Sunday 11 October 2009

XUKUUMADA TEHRAN OO XUKUN DIL AH KU RIDAY MUDAYNAAL

XUKUUMADA TEHRAN OO XUKUN DIL AH KU RIDAY MUDAYNAAL

maxakamedMaxkamada Tehran ee dalkaasi Iraan, oo muddo bilo ah waday dhageysiga dacwada ka dhanka ah boqolaal qof oo loo qabtay mudaharaadyadii rabshadaha watay ee dalkaasi ka dhacay bishii June, ayaa xukun dil ah ku riday qaar kamid ah eedeysanayaasha.

Sida uu shaaca ka qaaday afhayeenka Wasaarada Cadaalada ee dalka Iran, Mr. Zahed Bashiri Rad, ayaa sheegay in labo kamid ah raggii maxkamada la horkeenay, in lagu xukumay dil.

Wuxuu sheegay Mr.Rad in eedeysanayaasha dilka lagu xukumay, lagu helay danbiyo isugu jira kicin shacab, basaasid iyo waliba inay xubin ka ahaayeen kooxo mucaarid ah oo dalkaasi laga mamnuucay.

Wuxuu sheegay Afhayeenka in labada qof ee hada dilka lagu xukumay ay kamid ahaayeen koox lagu magacaabo Mujahidiin iyo koox kale oo u ololeysa in dalkaasi Iran dib loogu soo celiyo Boqortooyadii horey uga talin jirtay.

Afhayeenka dowlada Iran ayaa sheegay in eedeysanayaasha la xukumay, ay ayagu qirteen danbiyada lagu helay. Hase yeeshee ururada u dooda xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in dowlada Iran adeegsatay jirdil, isla markaana lagu khasbay eedaysanayaasha inay qirtaan danbiyo aysan gelin.

Go’aanka Maxkamada Tehran, ayaa waxaa baaq kasoo saaray ururada Xuquuqul Insaanka oo ay ugu horeyso hay’ada Amnesty International, oo ugu baaqday Maxkamada in aan dadka maxkamada saaran lagu fulin xukun dil ah.

Tan iyo intii ay dalkaasi Iran ka dhaceen mudaharaadyadii bilowday kadib doorashadii 12kii bishii June, dalkaasi ka dhacday ayaa waxaa socday maxkamado lagu soo taagayo dad badan oo lagu qabqabtay mudaharaadka.

Doorashadii June, ayaa dib loogu doortay Madaxweynaha xilka hayay ee Mohamuud Ahmedinajad.

No comments:

Post a Comment