Monday 12 October 2009

MASUULIYIIN KA TIRSAN DFKS OO SHEEGAY IN CIIDAN KENYA LOOGU TABABARAAYO IYO QAAR BEENIYEY

MASUULIYIIN KA TIRSAN DFKS OO SHEEGAY IN CIIDAN KENYA LOOGU TABABARAAYO IYO QAAR BEENIYEY

Mas’uuliyiin katirsan Dowlada Federaalka Kumeel garka Somalia ayaa siyaaba kala gedisan uga hadlay qorshe la sheegay in ay Kenya ugu qorayso Maleeshiyaad Somali ah oo kamid noqda Ciidanka Dowladda.
Agaasimaha Wasaaradda horumarinta reer Miiga Dowladda KMG Somalia Maxamed Mucaawiye Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dowladdu ay Kenya kawado ciidamo qoris Gobalka Waqooyi Bari kenya islamarkaana Boqolaal dhalinyara ah lagasoo aruurin doono Xeryaha qaxootiga Ifo iyo Xagar.

Maxam’med Mucaawiye wuxuu intaas ku daray in arrinkan yahay mid Sharci ah oo ay dowladaha IGAD ku taageerayaan Dowladda Somalia “Waa sax in Kenya ay Qaranka Somaliyeed u qorayso dhalinyaro Somali ah waana wax sharci ah in dhalinta Somalida loo carbiyo soo noolaynta Qarankooda” ayuu yiri Agaasimaha Wasaaradda ree Miyiga.

Dhinaca kale waxaa arrinkan Beeniyay Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dowladda Farxaan Xasaanyo oo sheeagay in aysan jirin wax Ciidan ah oo dowladu ka codsatay Kenya.

Daahir Maxamuud Geelle Wasiirka Warfaafinta ayaa shalay sheegay in aanay TFG Kenya ka dalbay qorista Maleeshiyaad loo Ciidameeyo Dowladda, si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa lakala ogaan doonaa hadlka uu ku dambeeyo kala hadalka Madaxda dowladda.

No comments:

Post a Comment