Sunday 11 October 2009

XISBIGA UCID OO U SOO XULAY XUBINTII KOMISHANKA ENG C/FATAAX IBRAHIM SHEEKH.

XISBIGA UCID OO U SOO XULAY XUBINTII KOMISHANKA ENG C/FATAAX IBRAHIM SHEEKH.

Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa shalay xubin cusub u magacaabay Komishanka cusub ee doorashooyinka qaranka, ka dib markii Madaxweyne Rayaale uu shalay ku celiyay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo ka mid ahaa komishankii is casilay oo uu xisbigaasi mar kale dib u soo magacaabay.Sida waxa xaqiijiyay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaasi C/Naasir Yuusuf Cismaan (Qodax).cabdi fataax

Waxaanu sheegay Xisbiga UCID inay soo xuleen xubin cusub oo ah Eng.C/Fataax Ibraahim Sh. Xasan oo lagu bedelay Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar), oo Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, soo celiyay ka dib markii sida la sheegay uu u cuskaday in heshiiskii axsaabtu uu dhigayay in la wada bedelo xubnaha Komishanka.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray xoghayuhu wuxuu u qornaa sidan:

Shir deg deg ah oo ay shalay galinkii danbe ay isugu yimaadeen xubnaha gudida fulinta ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka UCID waxay kaga doodeen oo ay wax iska waydiiyeen xaalada dalku maraayo maanta gaar ahaan komishanka doorashooyinka qaranka

Sida aynu lawada socona waxa maalmihii ugu danbeeyay lagu mashquulsanaa sidii loo soo magacaabi lahaa komishanka doorashooyinka qaranka ka dib markii ay is casileen xubnihii gudida doorashooyinka ee hore,

Waxay gudida fulinta ee xisbiga UCID dood iyo falanqayn dheer ka dib ay isla qaateen oo ay isku raaceen in uu noqdo xubinta xisbiga ucid uga qayb galaysa gudida doorashooyinka Eng: CABDIFATAX IBRAAHIM XASSAN ,in uu noqdo xubinta cusub ee xisbiga ucid uga qayb galaaya gudida doorashooyinka qaranka

Hadaba xisbiga UCID waxa uu xubintiisan cusub ee kor ku xusan ee uu u magacaabay ka mid noqoshada xubnaha cusub ee gudida doorashooyinka qaranka ee la filaayo in sida ugu dhakhsaha badan loo soo magacaabo dhinacyada ay arintani khusayso ,ku xusheen ,aqoontiisa oo ah heer jaamacadeed oo master ah iyo daacadnimo,kartininimo,dhexdhaaxnimo iyo hawsha qaranka ee sugaysa oo uu si xilkasnimo leh uu u gudan karro

Sidaasi daraadeed xisbiga ucid isaga oo eegaaya danta qaranka iyo waliba ahmiyada ay leedahay wakhtiga oo cidhiidhi ah oo maalintii kasta ee dib u dhacdaa ay dhibteeda leedahay iyo muran danbe oo macnno darro ah iyo buuq wadankani mar danbe gallo in aanay xagooda xisbi ahaan aanay waxba ku habsaamin magacawga xubinta xisbiga uga qaybgalaysa guddidan doorashooyinka qarranka .

Xoghayaha warfaafinta iyo saxaafadda ee xisbiga Ucid

Md.Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax)


No comments:

Post a Comment