Monday 12 October 2009

XULASHADA KOOMISHANKA CUSUB: RAYAALE WAA KA DAACAD! MUCAARIDKA WAA KA QABYAALAD! SALEEBAANA WAA KA EEXASHO!

XULASHADA KOOMISHANKA CUSUB:
RAYAALE WAA KA DAACAD!
MUCAARIDKA WAA KA QABYAALAD!
SALEEBAANA WAA KA EEXASHO!

Waa salaamantiin dhamaan shaqaalaha iyo xaqleyaasha shabakadaa nagu haba warka hufan iyo aragtiyaa kala gadisan kuwaasoo khuseeya dhamaan dalka gudihiisa iyo dabadiisa.Waxaan iyagana u mahadnaqayaa akhrista yaasha maqaaladayda dhamaantood. Qoraalkaygani waa mid xambaarsan TIX aan ula magac baxay(Faraska Cad)ah oo ay igu kaliftay jawiga shakiga iyo shuushaada huwan kaasoo ku xayndaaban xulashada Gudida cusub ee doorashooyinka. Inkastoon heeso hore u alufay hadana hiyigayga iyo hamigayga way ku yartay inaan is idhaa wax ka dheh waayaha siyaasadeed ama dhaqankaba waayo? intaas waxbaa la tirinayaa intaasaa kufilan balse tani waa Tix saakaiga soo booday. Anigoo inta badan aan wakhti u helin akhriska websites-ka hadana ma hilmaamo milicsiga cinwaanada ka soo burqanaya muwaadiniinta reer somaliland mucaarid iyo muxaafidba. Intaas ka dib, waxaa saaka iiga soo horeeyay internetka war aan ka helay Saaxiibkay Axmed Naasir Maxamed Dacar oo ah xubin culus oo ka mida Gudi Siyaasadeedka aan Gudoomiyaha u aha ee xisbiga aan ka soo jeedo UDUB QATAR waxaanuu ii sheegay in mucaaridkii soo magacaabeen xubno kasoo jeeda beelahooda taasoo ah qabyaalad cad xisbi nimadiina meelkaga dhacday. Tan waxa sii dheer labada guurtida oo aan dhex ahayn sida muuqata. Madaxweyne Rayaale isaga daacad bay ka tahay iyo khilaafka soo afjar oo sulux wax halagu dhameeyo laakiin dhinaca mucaaridka waa aragtaan habdhaqankooda qabyaaladeed ee ay ku salaynayaan xubnahooda cusub iyo siday u duudsiyeen dadkii xisbigooda kula jiray ugana eexdeen qabiilooyinkii ay kasoo jeedeen iga hanta waatan maansadii aan ugu talo galay inay intaasba ka turjunto:

Hadaan faraska heensaysto

Ha nagaado waligay

Hiyigayga may galin

hanjabaad ha moodina

waa hadal murtiyahe

Hoos bal aan u daadago

Hadafkaan ka leeyahay

Hinaasaa mucaarid

Iyagana hal baan idhi

Hiigsigeenu ma ahayn

Hayaay iyo tolaayeey

Habqabiil la dhaafyoo

Hadaan haybta sheegtana

Hurmuud UDUBA baan ahay

Shacab hiilkii baan ahay

Haybadii dalkaan ahay

Aar hamagle baan ahay

Haday tahay Agoomaha

Umad tabaalo hayso

Ama ruux halaysan

Hoo iyo wax siintaba

Hiil layga baahdo

Hagran maayo waligay

Hiddena waan uleeyahay

Kursi hanashadiisa

Ayaa kuu hilaacoo

Soo jeed ku hadartee

Shaydaan baa haliilee

Aduunyaduba haariga (HURRY UP)

Way ka soo horjeeda

U hubsaan ku leeyahay

Heshiiskii la gaadhay

Isagana hirgalintiis

Halka uu ku foofiyo

Hilinkiisu dheeraa

Soo gaabshay heestee

Hadalkana badnaantiis

Haasaawuhuu xumeeyaa

Hada waxaan kusoo jaray

HAWL QARAN SIDEEDABA

HAYYIN BAA KA BIXI KARA.

WAXA TIXDAN AAN ALUFAY MAANTA OO AH MAALIN ISNIINA TAARIIKHDUNA TAHAY 12/10/2009 QATAR.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
Mobile# +974-6659801.

No comments:

Post a Comment