Monday 5 October 2009

XISBUL ISLAAM IYO ALSHABAAN OO MIDBA GUUL KA SHEEGTAY DAGAALKII QARAARA EE DULEEDKA KISMAYO IYO GARI CIIDAN OO DFKS LEEDAY OO ISU DHIIBAY ALSHABAAB.

XISBUL ISLAAM IYO ALSHABAAN OO MIDBA GUUL KA SHEEGTAY DAGAALKII QARAARA EE DULEEDKA KISMAYO IYO GARI CIIDAN OO DFKS LEEDAY OO ISU DHIIBAY ALSHABAAB.

Ururka Xisbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay Guulo ka gaareen dagaaladii Cuslaa ee saaka ka bilaawday duleedka magaalada Kismaayo balse markii dambe u durgey dhanka degmada Afmadoow.

Sarkaal u hadlay Ururka Xisbul Islaam oo Caawa lasoo xariiray Idaacadda VOA ayaa sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalkii maanta islamarkaana ay dileen dagaalyahano Muhaajiriin ah oo Shabaab u dagaalamayay.

Sheekh Ismaaciil Caddow oo katirsan Mas’uuliyiinta Xisbul Islaam ee Axmed Madoobe lasafan ayaa sheegay in ay galabta Gacanta kusoo dhigeen Dagaalyahan Kenyati Dhaawac ah iyo Maydka mid kale oo uu sheegay in uu yahay cadaan.

” Walaalihii nasoo weeraray way ku jabeen dagaaladii maanta dhacay, waxaan Gacanta ku haynaa dhaawaca Nin Kenya u dhashay iyo Maydka mid kale oo cadaan ah marka walaalaha maanta way jabeene ha joojiyaano dagaalada ay Howdka noogusoo qaadayaan” ayuu yiri Cadow oo VOA lahadlay.

Majirto cid cadayn karta sheegashada Xisbul Islaam ay guulo ka sheegatay dagaalada waxaase lafilayaa in maalmaha soo socda ay arrinkan ka hadlaan Saraakiisha Maamulka Islaamiga Jubbooyinka.

————————————————————————————————————–

XISBUL ISLMAAN OO LASHEEGAY IN LAGA QABSADAY XIRADII AY KU LAHAAYEEN AFMADAW EE SALDHIGA U AHAYD CIIDANKA XASAN TURKI

Dagaal Xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Alshabaab iyo kuwa Xizbul Islaam ayaa Caawa ka qarxay duleedka Degmada Afmadow Ee Gobolka Jubada Hoose.Ciidamada Alshabaab ayaa la xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen Saldhiga ugu weyn Ciidamada Xasan Turki Degmada Afmadow.Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta ayaa laga maqlayaa duleedka Degmadaasi iyadoo la sheegay in Xerada Xagar oo ay daganyihiin Ciidamada Raas-Kambooni dagaal ka dhacay looga qabsaday xeradaasi xizbul islaam

Illaa haatan ma cada qasaaraha labada dhinac iyadoo dhinaca kale uu dagaalkii dib uga bilowday Xiliga Maqribka ka dib deegaanka Janay Cabdala Ciidamada Xizbul Islaam kadibna looga daba tegay Duleedka afmadow.

——————————————————————————————————–

GAARI POLICKA DAWLADA KUMIEEL GAARKU LEEDAHAY OO ISU DHIIBAY ALSHABAAB IYO IYAGA OO GALABA AY SOO BANDHIGAY GARIGAS IYO LABA ASKARI OO WATAY

.

GAADHI POLICEXoogaga Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigay Ciidan wato gaadiid Dagaal oo la sheegay in ay katirsanaayeen Dowladda Federaalka Somalia xilli Dowladdu ay sheegtay in Ciidankeedu aysan u babac dhigi karin kuwa Mucaaradka.

Gabaldhicii caawa ayay Xoogaga Shabaab Xarunta Xisbiga magaalada Muqdisho kusoo bandhigeen Muqaalka Gaari Nuuca Booliska ah iyo 2-Askari oo lasocday kuwaasi oo ahaa ilaalada gaarka ah ee C/qaybdiid.

C/risaaq axmed Cumar oo kamid ahaa Ciidankii iskuso dhiibay Shabaab ayaa sheegay in ay kasoo goosteen Dowladda kadib markii ay ka xanaaqeen duqaymaha ay ciidanka AMISOM ka gaystaan Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho.

“Aniga waxaan ahaa sarkaal hoosaad katirsan Ciidanka Booliska Somalia kadib markii aan arkay dhibaatada ay Ciidanka AMISOM ku hayaan shacabka ayaa go’aansaday in aan kasoo tago dowladii aan u shaqyanayay, waxaan diyaar u ahayn in aan Shabaab la shaqeeyo ama aan si xuriyad ah ugu noolaado magaalada” ayuu yiri C/risaaq Axmed.

Wakiilka Al Shabaab u qaabilsan Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga ayaa sheegay in ay talaab ka qaadi doonaan Ciidanka dowlada ee aan is dhiibin balse wuxuu sheegay in ay si fiican usoo dhawaynayaan kuwa is dhiiba.

Dhinaca kale Sarkaal sare oo katirsan Dowladda Federaalka ayaa Caawa Idaacadaha Muqdisho u sheegay in arrinkaasi jiro isagoona hadalkiisa kusoo gaabiyay ” waa jiraa arrinkaas laakin waa Calooshood u shaqaystayaal aan Dowlada wax Niyad xuma ah u keenayn” C/risaaq Qeyloow.

Warqabgadka togherer

kala soco wixii warar ah togaherer

No comments:

Post a Comment