Tuesday 13 October 2009

LIISKA XILDHIBAANADA GUURTIDA KU SOO GALAY IYO ODAYAASHII RUG-CADAAGA AHAA XUBNAHA KURAASIDOODI KU FADHIYA Q 3AAD

LIISKA XILDHIBAANADA GUURTIDA KU SOO GALAY IYO ODAYAASHII RUG-CADAAGA AHAA XUBNAHA KURAASIDOODI KU FADHIYA Q 3AAD

Cadadkii shalay ee wargeyska Haatuf waxa ku soo baxay qormadii xiisaha badnayd ee taxanaha ahayd ee aanu ku daraasaynay liiska magacyada xildhibaanada golaha guurtida ee dhaxalka ku soo galay iyo odayaashii beelaha Somaliland ku soo doorteen shirweynihii 1997-kii lagu qabtay caasimada, laguna soo xulay guurtida.guurtida-sl

Intii ka geeriyootay xubnihii odayaasha ahaa ee guurtida raga kuraaastoodii dhaxlay iyo raga iska casilay xubinimada, waxaanu halkii idiinka sii ambaqaadi doonaa qaybtii saddexaad ee liiska magacyada xildhibaanada dhaxalka ku soo galay iyo raga ku soo biiray 12 sano ka dib golahaasi iyo saami qaybsiga beelaha,

36. Xildhibaan C/llaahi Sh Xasan Cismaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida, ayaa isaguna kursiga ka dhaxlay marxum Adeer u ah oo la odhan jiray Sh Xasan, oo geeriyooday kana mid ahaa ergadii golaha guurtida ee lagu soo xulay shirweynihii beelaha Somaliland eek u qabsoomay caasimada Hargeysa.

37. Xildhibaan Xirsi Ciise Jaamac oo ka mid ah mudanayasha golaha guurtida ugu jira beelaha gobolka Sool, ayaa isaguna kursiga golahaasi ka dhaxlay marxuum Yusuuf Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ergadii golaha guurtidu ay usoo xusheen beelaha gobolka Sool ee ay ku soo doorteen shirweynihii beelaha Somaliland ee ku qabsoomay Hoolka shaqaalaha ee magaalada Hargeysa.

39. Xildhibaan Faysal Axmed Ismaaciil, oo ka mid ah mudayaasha golaha guurtida ugu jira Beesha bariga Sanaag ayaa isaguna kursiga golahaasi ka dhaxlay marxuum Maxmaed Cabdi Shide, oo geeriyooday kana mid ahaa odayaashii beesha bariga Sanaag ay ku soo doorteen shirweynahaasi.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), oo ka mid ah mudayaasha beelaha Sool ugu jira golahaasi guurtida, ayaa isaguna kursiga uu ku fadhiyo ka dhaxlay nin la odhan jiray Ina Koore oo ka mid ahaa ergadii beelaha Sool, oo isaga la sheegay inuu xubinimadii golaha inuu ka tagay wakhti hore.

39. Dhinaca kale marxuum Suldaan Maxamed Nuur Guray, oo ka mid ahaa ergada golaha gurtida uga matalayey beelaha gobolka Awdal, oo isagu todobaadkii hore geeriyooday laguna aasay magaalada Boorame ayaan ilaa hada kursigiisii banaanaaday aan la soo buuxin, kaas oo ah kursi dhaxal suge ah oo la sheegay inuu soo buuxin doono, wiil uu dhalay, balse si rasmiya looma oga cida kursigaas dhaxali doonta ee lona dhaarin doono.

Golaha guurtida oo aan wali lagu soo dooran doorasho, balse ku fadhiya habka beelaha reer Somaliland, oo 82-ka kursi ee aqalka golaha guurtidu ka kooban yahay saami qaybsi beeleed ay ugu kala qaybsan yihiin 82ka kursi, oo aynu qormadeenan ku soo bandhigi doono, saamiga tirda beeluhu u kala leeyihiin kuraasta ayaa waxay u kala dhigan yihiin:

  1. Beesha bariga Burco 14. kursi
  2. Beesha Habar-Awal 9. kursi

La soco cadadka dambe iyo saamiga kuraasta beeluhu u kala leeyihiin kurasida golaha guurtida.

No comments:

Post a Comment