Sunday 11 October 2009

ROOBKII UGU WAYNAA MUDDOYINKAN OO XALAY KA DA’AY BURCO

ROOBKII UGU WAYNAA MUDDOYINKAN OO XALAY KA DA’AY BURCO

Burco: Roobkii ugu weynaa muddoyyinkan oo xalay ka da’ay Burco.

Burco : Roob SAACADO badan socday ayaa xalay ka da’ay Magaalada Burco Iyo deegaano ka ag dhow dhow, Roobkan ayaa socday muddo ilaa 5 saacadood ah isagoo roobkani bilaabmay 7:30kii fiidnimo wakhtigii salaada cishaha kadib isla markaasna istaagay abbaaro 12kii habeenimo, Roobkan ka Da’ay Magaalada Burco iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ka da’a Gobolka muddo laba sanno ah iyadoo dadka deeganada Bariga Togdheer ay aad ugu riyaaqeen Nimcada iyo Barwaaqada ilaahay siiyey xalay.

Roob doon ayaa laga Tukaday Gobolka Togdheer dhowr jeer sannadkan iyadoo ay dadka ku dhaqan gobolada Bariga Somaliland ay ilaahay ka baryayeen in Roob iyo raxamaad Deg deg ah u shubo.

Hadaba Roobkan ayaa soo rogay daad faro badan iyadoo xalay oo dhan magaaladu kala xidhnayd isla markaasna isu socodka dadku aad u yaraa, ayaa waxa xatta ay biyaha iyo daadadku qulqulayeen laamiyada caadiga ah ee baabuurta.

Hadaba waxa dadka ku dhaqan Burco saaka ku soo tooseen jawi aad u macaan iyadoo Toggii weynaa ee lagu yaqaan magaalad Burcona (TOG-DHEER) uu aad u soconayay isla markaasna uu dad xogani marayey, Goobo badan oo aan saaka socod ku maray anigoo Doonaya bal inaan xog ka soo helo inu Roobkani wax khasaare ah geystay iyo inkale ayaa waxaanan arag ama maqal ba wax khasaare ah oo uu Roobkani Geystay iyadoo uu noqonayo Roobkii ugu weyna ee aan wax khasaare ah Geysan marka laga reebo Daadka oo guryaha Dadka Danyarta ah galay isla markaasna ay illa xalay moosid iyo iyo biyo iska xidhid ku jireen.

Ugu danbayntii Roobabkan ayaa lagasoo sheegayaa inay ka da’een Deegano badan oo Hawdka ah isagoo si fiicanna uga da;ay Gobolada kale ee somaliland sida saaxil iyo maroodi jeex.

Roob mixed

Mustafe Osman A/rahman
Togaherer Burao Somaliland
Mustafe_480@hotmail.com
weriyemustafeosman338@Gmail.com

No comments:

Post a Comment