa kiin inta ay u nugul yihiin ee iin tooda ah waa in layska jiraa.
Hadab waxaad moodaa fikirkan fool halawsani inuu leeyahay tilmaamo lagu garan karo waxaynu ka sheegi doonaa laba tilmaamood inagoo tusaalayaala uga dhigi doona qoraagan aynu falanqaynayno fikradaha uu ku tebiyey maqaaladiisaa aynu hore usoo carabawnay .waxaa kamida tilmaamaha fikirka fool halawsan :
1/ inuu isbarbar dhigo laba wax oo aan isu dhigmin: hadaynu tusaale u soo qaadanao qoraageenan waxaad arkaysaa in uu leeyahay ” ragii caalamka islaamka u kacay ee is yidhi bal soo hindisa wado lagu hore maro waxay far waaweyn ku qoreen diinta haloolaabto .. halka reer yurubna ay taamid kaduwan qaateen waana taa ta keentay mashkilada ”
isagoo hadalkiisii siiwata qoraagu wuxuu leeyahay ” Jawaabteeda ugu weyni nimankaas waxay la noqotay: sababta oo ah diintoodii ayey ka tageen. Halkaa waxay ka soo saareen mucaaddalo sidan u dhigan: muslinka awelba diinta ayaa horumarisay, kolkii ay ka tageenna waa ay burbureen,
Garo oo taladaasi waxay liddi ku tahay tii ay Yurub qaadatay ee diinta iyo danaha adduunka lagu kala furfuray, qeybka iyo aqoontana lagu kala maareeyey.
horumarbaa laga hadlaayaye maxaa keenay dib haloo noqdo oo waqtigii nebiga haloo laabto”
waxaad moodaa qoraagu inuu is barbar dhigaayo laba wax oo aan is qabankarin oo kala ah; waa sidee sida yurub ku hor mari kareysay waagaa ay dib udhacsanayd? iyo waasidee sida muslimiintu dubu dhaca maanta kaga bixi karayaan ?
waxaad moodaa laba daa su aalood inuu iskusi uga jawaabay ,hasa yeeshee runtu waxay tahay hadaynu isle,eg xisaabeed ka samayno waa kaaf iyo kala dheeri qofkii yidhaahda labadaa isle,eg isku sibaan uga shaqayanayaa ,bal hada eeg waasidan : reer yurub+ diin = dib u dhac , iyo muslim+diin = horu mar, miyey suura gal tahay in aynu labadan isle,eg isku si u xalinaa? runtii waa maya waxaana sax ah sida labada qoloba uga shaqeeyeen,oo ah in yurubna tidhi ;diinta meel inagaga xidha qayrkeenbay inaga reebtaye ,iyo muslimkii oo yidhi diinta inagu celiya diin la,aantii way inala hadhaye, waasidaa sida caqliga saxa ihi u shaqaylahaa hadii laga tegi waayo reer yurubay ahayd aadamigu diin kama maarme,e tan lagu hor marayo inay qaataan. hadaba qoraagu isagu inuu islayaabo ayey ahayd eema ahayn inuu layaabo dadkii xisaabtaa siday tahay uga shaqeeyey ,laakiin waa fikirka fool halawsan iyo caadadii ee maaha ceebtii.midlabaad ayaa aad moodaa in uu qoraagu daah saaraayo oo uu doonaayo in uu si khalada u fasiro oo ah ,yaa kamasuula dib u dhaca maanta haysta caalamka islaamka? ,makuwa uu ku tilmaamayo in ay dadka diin ku habsaaminayaan oo tartanka nolosha loogu jiro ka reebayaan mise kuwa dhaqan gelinaya talooyinka uu bixinayo fikirka fool halawsani? runtii cida maanta mayalka u haysa caalamka islaamku waa asxaabta fikirka fool halawsan iyagaana kamsuula guul darooyinka iyo horumar la,aanta ku habsatay umadaha islamka ah , haa ,waynu ka garaabi lahayn hadii talada ay hayn lahaayeen dadka u ol oleeya in diinta dib loogu laabto oo nolosha lagu iftiinsado,laakiin gardaro ayaan u arkaa guuldaro fikirka fool halaabay uu galabsaday in uu kula soo gal gasho diinta iyo inta rumaysan in nolosha ay isbedel weyn ku smaynkarto .
Waxaa kaloo kamida meelaha kale ee uu isbarbar dhigayo laba wax oo aan is geyin ; markuuleeyahay ” Yurub waxay mar dambe ku badbaadday firfircooni ka soo bilaabatay qarnigii 15-aad oo isugu jirta badmaaxnimo dhiirran oo ganacsi iyo daahfur wadata, fan iyo farshaxan cusub, maskaxda dadka iyo siyaasadda oo gacanta kiniisadda laga furfuray, iyo Kitaabka Injiilka oo dad walba afkooda loogu turjumay taas oo damicii xumaa ee baadderiyada lagaga xoroobay.”
Waxaa haboon in la is weydiiyo , waa tarjumaad sideeya tarjumaada uu ujeedo qoraagu? maxaase yurub ku kalifey in ay baybalka luqooyinkooda ku tarjuntaan oo kamaaarmaan laatiinkii uu ku qoraa? . su aalahaa marka aynu kajawaabno waxaynu fahmayanaa sida uu qoraagu waddo qarda jeexan u jibaaxaayo ee laba xaqiiqo oo kala fog uu u kala qiyaas qaadanaayo.
su,aasha koowaad ; tarjumaada baybalka luqadaha kale lagu tarjumay akhristoow lama mid aha tan maatan quraanku ku tur jumanyahay ee umad walba afkeeda ugu tarjumanayahay , ee waxaa weeye in qolowaliba ay u haysataan kitaabkii ilaahay soo dejiyey ee muqadaska ahaa inuu yahay kan afkooda ku qoran oo aan dibna loogu laaban kii asalka ahaa,oo ay isku awood noqdaan xaga daliika iyo fasiraadaha nolosha dunida iyo aakhiraba ee uu kitaabku ka hadlaayo . hadaynu soo koobnana waxaa weeye in soomaaliga, induniisiga ,afqaaniga ,iyo dhammaan intii afgooniya ku hadashaa ay iska yeelato koobigooda quraanka ah oo la karaamo iyo baawarba ah kan carabiaga ah oo aanu waxba uga baahan . taasina waynu garanaynaa in ay cagta inoo saarayso jahawareerka maanta ka taagan dunida kiristanka ee ay haystaan kun baybal oo midba waxgooniya sheegaayo .
su,aasha labaad hadaynu u gondo degno ;sababta ku keliftay in baybalka ay luqooyinkooda ku tarjuntaan oo ay mid waliba lamadax banaanaato macnaha iyo tafsiirka ay bixinayaan aayadaha baybalku ,waxay bilaabantay markii qarnigii 15 aad aykaceen dhaqdhaqaaqyo diineed oo ka soo hor jeeda sida baaderigii weynaa ee rooma uu ugu amar ku taagleynayey nusuusta baybalka waayo, waxaa jirey xeer xukun qarboosha oo dhigaayey in baabuhu uu yahay cida keliya ee xaq uleh in ay tafiirto baybalka cidkaloo fasiri kartaana aanay jirain ,dhaqdhaqaaq yadaa kuwii ugu caansanaa waa kii uu hormoodka ka ahaa baadarigii jarmalaka ahaa murtin luther ninkaas oo ahaa dadkii ugu fadalada cad cadaa ee ku baaqayey in baybalka macnihiisa loo sinaado oo aan laga dhigin sir uu fahmi karayo baadariga kaatologa ugu weyni,waxaa kaloo sii xoojiyey waqtiyadaa waxaa yurub cirka isku shareeray xamaasada qoomiyadaha kala duwan ee reeryurub iyo xafiiltanka kadhexeeya taasoo qolo waliba inay iyadu tahay ta mudan ay isu arkaysey aanay doonrysay wax walba inay qaramayso oo xataa diinta ay u badesho diin qoomiyadeed. Hadaba aan is weydiinee inaga labadan masalo midkoodna mayna haystaa hadaynu nahay caalamka islaamka ,ma qoomiyad laga hor joogo fasiradda quraanka iyo nusuusta diinta ayaa jirta? ma qof amaba qoomiyad ay u xudun xidhantahay baajirta? maya taasi ma jirto waxaana tusaale ka ah culimad ugu waaweyn caalmaka islaamka mabay ahayn carab ;Abuu xaniifa oo afarta madhabood ee sunaha kamid ahi waa faarasi , siibaweyhi ,waa ninka qoray kitaabka qawaacida iyo naxwaha carabida sharxa ee ugu caansan uguna faa,iidada badan isna waa faarisi ,bukhaari oo ah isna ninka ugu hereeya ee axaadwiista nebiga khaladka iyo baylahda ka rabay isna ma ,aha carab ,waqtigan ay nu noolahay ninka axaadiista iyo sugideeda iyo kala shaandhaynteeda ugu haystay wuxuu ahaa ala ha,u naxariistee maxamed nasrul adiin al alnbaaniyi waana nin u dhashay albaaniya ,masoo koobi karno dadka sharaxa diinta haday tahay kitaab iyo haday tahay sunaba caanka ku ah ee aan carabta ahayn ,iyaga iskaba daa dadka dawladaha madaxda ka ahaa ,suugaanyahanada iyo faylasoofyada islaamka ah ee aan carabta hayn iyagu ciidaasay ka badanyihiin .
markaa baahi uma qabno quraan ku inuu noqdo sida baybalka ,kuwii sidaa sameeyey ayaa maanta khaati kataagan oo aqoonyahandooda diintu ay marar badan shireen oo is wey diiyeen sidee baynu u mideynaa macnaha iyo asalka kitaabka injiil ,laakiin ogaantay weli kumay guuleysan inay soo saaraan koobi keliya oo ka turjumaya waxa kiristanku uu yahay . hayeeshee lama yaabayno qoraageena waayo waa caadada fikirka fool halawsan in uu laba aan is lahayan isla doonto eemaaaha ceebtii
2/ inuuu is buriyo: waxaa kaloo kamida tilmaamah fikirka fool halawsan inuu sika hor yimaadao oo isburiyo ,bal hada u fiirso qoraageenan siduu isu burinayo markuu leeyahay “Dad baa moodaya caddaanku in ay ka xun yihiin jiritaanka xagjirka muslinka amaba dhab uga baqayaan. Ha ka yaabin. Mar qudha ayey ka xumaadaan waana marka ay danahooda u dhowaadaan, taas oo ay ka mid tahay in ay dal muslin ah taladiisa qabsadaan. Intaas ayey ka ilaashadaan, halkaas ayeyna ku eg tahay colaadda caddaanku nimankaas u hayaan. Intaa wixii ka dambeeya dan kama galaan haddiiba aanay raalli ka ahayn, waayo xagjirka waalani umaddiisa wuxuu ka reebayaa ama ugu yaraan ka hakinayaa tartanka adduunka” iyo markuu leeyahay ” Waxaa caado ah in la yidhaahdo gaal baa qiray in cilmigu Quraanka ku jiro”. Hadalka caynkaas ah halista ka buuxda oo aan tiro iyo xaddi lahayn aynu dhawr ka soo qaadno: 1) in aad diintaada marag uga dhigato gaal aan kula aaminsanayn waa kalsooni xumo arrinta kaa haysa haddii kale cid wax kuu tidhaahda uma aad baahateen; 2) gaalkaasi isaga oo maskaxda iyo aqoonta ku tiirsan, weligiina aan wax kale naf ka raadin, in uu adiga diin kugu sasabo danta uu ka lee yahay isma aad weydiin; 3) aadamigu nolosha wuxuu ugu jiraa loollan arxandaran oo tab iyo xeel iyo xoogba la isu adeegsado, sidaas darteed gaalka sidaas kuula hadlay waa in uu ku hodadaabiyo oo garashada kaa hoosaasiyo oo kugudhiirrigeliyo in aad fekerka iyo aqoonta kaga hadho diin .” labadaa goor iyamuu khaldanyahay saaxiibkeen ? ma marka uu inaga dhaadhicinayo gaaladu col lama aha dadka uu ku tilmaamay xagjirka aanu sabab uga dhigayo waayo in xag jirka waalani dadkiisa uu kareebayo horumarka aduunka ,mise markuu ina leeyahay gaalku wuxuu diinteena u amaananayaa si ,uu diinta inoogu hoodadaamiyo oo aan ku habsaano ? hadii diintu ina habsaaminayso oo gaala taa inala doonayo muxuu inooga hor joogaa kuwa ina habsaaminayaa in ay talada inoo qabtaan. ? waa fikrad aad isu burinaysa ,laakiin halayaabin waa fikirka foolhalawsan caadadii mana aha ceebtii .
waxaa kaloo aynu arkaynaa in uu isburinaayo qoraageenu markuu leeyahay” Halkan waxaa wacan in aynu carrabka ku dhufanno qeexitaanka aan qummanayn ee laga bixiyo ama laga qaato “Ilbaxnimadii Islaamka” iyo “horumarkii muslimiinta”. Waa run oo Diinta Islaamku waa sababtii iyo dhimbiishii ilbaxnimadaa hurisay, waa se natiijo ka dhalatay awood fikradeed iyo abaabul bulsheed oo ay diintu keentay: siyaasad ahaan, ciidan ahaan, dhul qabsi ahaan, dhaqaale ahaan, dhulmareen ahaan, afaf iyo aqoono ummado kale laga helay ahaan iwm. Waxyaalahaas ayey sida dabiiciga ah midiba mid ka dhalatay, waayo ilbaxnimo sideedaba ma aha “shay” qudha ee waa lakabyo ah fikrado iyo falal oo isbiirsada. Waxqabadkii cilmi ee muslimiintu ma ahayn curiyeyaal kiimiko, qaacidooyin xisaabeed, khariidado juquraafi iwm oo aayadaha iyo xadiisyada ka soo dhex saareen. Ilbaxnimada Islaamkuna ma ahayn damal lamadegaan ku yaalla oo mucjiso ku baxay, waxay se qayb ka ahayd kana faa’iidaysatay ilbaxnimooyinkii iyada ka horreeyey.” iyo markuu ina leeyahay” Halkaa waxay ka soo saareen mucaaddalo sidan u dhigan: muslinka awelba diinta ayaa horumarisay, kolkii ay ka tageenna waa ay burbureen…… horumarbaa laga hadlaayaye maxaa keenay dib haloo noqdo oo waqtigii nebiga haloo laabto”
labadan goorna koodee ayuu khaldanyahay ma markuu u aanaynaayo horumarkii islaamku gaadhay in uu yahay dhinbiil ay diinta islaamku hurisay ,mise markuu leeyahay waa dib udhac dhibiishaa in dib loogu laabto oo marlabaad ilbaxnimada dentay halagu huriyo,labadaa goorna waa koodee kuu wareersanyahay ee meel kale wax ka eegayaa . mid uu qoraagu kuwareega caddaysanayo oo aan ilma yarina aamini kari ayaa jirta waana markuu leeyahay ma diinbaa dawooyin iyo mashiino dhex kuududa laga helayaa ,amaba uu leeyahay masxafka quraanka laga soo helimaayo iyo aayadkiisa sida daawooyinka amaba wershdaha iyo wixii lamida loo farsameeyo.waxay ilatahay cida keliya ee sidaa u fikiraysaa waa qoraaga ,waxaanu samaystay humaag beena oo ah in ay dunida ku uuman yihiin dad sidan u firayaa , dabadeedna humaagaas ayuu naqdintiisa u qalabqaatay ,hasayeeshee waxaan leeyahay humaagaa kasoo hadh oo waxaa haboon in laga doodo ,horta mabda,a dadka horu marinayaa waa mid sidee ah ?mamid wax wal oo dadku ubaahan yahay oo nolosha kamida buugaag ugu diyaariyey oo dabadeedna loo baahanyahay keliya in buugaagtaa la akhriyaa ? sida qoraagu ku macnaynayo inay aaminsanyihiin dadka u ol olaynaya in diin ta loo laabto ,mise waa mabda,a dadka siinaaya qaaciidooyinkii iyo wadiiqooyinkii uu uga anba bixi laha tubta horu marka ?
Kaahore waa humaag beenaadka ku samaysan maskaxsda qoraageena cid qabtaana majirto ,kanlabaadbaana laga doodi karaa diinta islaamku amaba mabda,a kasta oo laleeyahay dadka halagu dhaqo, mayahay mid ku si faysan mise maaha ,oo waa mid hor istaagaya
horumarka iyo kor u qaadista nolosha bulshada?
Waxay ila tahay diinta islaamku boqolkiiba boqol waamabda,a keliya ee si dhammaystiran u buuxunaya shuruudaha umadi ku hor mari karto ,weliba wuxuu dheer yahay mabaadi,da iyo diimaha kale isgoo caalimkasta oo ku takhakhusay laan cilmiga kamida hor dhigi kara xujo iyo hal xidhaale uu lawareero oo tusi kara xaqnimada diintan.
aan ku soo gunaanadno faalada aynu kabixinayno qoraalada uu sameeyey hawd hadalkan uu ku muu jinayo mawqifka dadka diinta u ol oleeyaa ay ka taaganyi hiin nolosha casri yeyn teeda guud ahaan gaar ahaan fanka waxaanu tibaaxayaa” Bulshadana waxaa lagu haynayaa meel aan anigu u bixiyey erey diineedka ah “barsakh” – meel laba nololood u dhaxaysa. Wax waliba waa xaaraan. Bidix iyo midig midna looma jeesan karo. Hor iyo dib midna looma tallaabsan karo. Hadalka afka ka soo baxaya waa la tirinayaa. Maqalka iyo muuqaalka la oggol yahay waa inta uu qol afargees ahi qaado.

Far haddii la dhaqaajiyo waxaa la moodayaa in la halligmayo. Halaaggii la soo maray oo dhan waxaa sabab looga dhigayaa xeerarkaa kore oo la jebiyey. Fanka iyo farxadda iyo fannaannimada iyo halabuurka duwan ee xorta ah iyo furfurnaanta bulsheed iyo hanka iyo higsiga horumarku, giddigood waa fusuq iyo faasuq”
Waxaa wax lala yaabo ah in marka dadka qaar loo sheego waxa noocaas ahi mabanaana ay arinka ka dhigaan in albaab walba laga soo xidhay oo dhankay u nuuxsadaanba dhadhaab adag laga saaray ,waxaa kamida qoraageenan waa xagee xagay kajirto aragtida ah in noloshii edeg yar oo afargees ah siduu qoraagu tilmaamaayo lagau soo xidhay ,laakiin xaqiiqda jirtaa waxy tahay in tilmaamaha fikirka foolhalawsan ay kamid tahay ,in uu buun buuniyo qodobada fara ku tiriska ah ee islaamku uu ka xakameeyey dadka taasoo iyaga loogu danaynaayo, lamanahayo culimo firfir coonida maskaxda iyo hal abuurnimada ku soo rogtay xukumo xaaraana, laakiin waxaa ugu wacan qayla dhaantan ah; barsakhbaa dadkiilgu ooday waxaa weeye, marka aynu canaanao inamadeena dalalka gabeedka la ashqaraarsan lana dhacsan horu marka aysameeyeen ,ee markay karti u yeelan waayeen culuuntaa heerka sare ah nookeenaaya kilaab iyo qoob kaciyaar aynu nidhaahno synis iyo farsamada casriga ah noo keena oo nagadaaya qoobka ciyaarka iyo inta reeryuruba ugu liito ,oo cayaari nooma taala,e hadaad wax dadkaa nagaadhsiiya haysaan nookeena cilmiyada nolosha waxkataraya ayey u fasiraan in meel walba laga soo xidhay..Hadaanay sidaa aan sheegaayo ahayn bal ha sheego qoraaagu culimada ladagaalantay mishiin casriya oo nin hindisay, amaba cilmi dadka waxtaraya oo la daah furay kadibna culima deedafeysey.
waxaan ku soo gunaanadayaa qormadan ,akhristaw waxaan qaybta saddexaad ku soo bandhigi doonaa laba maanso oo aan alifey mu haada laga joogo 15 sano ,oo midna ay khusayso fanka iyo sida diintu u aragto ,midna ay shiishka saarayso, diinta iyo nolosha in lakalasaaro, in aanay taasi suurta gal ka hayn caalamka islaamka iyo buuqa ay ka dhalisay arintaasi dunida muslinka .
waa inoo qaybta danbe iyo anoo soo horey siin doona maansada ka hadlaysa diin ta iyo noloshu inaany kala maarmeyn .

Mohamed Hassan
hirrig@hotmail.com
USA

HALKAN HOOSE KA AKHRI QAYBTI HORE

FIKIRKA FOOL HALAABAY IYO FOORUHUU KICIYEY(1aad)

Waxaan halkan ugu mahad celinayaa bahda toga herer waxaanan halkan ku soo gudbinayaa maqaal daba socda doodihii ku saabsanaa fuleyda fikirka iyo diinta iyo aqoonta oo uu qoray ibraahim yuusuf axmed “hawd” waxaa kaloo aan iyana bogaadinayaa intii sida hufan uga qayb qaadatay ,waxaanse dhaliilayaa Mudane hawd oo ay suurta galtahay in ay ku kaliftay inuu sidan u fakiro waayahay adag iyo xaalada cakiran ee ay ku jiraan guud ahaanba inta magaca islaam sheegata gaar ahaan inta aynu ku abtirsano.arintu sikastaba ha ahaatee maqalkaygan waxaan ka dhigi doonaa laba qaybood oo aan kaga hadlidoono ; qaybta hore faalada ku saabsan waamaxay fikir iyo ? Imisuu u qaybsamaa ?waamaxay doorka uu ku leeyahay nolosha aadamiga ? Iyo bal in ereyga fikir mid u dhigma laga heli karaayo afka soomaaliga . Qaybta labaad waxaan bal faaqidi doonaa hadaladii walaalkay hawd anoo bal muujin doona sida ay xaqiiqada uga fog yihiin , aan ku bilaabo:
Waamaxay fikir?
Runtii si aynu ufahamno mushkilada soomaalida haysata waa in aynu fahamno ereyga fikir macnihiisa waxaana aynu odhankarnaa fikir waa” hawl uu qabto garaadka aadamigu taasoo kadhalata waa yaha nolosha iyo dhacdooyinka waayahaasi xanbaarsanayahay ee qofka amaba bulshada , taasoo dareenka ku dhalisa inuu day dayo sidii uu uga jawaabilahaa dhacdooyinkaa.”
Taa macnaheedu waxaa weeye fikirku waa natiijo ka dhalata falgalka ay sameeyaan maskaxda iyo waayaha nolosha aadamigu. Hadaba hadii maanku marin habaabao waxaa dhacda khatar weyn oo ah inuu qofka amaba bulshada ka tuuro jar iyo haadaan . Dhacdooyinka noloshu waa kuwo soo laab laabta oo wanaag iyo xumaanba xanbaarsan ,laakiin cida dhacdooyinkaa go,aan saxa oo lagu guuleysto , amaba khaldan oo lagu guul daraysto ka gaadhi kartaa waa falka uu qabanaayo garaadka iyo caqliga aadamigu, ee aynu ku magacawno fikirka .
Waxaa iyana in wax lga yidhaaahdo mudan qodob ay ka dhawaajiyeen walaalaha maqaalada ka qoray arintan oo ay u e kaayeen in ay u arkaan in aan erey u dhugma fikir oo afka soomaaliga ah aan la heleyn ,hasayeeshaa anigu waxaan qabaa in lahelaayo waxaana u dhigma ereyga layidhaah( Dhugasho)
Waxaana taa aan ku caddyanayaa laba arimood ; tooda hore soomaalidu waxay tidhaa ; arintaa dhug,u yeelo,hadalkiisa mabaan dhuganin,iwm oo lamacna ah arintaa ka feker,arintaa kamabaan fekerin. Tanlabaad; soomaalidu waxay tidhaa : kaalaya dhug-tana,e oo ay uga jeedaan in ay ku tartamaaan shiishka iyo abaarida yoolka latooganayo waxaanay umuuqataa in tani asal tahay oo taa hore iyada kasoo isiranatahay aan dhugtano waa hawl maskaxda laga qabanayo oo ficilkuna fulinayao ,markahore ku beegida yoolka iyo ku sargoynta halka lala beegsanayaa garaadka ayey ka imanaysaa oo dhuganaya ,kadib ayuu ficilku fulinayaa ,macnaa maskaxdaa ka fikiraysa sidii ay u ay ficilkan ugu suuro gelin lahayd inuu abaaro meesha la tooganayo .
Guud ahaan waxaynu odhankarnaa labadu waa isku dhawyihiin oo waxaa kulan sanaya inay yihiin fikir qoto dheer oo la rabo in surma seegtada laga rabo..
Doorka uu Fikirku ama Dhugashadu Kaqaadato Natiijada Dhacdooyinka:
Qofkastaaba amaba bulsho kastaaba sida ay noloshoodu tahay waxaa sabab muhim ah ka ah, sida qofkaas amaba bulshadaasi u fikirto,taamacnaheedu waxaa weeye fikirkeena ayaa dhala xaaladaheena nololeed hadaytahay; mid dhaqaale siyaasadeed bulsho iyo aqooneedba.Tusaale aan kabixino sida fikirkeena amaba dhugmadeenu ay usababto xaaladeena nololeed.
Cudurka layidhaa Tb waa cudur lawada yaqaano , aan tusaale ku bixino laba qof oo cudurkaa laba fikradood oo kaladuwan ka kala qaba .Qofka hore aan u bixino(A) qofka lbaadna aan siino tilmaanta(B) .Hadaba – A- wuxuu ka aamin san yahay xanuunkan fikrad khaldan oo ah in; ay ceebtahay in lagu ogaado inuu qabo cudurkan ,sidaa aawadeed xataa qufaca waa uu isku xidhayaa oo hoos hoos buu u qufacayaa ,weelka uu wax ku cunaayo amaba ku cabaayo dadka ehelkiisa iyo asaxaabtiisa uga digi maayo waayo ma doonayo in la ogaado inuu xanuunkan qabo.Hadaba fikradaa amaba dhugashadaa khaldani maxay sababtay ? Waxy sababtay in uu horta -A- uu sahaydo cudurkaasi oo uu u dhinto ,dhinaca kalana waxay sababtay in ay fara caaradood ku samata baxaan in badan oo ehelkiisa iyo asxaabtiisa ahi oo ay ku baraarugaan dhimashdiisa dhakhtar iyo daawana iskula taclaan.. Kaasi waa -A- hadaynu eegno bal dhugashada uu uyeeshay cudurkan – B- waxaynu arkaynaa isagu wuxuu qaatay fikrad taa kaduwan ooah ; in cudurkani caadi yahay ,inuu iska daaweeyaana waajib tahay,inuu ehelkiisa iyo asxaabtiisa uga digaana ay tahay masuuliyad saaran. Natiijadii dhugmadaa amaba fikradaasi maxay ka noqotay? Waxay noqotay in ; uu horta -B- Bad baado dhammaan bulshadii ku xeernayd ee ehel iyo asxaaba ahadydna uu bad baadiyo .
Saw ma aragtid labada natiijo ee ka dhashay labada fikradood ee kalduwan, tasi waxay tusaale fiican utahay in fikirkeenu amabad hugashada aynu u leenahay waayaha nolosha ka dhacaya uu yahay ka xadidaya ee mayalka u haya hab nololeedkeena .Sidaa aawadeed waxaynu odhankarnaa hurumarka qofahaan amaba bulsho ahaan lagaadhaa waa mid kadhashay fikirka saxda ah ee qofkaasi amaba bulshadaasi nolosha ka qabto,sidoo kale dib u dhaca iyo burburka bulsho amaba qof ee dhacaa waa mid ku yimi fikirka khaldan ee qofkaasi amaba bulshadaasi ay ka qabto nolosha.iyo waayaheeda.
Nocyada Fikirka :
Fikirka waxaynu u qaybun karnaa saddex qaybood oo waaweyn, waanay dhici kartaa in dadka qaar ay in kabadan u qaybiyaan ,laakiin waxaynu ku soo koobaynaa muhimka .
A/ Fikirka korxaadsiga:
Runtii sida uu ina tusayo macnaha ereyga ( korxaadsi) noocan fikika ahi , waa mid ki tilmaaman inuu dhacdo kasta oo soo waajahda uu kaga koobsado muuqaalka sare iyo sida marka u horaysa ay qofka ula muuqato,mana sii baadh baadho su,aalo iyo sababo toona iskama weydiiyo arimaha markaa lagudboon ,hoosna uma daadago ee korkaa sare ayuunbuu ku qancaa.
Hadaynu tusaale usoo qaadanao fikirka ama dhugmada noocan ah ; aan tusaale ku bixino nin safar ah oo soo maray geed wada cagaaran oo hadhaca midho casaan iyo huruud amaba jaale isugu jiraana laamihiisa ay rucub rucub uga lu shaan ,nnkii wuu ladhacay geed kii iyo midhihiisiiba waxaanu kabuuxsaday midhihii kiish isagoo ku talagalay inuu rerkiisa uga dhigo khudrad ay ku faakahaystaan !, markii uu xaaskiisii uyimi ayuu ku yidhi : midhahaa cuna waa midho fiicane,markaay eegtayba waxay ogaatay in midhahani yihiin midho sun ah oo ay weligeedba taqaanay ,intay eegtay ayey su,aal ku cekisay oo ay tidhi :adigu ma cuntay ? Wuxuu ugu jawaabay: maya maba ahaleelin ee bal ii dhiib . Waxay ugu jawaabtay: midhahani waa midhaha laga smeeyo sunta layidhaah .dhunkaasha ,hadaad cuni lahaydna namaad soo gaadheenba !
Wuxuu fikirkani inoo muujinayaa khatarta ay leedahay qofka ay caadada ay utahay in uu arimaha inta ugamuuqata uun uu ku ekaga ekaado ,ee aan baadhitaan xaqiiqadooda ku saabsan samayn,.waxaa ku filayd in uu horta geedkan dadka weydiiyo ;magaciisa ?,muxuutaraa,?dhib iyo dheef maxay midhihiisu leeyihiin? . laakiin haduu muuqaalka guud eegeedka oomkeliya ku qanco oo uu isga qaato geed manaafacaadleh khatarteeda ayey leedahay. Waana noocaa khataraha ka dhalankara fikirka korxaadsiga ,fikirkan astaantiisa muhimka ahi waa degdeg iyo sabir daro ,waayo inaad hesho xaqiiqada dhabta ah ee ay xanbaarsanyihiin dhacdooyinka nolosha kaa soo waajahayaa waxay ubaahayanyihiin hubsasho iyo u fiirsasho
B/ Fikir iftiimaya :
Fikirkani ama dhugmadani waa mid garan karaya tafaasiil badan oo dhacdooyinka iyo waayahay nolosha inagaga imanaya ,waa fikir ka gudbay kor xaadsi oomeelo badan arimaha ka fiiriya oo rogroga,intabadana si saxa u kalasaara talada haboon iyo ta guracan ,wuxuu isku hawlaa inuu helo tafaasiil badan oo ku saabsan waayaha iyo duruufta la noolyahay ,hasayeeshee awooda masaaro inuu xaqiiqada dhabata ah ee dhacdooyinka ka war keeno .
Fikirkana aan tusaale kabaixino ; tusaale ahaan : ninbaa la diley ,fikirka noocan ahi wuxuu is weydiiyaa ; yaa diley ? Maxaa loodiley ? Tafaasiisha ku saabasan labadaa su aalood ayuu aad isugu hawlaa ,oo haduu helo jawaabo caqli gal ah wuu ku qancaa tusaale ahaan wuxuu helay jawaab odhanaysa , nin deyn kule ayaa diley, waxaanu udiley deyntiibuu iska bixinwaayey, labadaa sabadood ee maan galka ahi waxay qanciyaan dadka ku sifaysan fikirkan iftiimaya.
C/ Fikirka qotada dheer :
Fikirkani waa mid dhacdooyinka gun iyo baarba fiiriya ,baaxadooda iyo mugoodana miisaama ,sababtooda iyo u jeedadoodana baadhaya .waxa uu kaga duwan yahay fikirka iftiimaya ee hore fikirka iftiimaya xaqiiqada dhabta ah iyo sababta runta ah ee dhacdooyinku way ka maqnaan karaan laakiin fikirkan qotada dheeri waxuu inta badan ku dadaalaa in uu arimuhu siday yihiin u ogaado .hadaynu ku noqono tusaalihii hore ee ninkii la diley ee aynu soo tilmaam,nay in fikirkii aynu ku tilmaamanay in uu yahay mid ifaaya uu ku qancay tafaasiisha caqligalka ah ee kooban ee ahayd in ninkaa uu diley nin deyn kulahaa oo uu deyntii siin waayey . Fikirkan qotada dheeri kuma qanco intaa ,,waxaana astaan u ah in uu aaminsanyahay in ay sababo badani ay keeni karaa hal dhacdo ,tilmaanta labaad ee ugaarka ah fikirkan qotoda dheer waxaa weeye inuu kashakiyo sababo badan oo daka ula muuqda caqli gal. hadaynu si kale u nidhaahno waa fikir ama dhugmo awood u leh inuu sababta dhabta ah kala soo dhex baxo sababaha runta u eeg ee ay dadka badankiisu si fudud ugu qancaan.hadab fikirka qotada dheeri aan kulaabano ninkii ladileye, wuxuu is weydiiyaa su aalo dheeraada oo dadka badankiisa ay ka qariso jawaabaha caqli galka ah ee judha hore ay helaan waxa uu isagu is weydiinayaa; ninka laleeyaha ninka wuudiley maka suurtowdaa in uu arinkan ku kaco ? si,uu u ogaado ninkan ayuu soo baadhayaa ,tusaale ahaan wuxuu soo helayaa in ninkani uu dadbadandeyn kadhaafay qaar badan ookalena kumleeyahay ,nin fiicana uu ayahay ,sidaa awgeed wuu ka shakiyayaa in uu isagu diley ,wuxuu sii wadayaa yaa kale ee dani ugu jirtaa in uu dilo wuu baadhayaa taana tusaale ahaan wuxuu soo ogaanayaa in ay is hayeen nin hinaasi ah oo xaaskiisa uga shakisnaa . Wuxuu go,aaminayaa markaa in ninkan uu dilay ninkaa hinaasiga ahi oo aanu dilin nikii deynta kul;ahaa sababahan awgood ,waata koowaade ,ninkan oo sifooyinka laga sheegay aanay ka suuroobin dilku,waatan labaade ,hinaasaha oo ah arin dhinaca maskaxda wax u dhimikarta kuna kelifi karta qofku inuu wax dilo.
Runtii dadka fikirka noocana ku sifoobaa waadad aad u tira yar bulsho kastana fara ku tiris aye ka yihiin .fikirka noocani labadiii fikir ee ay nu soo carrabawnay labadaba wuu kaduwanyahay ; fikirka kor xaadsiga wuxuu kaga duwan yahay degdeg la,aan oo waa fikir aad u cag culus arimahana kabaaaraan daga .
Fikirkii iftiimayeyna wuxuu kaga duwanyahay ,tafaasiishu iyo sababauhu haba bataane kama daahi karaan xaqiiqada dhabta ah ee dhacdooyinka waayuhu xanbaarsanayihiin.
Hadab bal halkaa aan ku joojino qayba 1aad ee maqaalkeena . Waa inoo qaybta labaad iyo inagoo wax ka tilmaamna fikirka fool halaabay iyo fooruhuu kiciyey.

mohamed hassan
hirrig@hotmail.com
USA

WAR DEG DEG AH: DAGAAL KA QARXAY GOOR DHAWAYD KISMAAYO

WAR DEG DEG AH: DAGAAL KA QARXAY GOOR DHAWAYD KISMAAYO .

September 30, 2009 at 6:04 pm

Dagaal culus ayaa fiidnimadan ka qarxay bartamaha magaalada Kismaayo, xabadu waa ay bilaabatay, waxayna u dhacaysaa si darandoori ah, dagaalkuna waa mid culus sida ay noo xaqiijiyeen madaxda Xisbul Islaam oo hadda aan la xariirney.

Waay xabadu ka dhaxaysaa xaafada Shiilkole iyo Siinaay oo ay kala joogaan labada dhinac.
Ma jirto wax faahfaahin ah hase yeeshee dagaalku waa mid la filayay saacadihii ugu dambeeyeykadib markii ay joogsadeen dhamaan wixii wadahdalo ahaa ee socdey.

Dagaalkani waxaa saakay iclaamiyey Sh. Xassan Yacquub afayeenka maamulkii magaalada ee dhanka Xarakatul Shababul Mujaahidiin.

wixii kasoo kordha kala soco Togga Herer

WAA ILAAHAY MAHADII MAALMO DHAWAYD WAXA LA LAHAA MADAXTOOYADA TAGI MAYNO WAA GURIGII DAAHIR ILAAHAY MADAXTOOYO HA INOOGA DHIGO MD SALEEBAN GAAL

WAA ILAAHAY MAHADII MAALMO DHAWAYD WAXA LA LAHAA MADAXTOOYADA TAGI MAYNO WAA GURIGII DAAHIR ILAAHAY MADAXTOOYO HA INOOGA DHIGO MD SALEEBAN GAAL

shirgudoon-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland Md Saleebaan Maxamud Aadan oo maanta hadal iyo dardaaran ka jeediyay saxeexa heshiiska Sadexda Xisbi qaran waxaanu hadalkiisa ku bilaabay .

“Waa Illahay mahadi in aynu halkan iskugu nimaadno maalmo dhaweyd waxa la lahaa madaxtooyada tagimayno waa gurigii Daahir Illahay madaxtooyo haynooga wadadhigo waxan kale oo aan leeyahay farxad maanta ii tahay in aan xafladan aan ka soo qayb galo axsaabtii iskugu timid gurmadkii caalamka inooga yimid

Maanta in aad kala saxeexateen in aydun wada shaqaynaysaan, waa wadashaqantii weeye wali maynaan gudo galin, waxa ina soo maray muddo yar oo gaban warwar iyo baqo leh, baqe aynu ku lumino halgankiii dheera ee dalku u soo galay xaqiijinta Somaliland. kana baqanay in aynu isku dhacano wixii sagaal iyo tobanka sano aynu dhisanay in ay halkaas ku lumaan Illaahay kama dhigin Illahay ayaa inoo soo gurmaday, waxaan isleeyahay waxoogagii dhawar sabti ee ina dhaafay , waxay inagu soo celisay waxa ay xaqiiqadu tahay waxaan leenahay hadaad axsaabtii aad tihiin inaga ilaaliya khilaaf danbe iyo warwar danbe iyo baqe danbe iyo qayb qaybin danbe inaga ilaasha.
Waxaanu ku rajo weynahay in aan wixii ina soo maray aanay dib u soo noqon waxaad isku haysaan waa musqaalo darati sadexdiina kii qabtaaba hawsha waa qaban karaa lakiin waxa muhiimku waxa weeye u tudhid iyo daryeelka dadka iyo dalka. Illaah baan idinku dhaariyee halaydinka helo wixii aad isku haysaan Dib u dhigta, arintan tan waxaanu codsanaynaa anag oo ku hadlayna magac dadweeynaha waar in aad dadajisaan talow, hala dadajiyo tanaasul hal aysku sameeyo idiinku isku sameeyn maysane dadweynaha reer somaliland ayaad u sameynaysaan dadajiya doorasho danbe oo dib u dhacda ama hakad galaan yaanay ina soo marin, hada markaanu kordhino muddo intii hore ayaa sadex sano ayeey sal salaamaysaa yaanay dib u dhicin kalsooni daro ayey keenaysaa qayb ayey keenaysaa waxaynu ku rajo weynahay sida aad u balan qadeen anaguna waxanu idinku nahay garab gaashan, waanu idinku ilaalinaynaa waanu idinkula soconaynaa. waxan kale oo aan ku daryaa waxa weeye qolooyinkan soo gurmadey horta waxay inagu tahay quudh runtii awalba lay nooma soo gurman jirine in dibada lay nooga yimaado Itoobiya soo gurmato deeq bixiyaashii oo aan isleeyahay waxaay u badan yihiin dawlada qarbiyiinta in ay soo gurmadaan oo ay yidhahadaan malaha kuwii meeshii Somaliya ayeey ku socdaane Dalawga ka soo qabta in aanay mardanbe inagu dhicin oo aynu inagu hawsha ku filnaano, ayaanu ku rajo weeynahay iyagan waanu u mahadnaqayaa.
waxaan jecelahay in ay dadyoowgoodi iyo dawladahoodiba bogaadintaa iyo mahadnaqaa in ay naga gaadhsiiyan waad salaamantihiin.”

DHALINYARO KU DHIBAN QAAHIRO QALINKII: MUMTAAS MAXAMED

DHALINYARO KU DHIBAN QAAHIRO QALINKII: MUMTAAS MAXAMED

30 September, 2009
Waxaan salamaaya, Shabakadaha Somaliyeed ee sida wacan warka nooga dharjiyaah, waana mahadsan tihiin sida wacan ee noogu so gudbisaan waraarka dalka.
Dhalinyaro ku dhiban Qaahiro

Maanta inaan ka sheekeeyo ayaan rabaah qiso dhab ah oo dhacdaay, waxaay qisadani ka dhacdaay qaahira, waa dhalinyara somaliyeed dhib xanuun badan oo soo gaadhaay, oo hadii aan idinka sheekeeyo aad akhristyaalo idinkuna aad umurugoonaaysaan, dhalinyaradan waxaay yimadeen Qaahira 1979kii waa markii aay jirtaay dawladii Somaliyeed waxaay soo raceen Somali AIRline wadanka Masar markaan anigu joogaay waxaay ahaayd sanadkii 2006kii,
Markii aan ka soo degaay Airpotrtka Qaahira ayaa waxaan la kulmaay dhalinyaaro, fara badan Qaar waa ardaay oo waxay wax ka bartaan Jaamacada Alazhar, lakiin waxaa jiro dhalinyaro farabadan oo somaliyeed oo iyagauna meesha joogaay waa kuwa yimid 1979kii Qaahira, Jaamacadaydii markaan bilaabaay ALAZHAR ayaa waxaan kala bartaay dhalinyarada kuwo ardyda ah iyo kuwa bilaa camalka ah, ee aan meesha waxba kabaran, waxaa laay sheegaay in 4 kamid ah aay yihiin hudheelayaal, aad ayaan u qoslaay markaan maqlaay dhalinyaro Somaliyeed oo hudheelayaal ah, waayo Masar dadkeedi ayaaba shaqa kala, waa dal iska faqri ah ardayduna bilaasha loo soo diro ayaay ku nool yihiin.

Markaan uu kuur galaay ee aan weydiyaay, maxaa kalifaay inaad hudhelayaal Noqotaan waxaay ishegeen, inaay dantu ku kaliftaay oo aay meeshan yimadeen beri hore reerahooduna aanaay waxba usoo dirin, yaab iyo fajaca ayaa igu dhacaay dhalinyaradan Somaliyeed ee mudo 20 sano ah iska joogta Qaahiro, meesha ma xasaas ayaad ku ledihiin ayaan ku iri waxaay isheegeen Inaanay wax xaasas ah aanaay u joogin iyo qoysasba, aay iyagu iska jogaan meesha, markaan weydiyaay maxaa ugu Noqon weydeen dalkini, aa ka timadeen waxay igu yidhaahdeen adigu hargeisa ayaad ka timid oo war la,aan ayaa ku haysaa, shaqana ma wayaaysid oo meesha garab garab ayaa shaqada lagu heela Hayadaaha dalka ugu badan hargeisa ayaay jogaan lakiin anagu meel aan Unoqono ma haaysano,

Waan ka naxaay dhalinyarada dhibka xun ee haaystaa, dhalinyardu waa dhalinyaro Somaliyeed, waxaay kaloo isheegeen inaanaay wax raja ah ka qabin dalkii wakhti xaadirkan lagu jiro, waayo baay dhaheen dalkii koonfurta dagaala ka socda, waqooyigana, hadaanu ku noqono, waxba ka heeli maayno, waxaan usheegaay in qofwalba lagu qiimeeynaayo waxaa uu bartaay sidaasna uu ku shaqa galaayo, lakiin maxaay dalkii ku noqdaan waxba maay baranee, waxaay igu yiraahdeen hadii aanu dalkii ku noqon wadaada kaliya ee no banaani waa Inaanu Saxaraha Sudaan iyo liibiya udhaxeeya, marnaa, halkaana ka galnaa liibiya hadaanu bad baadno, kadibna aanu doon kiraysaana halkaana ka tahriibnaa ilaa talyaaniga,

Wadada kaliya ee aanu dalkii ugu noqon karnaa waa anagoo usii tabaabushaysanaa, tahriib,Bal akhristaaw is weydii mudada intaa leeg ee dhalinyarada kaga lumaay meel qurba nacas ah, oo aanaay waxba ka korodhsan, danbi kuma lahaa hadaay wax baran wayeen, oo qarshka ayaa usaamixi wayaay, lakiin doqonimadu waa wakhtiga meesha kaga lumaay, Gurmad shacab ayaay ubaahan yihiin.

Mumtaz Maxamed
mumtaz_1989@hotmail.com

MAXAY KA YIDHAAHDEEN SAXEEXA HESHIISKA M/WEYNE RAYAALE GUDOOMIYE FAYSAL IYO GUDOOMIYE SIILANYO .

MAXAY KA YIDHAAHDEEN SAXEEXA HESHIISKA M/WEYNE RAYAALE GUDOOMIYE FAYSAL IYO GUDOOMIYE SIILANYO .

Waxaa maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, kulan lagu saxiixayey heshiis lix qodob ka kooban oo lagu heshiisiinayey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ahna gudoomiyaha xisbiga Udub mudane Daahir Riyaale Kahin iyo GXisbiyada Mucaaridka oo ay matalaayeen Laba gudoomiye ee Faysal Cali Waraabe Ucid iyo Axmed Maxamed Siilaanyo Kulmiye.

Heshiis 1

Kulankan ayaa waxaa daadihinayey wafdi balaadhan oo ka yimid dalka Itoobiya, kaasi oo uu horkacayey Kuxigeenka Safiirka Dowlada Britian u fadhiya Addis Ababa, Mr.John Marshal iyo Diblumaasiyiin ka socday xukuumada Itoobiya.
Heshiis 2
Kulankan ka dhacay maanta Madaxtooyada Soomaaliland, oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan hogaamiyaasha sadexda xisbi ee Soomaaliland ee UDUB, UCID iyo Kulmiye, oo dhamaantood qaatay heshiiskan lagu tilmaamay in ay soo diyaariyeen Beesha Caalamka oo soo wakiishay Kuxigeenka Ambassadorka Britian ee dalka Ethoipia John Marshal.

  1. In sadexda xisbi isla ogolaadeen in dib loo sameeyo diiwaan gelin.
  2. In isku shaandheyn lagu sameeyo listiga diiwaangelinta.
  3. In Isbedal lagu sameeyo guddiga Doorashada.
  4. In la keeno Khubaro caalami ah oo talooyin ka bixiya Diiwaangelinta
  5. In muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka ku egyahay Bil kadib maalinta la qeexo xiliga ay doorashada Dhaceyso.
  6. In Beesha Caalamka ay sii taageerto doorashooyinka iyo qorshaha dimuquraadiyenta Maamulka Soomaaliland.

Heshiis 3
Markii ay saddexda dhinac wada saxeexeen heshiisk ay wda qaateen oo ka koobnaa lixdii qodob ee ay beesha Caalmku ku dhexdhexaadisay waxa ay ka wada hadleen muhiimadda heshiiska iyo sidii loo wada fulin lahaa.
Heshiis 4
Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo waxaanu hadalkiisi ku bilaabay

” Heshiiskaa aynu maanta saxeexnay ee aynu galnay oo aynu doonayno inaynu kuligeen si daacdnimo ah iyo si wadajira u fulino oo u socodsiino, isla markaa anaga waa naga daacad,wxaanu jecelnahay inaanu cadayno inaanaan doonaynaa inuu dalkaasi dhibaato danbe ku dhaqaaqo sida hawsha ugu fudud ee dadka inala shaqaynaya ee hawsha inoola soconaya inagoon ku kala faa’iidaysan aynu hawshaa u fulino.oo aynu hawsha u socodsiino si aynu dhakhso u gaadhno in Doorasho xor ah oo xalaal ah aynu gaadhno.
waxaa jira dad wax aliyaala wax ay geysteen aanu jirin, oo xidhan oo dulmi ku xidhan, oo wax dhibaato ah oo ay geysteen aanu jirin.markii ay heshiisyadu socdeen waxa jiray balanqaadyo badan dadka aan waxba geysan xorriyadooda loo soo celiyo, ummadday ka mid yihiin waa inay ka qayb qaataan xorriyada iyo isfahamka iyo khilaaftirka la gaadhay waa inay ahaadaan.waxaanu jecelahay Madaxweyne inaad dadkaa xorriyadooda si dhakhso ah ugu soo celiso oo u siiso”.
Heshiis 5
Markuu uu dhamaystay ayaa waxaa isna ku xigay oo ka hadlay jawaabona ka bixiyey hadaladii Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxaanuu ku bilaabay

“waxaan jecelahay heshiiskaas wixii ka danbeeya inaynu inagu waxeena wadano oo aynaan cidkale u baahan horta waan ku talinayaa, waxa kaloon u mahad naqayaa cidkastoo isku dayday inay isku keen soo dhawayso. qolyahaa la xidhxidhay ee mudaharaadada sameeyay Amar baan ka bixiyay in la sii daayo, mana xidhnaan doonaan,sida ugu dhakhsaha badan in loo kala shaandheeyo ninkii danbi sameeyayna in danbigiisa lagu qaado, kii aan danbi lahayna albaabka in laga qaado ayaan horeba u Amray imikana Amarkii baan dabagalayaa haddii illaahay yidhaa oo uu fulo. waxaan jecelahaywalaaltinimadeenii iyo wada shaqaynteenii inaynu dib u noolayno aan ka maarano cid danbe,halkaa aynu ka bilownay inaynu hore uga socono si aynuDoorashada u gaadhno wakhtiga ugu dhakhso badan ee suurogal ah.”
Heshiis 6
Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe taas oo uu u mahad naqay dhamaan cidii gacanta ka gaysatay hawsha sheegayna in ay tahay arin la sugaayey

“Axsaabteena, waxaan leeyahay saddexda Xisbi ee qaran, waxa la inooga baahanyahay maanta inaynu iska hor imaadkii ku bedelaa wada shaqayn. inaynu shakigii dhexdeena ku bedelaa is aaminaad. inaynu waji furnaan ku shaqaynaa.
xil weyn baa ina saaran oo ummaddu ina eegayso, waxaanka baryaya illaahay inuu xilkaa inoo fududeeyo,waxaanaynu ku gaadhaynaa xilkaas aynu isa saarnay ee illaahay ina saaray inaynu niyad wanaagsan iyo daacadnimo la nimaadno iyo walaalnimo
waxaan leenahay bulshada caalamka oo ay ugu horeyso UN ku, meesha ma qabato Soomaalaan waxtarayaa iyo kuwii wax qabsanayay in la qadiyo oo nabadoodii la wiiqo. waxaau sheegaynaa un ta soomaaliya iyo somaliland lixdankii waxay wada qaateen magac la yidhaa somali republic kursi baanay wada yeesheen UNITED NATIONS ka ah. maanta magacii way kala baxeen iyagu Soomaaliayay la baxeen koodii lixdankii anaguna Somaliland,uma aragno xaq inay kursigii naga dhaxeeyay iyagu fadhiyaan kaligood,taa waxaanu leenahay dacwad baanu ka qabnaa
waxaan leeyahay argagixiso ayaa nagu dhacday 29 kii oktoobar kal hore,taas waxaad na geyseen qiyaasta amaanka UN ka darajada afraad baad na geyseen. taasoo kale waxay ku dhacday ingiriiska 2005 tii darajada afraad lama geynin iyagaba,Newyork iyo Maraykanba lama geynin, waxaan leeyahay Somaliland Nabad-gelyaa ka jirta cadaawahaa guud ee argagixiso mooyee wax dhibaato ah oo ka jiraa ma jiro, waxaan codsanayaa in lanaga qaado darajada afraad ee nala saaray.
shacbiga reerSomaliland waxaan leeyahay Raali-galin baanu idin siinaynaa hadaanu nahay madaxdii Siyaasiyiinta. Halgan baad gasheen, xoolihiinii iyo naftiinii baad u hurteen sidii la doonayay la idiinkuma abaal-gudin, waxaanu leenahay naga raali ahaada, raaligalinbaanuidin siinaynaa.wxaan leeyahay oo aan illahay ka baryayaa inaad dadaalkaad geysateen iyo halgankaad gasheen uu illahay idiinku badalo barwaaqo iyo nabadgelyo horumar baan idiinka rajaynayaa.
maanta taariikh baynu samaynaynaa waxa inoo hadhasan qorshihii lagu hawlgalayay, waxaanu jecelnahay sida ugu dhakhsaha badan inaynu Doorasho wanaagsan oo inoo illalisa nabadgelyadeena iyo sumcadeena oo ilaahay aynu ka barino kii khayr qaba inuu inoo soo saaro. wanaagaa lagu tartamaa maah in xumaanta lagu tartamo, oo aynu qorshayaal ku tartanaa oo aynu eegnaa wixii ka hirgalay heshiiska aynu maanta saxeexanay todobaadkiiba mar oo aynu eegnaa waxa ka hirgalay. waxaanan jecelahay waa markii u horeysay ee uu Madaxweynuhu uu nala saxeexay ilaa heer, markaa waxaan u malaynayaa kuwii hore ducadiisaa ka maqnayde inaad maanta ku ducaysaa kan.”
Sidaana waxaa gacmaha isku qabsaday gudoomiyayaashi xisbigyada .

Warqabadka Togaherer
Hargaysa

Court to weigh lawsuit against former Somali Prime Minster *Mohamed Ali Samater*

Court to weigh lawsuit against former Somali Prime Minster *Mohamed Ali Samater*

AP foreign, Wednesday September 30 2009

WASHINGTON (AP) — The Supreme Court will consider throwing out a human rights lawsuit against a former prime minister of Somalia who is accused of overseeing killings and other atrocities.

The court said Wednesday it would review an appeals court ruling allowing Somalis to sue Mohamed Ali Samantar of Fairfax, Va., who was defense minister and prime minister of Somalia in the 1980s and early 1990s under dictator Siad Barre.

The lawsuit alleges that Samantar was responsible for killings, rapes and torture, including waterboarding, of his own people while in power, particularly against disfavored clans. The lawsuit was filed in 2004 at federal court in Alexandria under the Torture Victim Protection Act.

U.S. District Judge Leonie Brinkema tossed out the case in 2007, ruling that Samantar was entitled to immunity under a separate U.S. law, the Foreign Sovereign Immunities Act.

But the appellate court ruled that the law does not extend immunity to individuals, only to foreign states themselves and their agencies.

The high court will consider whether Samantar is immune from the lawsuit. The case will be argued early next year.

The case is Samantar v. Yousuf, 08-1555.

Source:guardian.co.uk

Posted by: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.

BRISTOL’S SOMALI VOICE NEWSPAPER BACK AFTER ARSON ATTACK

BRISTOL’S SOMALI VOICE NEWSPAPER BACK AFTER ARSON ATTACK

Bristol’s Somali Voice newspaper back after arson attack

KAYSR PISTOL

TheSomali Voice newspaper is back up and running thanks to a collective effort from the people of Bristol.
The bilingual publication’s offices in Easton were destroyed by arson in July.
But yesterday the Mayor of Bristol, Councillor Christopher Davies, declared the new office in St Agnes Lodge, St Paul’s, open, in front of contributors, supporters and key community figures.

The newspaper’s editor, Kayse Maxamed, said: “This has been a great day for the Somali Voice, but we would not have been able to do this without the support of all our sponsors, the Bristol community and the Evening Post.

“We’re so glad to have this office after the terrible incident in July. We are looking forward to getting the next edition published in the first week of October.”

After the fire at the Stapleton Road office, out-of-hours GP service Friendoc came to the rescue by donating a PC, Apple Mac and publishing software worth £3,000.

Somali Voice has been helped invaluably by £4,457 in sponsorship from the Quartet Foundation, £2,300 from the Safer Bristol Partnership and £1 <><> <> ,300 from the Society of Merchant Venturers.

The office has been provided by Bristol City Council at a very low rent.
Batook Pandya, the director of Support Against Racist Incidents (SARI), said: “If this is a success, it’s a success for the people of Bristol.”

Source: Evening Post

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA SAXEEXA HESHIISKA GUDOOMIYAYASHA SADEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA SAXEEXA HESHIISKA GUDOOMIYAYASHA SADEXDA XISBI QARAN EE SOMALILAND

Waxa galabta qasriga Madaxtooyada JSL lagu qabtay xaflad balaadhan oo lagu saxeexayay Lixdii qodob ee beesha caalamku ku taliyeen ee khilaafkii taagnaa ee dalka soo afjaray.
Waxa saxeexay lixda Qodob Gudoomiyayaasha saddexda xisbi Qaran, Dawlada Itoobiya iyo Deeqbixiyayaasha, ugu horeyn waxa saxeexay Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ahna Gudoomiyaha Xisbiga UDUB, Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxana goob joog ka ahaa Shirgudoonada Golaha Guurtida iyo Wakiilada, Deeqbixiyayaasha oo uu wakiil ka ahaa John Marshal iyo Dawlada Itoobiya.

saddexda gudoomiye1
saddexda gudoomiye2
saddexda gudoomiye3
saddexda gudoomiye4
saddexda gudoomiye5
saddexda gudoomiye6

HAMBALYO MEHER MEHERKA DR ALI IBRAHIM ISMACIL IYO FAIZA DR ABDILAHI ABDI RAHMAN

HAMBALYO MEHER MEHERKA DR ALI IBRAHIM ISMACIL IYO FAIZA DR ABDILAHI ABDI RAHMAN

Dhamaan Dadkani waxay Hambalyo Meher u dirayaan

Dr Ali Ibrahim Ismail Iyo Faiza Dr Abdilaahi Abdirahman

Aabo Dr Abdilaahi Abdirahman Alfaas
Hooyo Xabiiba Ahmed Xaaji
Abti Abdiqaadir ahmed xaaji Iyo Caruurtiisa
Adeer Ismail Mohammed Umar
Adeer abdikariin aadan cumar
Adeer Mahad aadan cumar
Adeer Aadan Abdi Diiriye
Adeer Mohamed Abdi Diiriye
Adeer Axmed Hassan Embassy
Farduus Abdilaahi Abdirahman iyo caruurteeda
Mohamed Abdilaahi Abdirahman Iyo Xaaskiisa Naciima Ibrahim.
Maxamuud osman ismail Iyo Xaaskisa Caasha Abdilaahi
Faadumo C/raxmaan Warsame
Ismail Abdilaahi Abdirahman
Ali bashe abdilahi abdirahman
Ayuub Ali Abdirahman
Ali Mohammed Ahmed xaaji
Abokor Mohammed Ahmed Xaaji.
Abdirahman Abdilaahi Abdirahman Alfaas
Mohammed Hassan Nuur.
Eng Hamse Mohamed Isse.
Eng Osman Xiis .
dhamaan Dadkaasi waxaay hambalyo Meher u dirayaan Meherka

Boqorka Dr Ali Ibrahim Ismail

IYO

Boqorada Faiza Dr Abdilaahi AbdiRahman

oo meherkoodu ka dhacay magaalada Hargeysa 29/9/09
reerkii lagu nasto ee lagu nagaado ubad khayr qaban kala hela eebe ha idinka dhigo

Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

KULAN SADEX GEESOOD AH OO LAGU WADA SAXEEXAY QODOBADII LIXDA AHAA EE LOO SOO JEEDIYEY SADEXDA HOGAMIYE EE XISBIYADA QARAN

KULAN SADEX GEESOOD AH OO LAGU WADA SAXEEXAY QODOBADII LIXDA AHAA EE LOO SOO JEEDIYEY SADEXDA HOGAMIYE EE XISBIYADA QARAN

BREAKNEWS

Madaxweynaha Jamahuuriyada Somaliland oo matalaayey Gudomiyha Xisbiga Udub Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo Labada gudoomiye ee Xisbiga mucaradaka Faysal Cali Waraabe Ucid Iyo Axmed Maxamed Siiraalyo Kulmiye ayaa saxeexay heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee maalinta dhawayd ay ansixiyeen golha guurtidu.

Saxeexan oo ka koonaa lix qordon ayaa ayaa si rasmi ugu kala saxeexeen hogamiyayaasha sadexda xisbi qasriga madaxtooyada Somaliland , sidoo kale waxaa maanta soo gaadhay magaalo madaxda Hargaysa wafti ka socda Deeqbixiyayasha kuwaas oo markii ay yimaadeen qasriga mdaxtooyada kula sameeyay kulan sadex geesood ah taas oo ay aakhirkii ku saxeexeen qodobadaa.

Sidoo kale waxa goobjoog ka ahaa kulankaasi Labada gudoomiye ee Guurtida iyo wakiilada .

In yar ka bacdi waxaan idiinsoo gudbin doonaa warkii oo tafatiran inta ay ka koobnaayey xubnaha iyo wixii lagu wada hadlay.

ALSHABAAB HADDII AY WEERARAAN CIIDAMADAYADA KISMAAYO MEEL KASTA WAANU KU WEERARI DOONAA” XISBUL ISLAAM

ALSHABAAB HADDII AY WEERARAAN CIIDAMADAYADA KISMAAYO MEEL KASTA WAANU KU WEERARI DOONAA” XISBUL ISLAAM

xisbul_islaam_logo
Xarakata Xisbul Islaam ayaa iclaamisey in meel kasta ay dagaal kula gali doonaan xarakada AL-Shabaab haddii ay weerar ku qaadaan ciidamadooda Kismaayo sida uu saakay ku goodiyey Sh. Xassan Yacquub

Afayeenka Golaha shuurada Sheekh Macalin Cadoow ayaa sheegey in hadalka kasoo yeerey Kismaayo uu micnihiisu yahay hubka dhiga shacabka ka mid noqda taasoo uu ku tilmaamey mid aanan suurogal ahayn.

Waxa uu nasiib darro ku tilmaamey iclaamintii dagaalka ee afayeenka maamulka, wuxuu intaasi ku daray in haddii talaabadaasi ay ku dhaqaaqaan AL-Shabaab uu dagaalka meel kasta saameyn doono oo ay wada joogaan labbada xarako.

Khilaafka labbada dhinac ayaa gaaray halkii ugu saraysay maalmihii ugu dambeeyey kaasoo ka bilowdey Kismaayo balse waxaa la fahamsanyahay in uu jirrey khilaaf hoose oo ku saabsanaa macaamil la sheegey in lala yeelanayay DKMG ah oo ay isku fahmi waayeen labbada dhinac.

Axmed Kulan
Muqdisho

SHACABKA KISMAAYO HA ISKA DIFAACAAN QABIILKA KU SOO DUULAY AFHAYEENKA SHABAABKA KISMAAYO

SHACABKA KISMAAYO HA ISKA DIFAACAAN QABIILKA KU SOO DUULAY AFHAYEENKA SHABAABKA KISMAAYO

Afayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sh. Xassan Yacquub ayaa iclaamiyey dagaal ka dhan ah xoogaga Xisbul Islaam ee magaalada kula sugan isagoo shacabka magaalada ugu baaqay in ay iska difaacaan qabiil kusoo duuley magaalada.





Waxa uu la hadlayay idaacada Andulus ee maamulku leeyahay, waxa uu sheegey in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu magaalada kusoo duuley si uu ugu gacangaliyo qabiil, isla markaasina u burburinayo maamulka Islaamiga ah ee ka dhaqangalay magaalada, sida uu hadalka u dhigey.



Waxa uu sheegey in ka maamul ahaan ay ka go’antahay in ay isdifaacaan oo ay iska dhiciyaan waxa uu ugu yeerey qabiilka kusoo duuley.



Dhanka kale mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ayuu ugu baaqay in aysan wax garab ah siinin fidnada uu wado Sheekh Axmed Islaam, sida uu hadalka u dhigey.



Hadalkan ayaa kusoo beegmeysaa xilli ay socdaan dadaalo wahadal oo arrinta lagu xalinayo, lama oga halka hadalkani uu gaarsiin doono xaalada markii horaba cakirneyd ee Kismaayo.

AXMED KULAN

MUQDISHO TOGGAHERER


XUBNAHA LOO TUHUNSAN YAHAY IN KALSOONIDA KOMISHANKA LAGALA NOQON KARO ,IS-CASILAADA MAAGAN IYO RABITAANKA RAYAALE &ASXAABTA

XUBNAHA LOO TUHUNSAN YAHAY IN KALSOONIDA KOMISHANKA LAGALA NOQON KARO ,IS-CASILAADA MAAGAN IYO RABITAANKA RAYAALE &ASXAABTA

KOMISHANKA
29 SEPTEMBER 2009



KOMISHANKA SOMALILAND

Xeerka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada xeer Lr 20/2001, waxaa uu qeexayaa awoodaha komishanka doorashooyinka iyo waxyaalaha xubnaha komishanka ay ku waayi karaan xubinimadooda, waxa uu qeexaya xeer Lr 20 in komishanka doorashooyinku ay awood u leeeyihiin mudaynta doorashooyinka la qabanayo maamulka agaasinka hawlaha doorashada, taasoo dhinaca kalena asbaabaha kuwaasi keeni karana uu tilmaamayo sharcigu marka ay jabto shuruud ka mid ah shuruudihii lagu soo doortay xubinta komishanka kuna gafo sida dhexdhexaadnimadii shardiga u ahayd in xubinta komishanka doorashooyinka loo magacaabayaa aanu noqon xubin ka tirsan xisbi siyaasadeed islamarkaana aanu ku xad-gudbin xeerarka doorashooynka iyo xeer hoosaadka u khaaska ah guddidooda, taas oo xubinta gefafka noocaasi ah ku talaabsata u sharcigu awood u siinayo in marka la soo eedeeyo uu madaxweynuhu awood u leeyahay inuu guddi baadhis ah oo soo baadha eedaha lagu soo oogay xubintaas uu u saaro, taasoo haddii uu ku qanco natiijada baadhistaasi ka soo baxda ay waajb ku tahay madaxweynuhu inuu golaha wakiilada u gudbiyo xubintaasi si goluhu go’aan gole oo uu ku diidayo ama ku ogolaanayo xil ka xayuubinta uu cod gacan taag ah oo hal-dheeriya ku ansixin karo shaqo eriga xubnaha komishanka doorashooyinka halka uu sidoo kalena magacaabista xubnaha komishana doorashooyinka ansixintooda uu sharcigu u jidaynayo in xubinkasta oo komishanka doorashooyinka ka mid ah oo la soo magacaabo golaha wakiiladu ku ansixin karo cod dhan 42 mudane xubinta tiradaasi ansixinteedu ka yaraatana ay magacaabisteedu burayso halka uu madaxweynuhuna xeer Lr 20 uu awood u siinayo magacaabida komishanka doorashooyinka ay u soo kala magacaabaan golaha guurtida, axsaabta mucaaridka iyo isaguba u sharcigu waajib kaga dhigayo in todobada xubnood oo isku dhan uu u gudbiyo golaha wakiilada si golahaasi uga guto waajibaadka xalaalaynta xubnaha komishanka loo soo magacaabay, halkaasina waxaynu ka fahmi karnaa awoodaha xeerka doorashooyinku u kala gaar yeelay madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiilada, taas oo sharciguna awooda ansixinta xubnaha komishanka uu siinayo golaha wakiilada halka digreetada xubnaha doorashooyinkuna uu awood u siinayo madaxweynaha.
Hadaba marka la eego lixdii qodob ee ay beesha caalamku a soo saartay khilaafkii adkaa ee ka dhashay dibu dhacii doorashada madaxtooyada oo golaha guurtiduna go’ankiisii muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka ee uu soo saaray uu saleeyay lixda qodob ee beesha caalamku ay ka soo saartay qabsoomida doorashada madaxtooyada oo isugu jira hawlihii farsamo ee ay ku qabsoomi lahayd doorashadu oo ku saabsan muddada lagu dhamaystiri karo Serverka natiijada cod bixinta diiwaangelinta jadwalka cayimaada doorashada, oo ay ka mid tahay qodobada heshiiskaasi bedelaada xubnaha komishanka doorashooyinka oo ka mid ah lixda qodob ee beesha caalamku ay usoo jeedisay inay aqbalaan madaxweyne Rayaale iyo labada xisbi mucaarid oo iyagu si wadajir ah u wada aqbalay fulinta lixdaas qodob soona dhaweeyay go’aanka ay guurtidu ku salaysay muddo kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka oo ay u arkeen dhinacyada siyaasada isku hayaa kuwo wax ka tari kara dibu dhacii badnaa ee doorashada madaxtooyada.

Inkasta oo hadaba ay si wadjira u soo wada dhaweeyeen nuxurka heshiisyadan beesha caalamku ay kaga soo talo bixisay hirgelinta doorashada madaxtooyada oo aan ilaa hada si cad loo ogayn muddada ay ku qabsoomayso, balse ilo wareedyo u dhuundaloola beesha caalamka la sheegay inay soo jeedisay inay muddo sagaashan maalmood ah ay sheegeen inay ku dhamaystiri doonaan hawlaha qabyada ah ee hor yaala doorashada madaxtooyada ayaa hadana waxa is weydiin mudan in qodobadaasi heshiis ay ku xidhnaan doonaan sida ay u fuliyaan dhinacyda siyaasada isku haya ee ay ka mid yihiin madaxweyne Rayaale iyo axsaabata mucaaridka iyo golaha wakiilada oo midkastaa waajibaad gaar ah uu ka saaran yahay bedelaada komishanka doorashooyinka oo xilligii la soo magacaabay ahayd September 2008kii uu khilaaf weyni ka dhashay ansixintoodii iyo magacaabistoodiiba, kuwaas oo si weyn ay iskugu mari waayeen madaxweyne Rayaale iyo golaha wakiiladu meelmarinta laba xubnood oo guurtidu soo magacaabay oo ay soo celiyeen wakiiladu halka xubinta Kulmiye magacaabistiisii uu iyadana si weyn uga biyo diiday xisbigaasi saami qaybsiga todobada xubnood, taas oo aakhirkii gaadhay in golaha wakiiladu ay dib ugu celiyaan lix xubnood oo Rayaale u soo gudbiyey islamarkaana ay wakiiladu go’aan muddo kordhin ah oo laba sanno ah ay qalinka ugu duugeen komishankii hore kaas oo ka dib maxkamada sare laalis usoo samaysay go’aankaasi golaha wakiiladu ku celiyeen lixda xubnood ee komishanka muddadana ugu kordhiyeen komishankaa hore. Waxaana wakhtigan xaadirka ah la is weydiinayaa sida ay u fuli doonaan gaar ahaan qodobka bedelaada komishanka doorashooyinka oo ay beesha caalamku heshiiskaasi lixda qodob ah ay kasoo jeedisay, taas oo haddii uu dibu dhac ku yimaado bedelaada xubnaha komishanka iyo ansixinta magacaabista xubnahaasi loo soo magacaabayo ay keeni karaan arrimo xagal daaciya geedi socodka fulinta heshiiskaas, kaas oo dhamaystirka dhismaha komishanka doorashooyinkuna uu siweyn xil uga saaran yahay hadba sida uu Rayaale uga midho dhaliyo una fuliya bedelaada komishinka doorashooyinka oo haddii uu cago –jiido muddada lagu gudbinayo iyo golaha wakiilada ay keeni karto khilaaf ka dhasha dibu dhac danbe oo doorashada madaxtooyada, taasina ay tacab khasaar ka dhigi karto heshiisyada beesha caalamka hirgelintooda iyadoo wakhtigan xaadirka ah fulinta dhismaha komishanku ay ku xidhan yihiin sida uu Rayaale u dadajiyo gudbintooda, oo isagu todobada xubnood ee komishanku ay ka kooban yihiin saddex ka mid ah uu isagu magacabistooda leeyahay oo uu ku jiro gudoomiyaha komishanku halka ay laba ka mid ahna guurtidu soo magacaabeen iyo laba xubnood oo ay soo kala magacaabeen Kulmiye iyo Ucid.

Dhinaca kale Xubnaha komishanka doorashooyinka ee la filayo haddii Riyaale hor geeyo wakiilada in kalsoonida lagala noqon doono, xubnaha loo tuhunsan yahay iscasilaada, xubnaha qaba in dhamaantood la wada eryo iyo wakiiladii qaadhaan bixiyayaasha oo dalka kusoo fool leh
Inkasta oo fulinta heshiisyadaasi ay ku xidhan yihiin rajo laga qabi karo qabsoomida doorashada oo aanay ilaa hadda si wada jira ah u saxeexin dhaqan galka heshiiskaasi Madaxweyne Riyaale iyo labadada guddoomiye xisbi mucaarad ee Kulmiye iyo UCID, Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe oo la filayo in munaasibada lagu saxeexi doono heshiiskaasi ay goob joog ka noqon doonaan khubaradii server-ka dhaqaajin lahaa la filayo in caasimada ay soo gaadhi doonaan maalmaha Arbacada berrito iyo Khamiista ay goob joog ka noqon doonaan xaflada heshiiskaasi wada hadala laga geli doono qaabka loo bedelayo amase loo marayo eedaynta bedelaada xubnaha komishanka doorashooyinka oo ay saddexda xisbi la sheegay inay ku kala duwan yihiin qaabka loo bedelayo toddobada xubnood ee komishanka oo la sheegay in axsaabta mucaaridka iyo wakiilada mucaaridka ee golaha wakiiladu ay aaminsan yihiin in xil ka xayuubin lagu sameeyo afar xubnood oo iyagu hore u saxeexay go’aankii lagu laalay natiijadii codbixiyayaasha oo ay ka mid ahaayeen sida la sheegay guddoomiyaha komishanka Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), ku xigeenkiisa, Cali C/laahi biikolo, Maxamed Yuusuf Axmed, Maxamed Ismaaciil Maxamed (kabaweyne) halka la sheegay in Madaxweyne Riyaale iyo xisbiga UDUB ay aaminsan yihiin in dhamaantood shaqada laga wada eryo toddobada xubnoodba.

Inkastoo aan si rasmi ah mabdi’iyan aan la iskula qaadanin qaabka loo marayo bedelaada komishashanku inay noqoto in si wada jira loo wada eedeeyo iyo in eedayntu noqoto mid xubnaha qaarkood lagu koobo haddana waxay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaan sida keli ah ee ay wada aaminsan yihiin saddexda xisbi uguna fudud ee loo mari karo bedelaada eedahoodu inay noqon doonto in si wada jir ah xil gudasho la’aan loogu wada eedeeyo toddobada xubnoodba si markaasi Madaxweyne Riyaale golaha wakiilada ugu gudbiyo oo kalsoonida lagala noqdo iyadoo xubno uu ka mid yahay Maxamed Yuusuf Axmed la sheegay inay ka fikirayaan siddii ay xilka iskaga casili lahaayeen hase yeeshee ilaa hadda si rasmi ah looma oga in talaabadaasi iscasilaada ah uu ku dhaqaaqi doono iyo in kale iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in guddoomiyaha iyo ku xigeenka, Jaamac Sweden iyo Cali Biikolo ay qabaan in aan la kala reebin toddobadooda xubnood balse la wada eryo halka saddexda xubnood ee kala ah, Ismaaciil Muuse Nuur, iyo Xasan Cumar Hoori oo iyagu ah labada xubnood ee golaha guurtidu ay soo magacaabeen iyo Khadar C/laahi oo ah xubinta uu xisbiga UCID usoo magacawday Komishanka doorashooyinka ayaa la sheegay in golaha wakiilada iyo axsaabta mucaaridku ay aaminsan yihiin in aan wax maamuus ka xayuubin ah lagu sameyn saddexdan xubnood oo ay u arkaan in aanay wax dembi ah ku lahayn go’aankii ay afarta xubnood ee kale komishanku kaga awood bateen meel marintii go’aankaasi oo ay axsaabta mucaaridku u arkaan kuwa aan saameyn badan ku lahayn natiijadii kasoo baxday diiwaangelinta.

SOURCE HAATUF

WAR DEG DEG AH: NIN SITAY WALXAHA LAGA SAMEEYO QARXYADA OO KIIMIKAL AH OO LA QABTAY

WAR DEG DEG AH: NIN SITAY WALXAHA LAGA SAMEEYO QARXYADA OO KIIMIKAL AH OO LA QABTAY

Saqadhi dubad
Taliyaha Booliska Jamhuuriyada Somaliland Col Maxamed Saqdhi Dubad ayaa Shaaca ka qaaday in ay qabteen nin ay beryahanba ciidanka Boolisku ku raad joogeen .

Ninkan ay Boolisku xalay gacanta ku dhigeen ayaa waxa uu sitay walxo Kiimikal ah (Chemical ) oo laga sameeyo waxyaalaha qarxa .

Taliyaha Ciidamda Booliska ayaa inta ku daray in nin kani u dhashay dalka Somalia Magacaiisuna yahay Maxamed Cumar C/raxmaan ninkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidanka Boolisku .
Taliyaha booliska ayaa sheegay in hawlgalka ay ku qabteen ninkan uu daba socdo hawlgalo ay baryahan ba wadeen ciidamada Boolisku , Taliyaha Booliska ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalkan .

Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa

SHIRKADA MICROSOFT OO SOO BANDHIGTAY ANTI-VIRUS CUSUB TAAS LAGALA DAGALAMAYO TUUGADA INTERNETKA

SHIRKADA MICROSOFT OO SOO BANDHIGTAY ANTI-VIRUS CUSUB TAAS LAGALA DAGALAMAYO TUUGADA INTERNETKA

SHIRKADA MICROSOFT OO SOO BANDHIGTAY ANTI-VIRUS CUSUB TAAS LAGALA DAGALAMAYO TUUGADA INTERNETKA
MICROSOFT
Shirkada Caanka ah ee ka baayacmushtarta Qalabka iyo Aladaha Compuyutarada ee Microsoft ayaa soo bandhigtey maalintii shaley ee Software cusub oo ka difaacaya dadka adeegsada kumbuyatarada Virus, spyware iyo in ay soo weeraraan Computeradooda tuugada Internet-ka.

Soft ware-kan cusub ayaa mid bilaash ah, Waxaana si fudud looga rogan karaan web site-ka Microsoft ee microsoft.com/security_essentials ,Waxaana loo sameeyey hab Caalami ah oo dhanka Ganacsiga ah isla markaana ay adeegsan karaan cid kasta oo Computer isticmaalaysa.

“Macaamiisha Microsoft Security Essentials, waxay heli doonaan aalado difaaca Computerka oo aad u heer sareeya, oo ay si fudud ku isticmaali karaan” sidaasi waxaa sheegay Maareeyaha Guud ee Sirkada Microsoft qaybta aamaanka macaamiisha Amy Barzdukas.

“Macaamiishu waxay inoo sheegeen inay doonayaan inay helaan difaac buuxa xilii kasta oo dhanka Software-ka ah” ayuu hadalkiis aku sii darey Barzdukas.

Shirkada Microsoft waxay sheegtey in software-kan lacag la’aanta ah uu ka caawin doono dadka mar wallba la kulma weerarada xaga Internet-ka ee Virus-ku ku dhaco Computeradooda ama kuwa ay soo weeraraan tuugada Internet-ka oo ay ka qabsadaan servers-kooda ama Computeradooda.

90% Computerada Dunida laga isticmaalo waxaa loo adeegsadaa Windows Operating Systems taasi oo ay farsameysay shirkada Mareykanka ah ee dhanka sancada technology-da ku dheeraysa ee Microsoft.

Microsoft waxay in mudo ah dagaal xoogan kula jirtey kooxahaasi Virus-ka Internet-ka ku shaqeysta ama weerarada xaga Internet-ka geysta, iyadoo xiligan software-kan real time lagu tilmaamay mid difaac xoogan sameynaya kaasi oo ka ilaalinaya tuugada Internet-ka inay si fudud ku sameeyaan Virus ama weerar xaga Internet-ka ah.

Xafiska Warqabadka Togaherer

Islamabad,Pakistan

RAGGA ADUUNKA UGU XUN DHANKA HABLAHA IYO RAGGA UGU WANAGSAN

RAGGA ADUUNKA UGU XUN DHANKA HABLAHA IYO RAGGA UGU WANAGSAN

RAGGA ADUUNKA UGU XUN DHANKA HABLAHA IYO RAGGA UGU WANAGSAN

Codbixin dhawaan uu sameeyey website-ka la yidhado One poll ayaa sheegay in Ragga Jarmalka ay noqdeen kuwa xun xaga haweenka gaar ahaan arimaha Jaceylka iyo haasaawaha hablaha.Codbixinta oo laga qaaday 15 kun oo haween ah oo Dunida ku kala nool ayaa lagu sheegay in ragga Jarmalka aanay ku wanaagsaneyn haasawaha hablaha, iyodoo lagu macneeyey in ay aad u soo shiiraan xaga urka jirka taasi oo loo aqoonsadey inay yihiin raga ugu xun aduunka.

Codbixinta waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay in ragga wadanka Ingiriiska ay noqdeen raga labaad ee ugu xun aduunka ka dib markii loo codeeyey in ay yihiin ragga ugu caajiska badan, isla markaana ay haweenka lamaanahooda ay jecel yihiin inay u diraan shaqada oo dhan, halka raga wadanka Sweden ay galeen kaalinta sadexaad ka dib markii la sheegay in ay yihiin ragga ugu deg dega badan.

15-ka kun ee haweenka ah ee codbixinta laga qaaday ayaa ku kala noon 20 wadan, waxaana waxyaabaha la su’aalay ka mid ahaa dareenkooda ku aadan xaga sariirta iyo hab dhaqanka ragga ay nolasha la wadaagaan.

Kaalinta Afaraad waxaa galay ragga wadanka Holland oo la sheegay inay haweenka aad ugu xun yihiin xaga dhaqanka iyo macaamiilka dumarka.

Kaalinta Shanaad waxaa galey raga aduunka ugu xun ragga wadanka Mareykanka oo cobixinta lagu sheegay inay Dumarka qasbaan gaar ahaan xaga sariirta, iyadoo lamaanahooda aan tixgalin rabitaankeeda.

Kaalinta lixaad ragga aduunka ugu xun waxaa galey raga wadanka Gariiriga oo hablihii codbixinta laga qaaday ay ku sheegee inay yihiin ragg aad u dhidid iyo qoyaan badan.

Ragga Gobolka Scotland ee Boqortooyada UK ayaa iyaguna kaalinta 7 aad waxay ku galeen inay yihiin ragga aad u hadal dhaadheer ama kor u hadla, halka raga gobolka Weles ee isla wadanka Boqortooyada UK ay noqdeen raga ugu doqonson aduunka.

Raga wadanka Turkiga ayaa haweenkii codkooda dhiibtey ay ku sheegeen inay yihiin rag aad u macaan badan, halka ragga dalka Ruushka codbixinta lagu sheegay in haweenku ku neceb yihiin timaha faraha badan, iyagoo badiyaa kaba timo dhaadheer hablaha lamaanahooda ah.

Codbixinta waxaa dhanka kale hablaha la su’aalay ragga ugu wanaagsan aduunka xaga lamaanahooda, waxaana kaalinta 1-aad galey ragga wadanka Spain, kaalinta labaad Brazil, Sedexad Talyaaniga, Afaraad Faransiiska, Shanaad Ireland, kaalinta lixaad ragga wadanka Koonfur Afrika, kaalinta todobaad ragga wadanka Australia, kaalinta sidaad wadanka New Zealand , Kaalinta sagaalad ragga wadanka Denmark, ragga wadanka Canada ayaa iyaguna galay kaalinta 10-aad.

Warqabadka Togaherer

NIN GAWRACAN OO CAAWA LA SOO DHIGAY XAAFADA TOWFIIQ EE MUQDISHO

NIN GAWRACAN OO CAAWA LA SOO DHIGAY XAAFADA TOWFIIQ EE MUQDISHO

Mayd Gawracan Muqdisho
Maydka Wiil Dhalinyara ah ayaa Caawa lasoo dhigay Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha ay Maamulaan Xoogaga Islaamiyiinta ee dagaalada kula jiro dowlada Federaalka Somalia iyo AMISOM.
Sida ay goob joogayaashu xaqiijiyeen waxaa Maydkan lasoo dhigay agagaarka Daarta loo yaqaan Ayaan-daran deegaanka Towfiiq halkaas oo ay Dad badan ku daawadeen Maydka Marxuumka oo aan lagaran iyo sababta loo Gowracay.
Dadka Deegaanka ayaa Caawa si weyn u hadal haya Maydka Ninka la Gowracay waxaana lasheegayaa in Maydka lagusoo dilay meel ka baxsan xaafadda balse lasoo dhigay.
Argagax ayaa ka dhashay Maydad la Gowrcay oo 12-kii saac ee lasoo dhaafay lasoo dhigay degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho, Saaka ayaa la sheegay in xaafadda Suuq Bacaad lasoo dhigay Nin Gowracan oo la sheegay in uu ahaa dadka deegaanka.
Falalka Nuucaan ah ayay shacabka Muqdisho ka nasteen Muddo 6-Bilood ah oo ay magaalada ka socdeen iyo dagaallo iyo duqaymo balse aysan dhicin wax Gowrac ah oo lagula kacay Dad Rayid ah, si kastaba ha ahaatee falalkan Argagaxa leh ayaa cabsi ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed.

Axmed Kulan
Moqdisho

WAR-SAXAAFADEED WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

WAR-SAXAAFADEED WASAARADA ARIMAHA DIBADA JAMHUURIYADDA SOMALILAND

warsaxaafadeed
REPUBLIC OF SOMALILAND

Ministry of Foreign Affairs

Tel/Fax: 00252-225 3871. Tel: 00252 213 4495. Email: slforeign@hotmail.com.and

30/09/2009

WAR SAXAAFADEED.

Anagoo tix-raacaynaa wareysigii Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay 29/09/2009 Cabdiraxmaan Xaaji Adan “Ibbi’ oo ah Rayisal Wasaare ku xigeenka isla markaana ah Wasiirka Kalumeysiga ee Somalia ayaanu waxaanu kaga jawaabeynaa sidatan:-

Rayisal wasaare ku xigeenku si fiican ayuu uga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland wuuna ku mahadsan yahay. Haseyeeshe markii la weydiiyay in la gaadhay waqtigii Somaliland la aqoonsan lahaa wuxuu ku jawaabay “Nin baa waran isha lagaga taagay mid kalena badhida markii la weydiyay midkee lagaa jaraa wuxuu ku jawaabay midka badhida iga taagan si aan salka u dhigo oo aan u fadhiisto, taaso macneheedu yahay diyaar uma nihin in aanu aqoonsano Somaliland hadda” .

Waxaanu walaalkeen u sheegeyna waranku meeshu doono ha kaaga taagnaadee in aanay Somaliland u daba fadhiisanayn madax banaanideeda Somalia oo aanu 1991 kii ka tashanay in aanu ka noqonay israacii 1960 kii.
Allaa Mahad Leh

Siciid Maxamed Nuur

Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda

HAMBALYO AROOS CARUUSKA MOHAMED ABDI IBRAHIM(SALAX) IYO CAROOSADA SAYNAB AHMED MOHAMUD

HAMBALYO AROOS CARUUSKA MOHAMED ABDI IBRAHIM(SALAX) IYO CAROOSADA SAYNAB AHMED MOHAMUD

hambalyo animated
HAMBALYO AROOS

Mustafa Hagi Mohamud Ahmed
Husen Ibrahim Hassan
Khadar Abdi Hanan
Mohamed Esmaeal (indho)
AbdiRahmand Ahmed Daad
Mohamed Dube
Mowlid Esman Roble
Hasan Huseen
Abdi Ahmed Husen
Mohamed Husen
Abaas Ali Qafil
Siyad Maxamed Sicid
Mubarak
Adnaan AbdiRahman Yasin
Mukhtar Abdi Keyd
Ibrahim Mohamed Jama
Abdi Karem Mohd Muse
Mohamed Abdulahi Omar
Abdi Hakeem Esman
Mohamud Wayrax
AbdiRahman Mohamed Jama
Mohamamed Hasan Rabisahal
Mahamud Wayrax iyo.
Sh. Abdi Aziz Ahmed Digale
Mohamed Yusuf Hashi
Dhamaan dhalinyara ee reer Qatar

Dhamaan Aqoon yahanadaas kor ku xusan oo jooga magalada Doha ee Dalka Qatar waxay habalyo iyo bogaadin u dirayaan Arooska:

Mahamed Abdi Ibrahim (Salax)

Iyo

Saynab Ahmed Mohamud

Oo maanta oo taariikhdu tahay 24/Sept/2009 Arookood ka dhacay ee Magalada Harageysa.

Waxaanu leenahay Ilaahay ha ka yeelo kuwii ku waara bash bash iyo barwaaqo ubad khayr qabana kala hela.

HAMBALYO DHALASHO SOO KOR AYAANU KU LEENAHAY

HAMBALYO DHALASHO SOO KOR AYAANU KU LEENAHAY

hambalyo
  • Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska & Dhaqanka C/razaaq Waaberi Rooble
  • Hoggaanka Wacyigalinta Ciidanka Booliska Abwaan Muxumed Xaaji Soofe (Kaneeo) & Dhammaan Kooxda Fannaaniinta Ciidanka Booliska ee Goodir.
  • Hoggaanka Wacyigalinta Ciidanka Qaranka JSL Abwaan Cali Barre Xusseen & Dhammaan Kooxda Fannaaniinta Ciidanka Qaranka ee Gaashaan.
  • Agaasimaha Wasaaradda Dalxiiska & Dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-yare) Iyo Dhamaan Fannaaniinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka mid yihiin:

  • Sahra Axmed Jaamac
  • Saafi Ducaale
  • Sahra Cali Xassan
  • Sahra Axmed C/laahi (Sahra-Ileys)
  • Ikraan Jaamac Ismaaciil
  • Ubax Daahir ( Ubax-Fahmo)
  • Deggen Nuur Xuseen
  • Maxamed Axmed Kuluc
  • Saxardiid Maxamed Jabiye
  • Faysal Cumar Mushteeg
  • Maxamed Maxamuud Cige (Bussi)
  • Xassan Jaamac Qodax (Xasan-gacan)
  • Maxamed Faarax Xirsi
  • C/laahi Axmed Xirsi (Wigic)
  • Caabi Mire Dacar
  • Saxardiid Maxamed Saxardiid
  • Najiib Axmed Xaashi
  • C/naair Macalin Caydiid
  • Cabdi Cismaan Gudaal (Cabdi-fanax)
  • Nuuradiin Axmed Iimaan

Iyo Waliba Abwaanada Kala ah:

  • Abwaan Xassan Xaaji C/laahi (Xassan-ganey)
  • Abwaan C/raxmaan Cumar Cashuur
  • Abwaan Saciid Ibraahim Dool
  • Abwaan Xariir Xaashi Baaruud
  • Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Dhammaan Abwaanada Ururka Hidda Dhawr iyo Abwaano iyo Fannaaiin faro badan oo aan halkan lagu soo koobi karayn, waxay Hambalyo u dirayaan Guddoomiyaha Ururka Hidda Dhawr Abwaan Maxamuud Xuseen Qaalib Iyo Xaaskiisa Lubbi Cali Madoobe oo Shalay Gabadhi ugu dhalatay Magaalada Hargeysa.

Gabadhaasi oo loo bixiyey Nashaad Maxamuud Xuseen Qaalib, Waxay Ilaahay Uga baryayaan oo ay Leeyihiin noqo Inantii Baarriya ee Anfacda Diinteenda Dadkeeda Iyo Dalkeedaba.

MURUQA LABA SUULE NINBA SI U QAADAY W/Q: ABDI SHOTALY

MURUQA LABA SUULE NINBA SI U QAADAY W/Q: ABDI SHOTALY

SHOTALY
MURUQA LABA-SUUL NINBA SI KU AH !!

Sida uu u dhisan yahay dhaqanka aynu lee-nahay ee aan qaab murtiyeed-keena u gardaadino xikmada ku jirta baa waxay odhanaysaa maah-maahi, GARI LABA QOF KAMA WADA QOSLISO, oo haddii aynu u gondo degno tahay micnaheedu, marka laba ruux, reer, kooxood ay dhibaato dhex marto, ee guurti isu galaasho siddii loo kala guri lahaa, xeer beegti-daasi waxay lafo gurtaba waxay ku soo gabaga-baysaa go’aan XAQ IYO XISTI kuu doona-ba ha ahaadee, dabeed warka ay ku dhawaaqaan ma noqdo mid ka farxiya labaddii dhinac ee is hayey, ee gees baa had iyo jeer cabata, ta kale-na waxay ku cawaysaa rayn-rayn iyo dabaal deg ay sheegato in ay iyadu heshay gartii, hadaba aniga oo sidaas idin idhi baa aan rabaa bal in aan dib u yara jaleecno siddii ay CIYAARTII SIYAASADEED EE SOMALILAND ee socotay 4TII usbuuc ee ugu dambeeyey in ay u dhacday sida ay qeexayso milgaha ay maah-maahda aan soo dhaafnay tilmaantay, oo ah mid baa inta badan guulaysta, mise waxay noqotay mid
aan hore loo maqlin oo timi is barbar dhac qolo waliba geesteeda ay dhibco dheeraad ah ku heshay, mise weli waxa jira gees aan fahmin nuxurkii ka soo baxay uur-ku-jirtii war murti-eedkii golaha GUURTIDA oo sacabka iska bilaas garaacaysa kana botori-naysa meel aanay wax ugu jrin, oo laga yaabo in ay HADHOOW INAGU SOO MIYIRSATO? akhrista-yaasha mareeragaha somaliland baa waxan ka rabaa bal in ay iga soo daadejaan arintan iyada ah ee dhankii kastaaba ilko caday-naayo waan ka yaabaye ma wax baa geesi qarinaysaa?

* Udub iyo maamulku waxay lee-yihiin:-

* Guul aan dhamaa-nayn baa naloo cusboo-naysiiyey, oo ma jiro mucaarid dambe oo na odhan karaa wakhti baa idnka dhacay,
* Doorashaddii dib baa loo riday, oo waa intii aan u galgala-naynay,
* Ma jirto wakhti naloo cayimay oo la lee-yahay waa maalintii foodka,
* Waanu ka hoos baxnay mucaarid oo waxan u shidnay FAYNUUSKII SIXIRKA, (dib u xasuuso sheekaddii carabiga ahayd ee la odhan jiray MUSBAAX AL-SAAXIR ee buuggii calaa-u-diinka), markaas bacaad bay fadhiyaan raggii kursi doonka ahaa, oo waq baa aanu ku dhignay, haddii aanu nahay muxaafid waanu ka dumaalad dheer nahay reer muxaafid,
* Wuxu riyaale yidhi aan soo gaabsho hadalkee:-TALADEENU SEEG-SEEG YAANAY MURUQA LABA-SUUL,NINBA SI KU AH NOQONIN.

* KULMIYE + UCID waxay iyana lee-yihiin :-

* Waanu karbaashnay N.S.S-TII oo cidh-baha baan goonay, waayo waan ka midho dhalinay, mudaaharaadkii oo geeriddii iyo dhaawacii faa’iido buu noo keenay, sababta oo ah sidan :-
* Waxa aan ku guulaysanay in tira-koobkii lagu galo doorashada,
* La bedelo KOMISHANKA,
* Mudo cayiman in aan loo kordhin madaxweynaha iyo ku/xigeenka,
* Waanu diidnay in aan soo hor fadhiisano riyaale oo SANKIISA BAANU CAANO KA DHAMAYNAY.
* Waxay ku heesayaan isku daraka mucaaridku sidatan :- HADDII SAMIR WAX LAGU HELO, AMA SALAWGU CIIL YAHAY, ANIGAA KU SUGAYOO SIDA SEBI DHALAA-NAAN DHABTA KUGU SASABAYEE, SAADAASHAA ILA GARO ( kursi-yahaw), MA SII DAYNIN WACADKII HURDA-DANA MA SEEXDEE, soo dhawoow kursi-yoow waad naga raagtee,

Hadaba biyo gorore oo meel godan bay isugu tageene labaddii-ba dhoolaha bay ka qosol cadayna-yaan ee naxaa siya mise aniga baa dhoohan oo madaxa ku soconaaya, murqaankii qaadkii ugu dambeeyey baa wax aan jirin ii sawiray oo wax aan jirin baan daawanayaa, ma dhegahayga baa maqal been ah ii sheegay, ma af-soomaaliga baanan aqoon, miyaan isku dhex daatay oo waxan marayaa da’ddii xasuustu kala daadan jirtay, waa sidee xaalku, mise aniga baa ugu saxsan oo dadka inta kale baa kala wareegsan oo madaxa ku socota, waxan ku soo xidhay maqaalkan WAAN YAABANEE IDIN-KUNA DADYOOW MAYLA YAABAN TIHIIN?

*N.B Xagu gebi, xagu gabi guntu walac weeyaan miyaa ?
abdi-shotaly,
oodweynenews.com