Monday 5 October 2009

ISMAACIIL MUUSE NUUR OO KA MID AHAA KOMISHANKII SOMALILAND EE ISCASILAY OO SAACADO KU XANIBNAA MADAARKA BAASABOORKANA LAGA QAADAY

ISMAACIIL MUUSE NUUR OO KA MID AHAA KOMISHANKII SOMALILAND EE ISCASILAY OO SAACADO KU XANIBNAA MADAARKA BAASABOORKANA LAGA QAADAY

Oct 5, 2009 18:35
Gudoomiyihii Guddida Diiwaangalinta ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa shalay Ciidamada Boolisku ka qabtayn Madaarka Hargeysa isagoo ka dhoofaya.

Ismaaciil Muuse Nuur oo ka mid ah Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka ee maalintii Sabtidii iska Casilay Xubinamadii Koomishanka ayaa shalay ciidamadu boolisku ka qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa isagoo usii jeeda Dalka Sweden oo uu reerkiisu degan yahay, waxaana Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Garoonka Diyaaraduhu ay ka qaadeen Passportka iyo Dokumentiyadii uu sitay.Ismail

Waxaanu Halkaas ku xanibnaa Muddo sacaado, iyadoo markii dambe la sii daayey Sida uu saxansaxo u sheegay Ismaaciil intii aanu ka dhoofin Garoonka Hargeysa, balse waxa uu sheegay in Markii dambe lala hadlay Madaxtooyada oo loo soo celiyey Alaabtiisi iyo wixii kale ee uu sitay.
Gudoomiyihii Guddida Diiwaangalinta ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Ismaaciil Muuse Nuur ayaa shalay Ciidamada Boolisku ka qabtayn Madaarka Hargeysa isagoo ka dhoofaya.

Ismaaciil Muuse Nuur oo ka mid ah Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka ee maalintii Sabtidii iska Casilay Xubinamadii Koomishanka ayaa shalay ciidamadu boolisku ka qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa isagoo usii jeeda Dalka Sweden oo uu reerkiisu degan yahay, waxaana Saraakiisha Laanta Socdaalka ee Garoonka Diyaaraduhu ay ka qaadeen Passportka iyo Dokumentiyadii uu sitay.

Waxaanu Halkaas ku xanibnaa Muddo sacaado, iyadoo markii dambe la sii daayey Sida uu saxansaxo u sheegay Ismaaciil intii aanu ka dhoofin Garoonka Hargeysa, balse waxa uu sheegay in Markii dambe lala hadlay Madaxtooyada oo loo soo celiyey Alaabtiisi iyo wixii kale ee uu sitay.

Ismaaciil oo arrinta ka hadlayaana wuxu yidhi ” Waxan tagay 9:30 garoonka diyaaradaha Hargeysa anigoo doonayey inaan gaadho reerkaygii oo degan Dalka Sweden, markiii aan gudaha garoonka diyaaradaha ayaa Saraakiisha waaxda socdaalk waxa ay iga qaadeen Passportkii iyo Dikumentiyo wixi aan sitay, markii aan waydiiyey sababta iyo waxa laga rabo, iyo wcida bixisay amarka qabashadayda waxay ii sheegeen in laga soo bixiyey dhinaca Taliska Sirdoonka kadibna waxaan la xidhiidhay madaxtooyada oo aan u sheegay in aan ku xanibanahay garoonka Diyaaradha ee Caasimada Hargeysa, xooga kadib ayaa lala soo hadlay laanta socdaalka ee Madaarka waxaanay ii soo celiyeen Basbasoorkii iyo alaabtii kale ee ay iga qaadeen, iyagoo ii sheegay in laga hadlay dhinaca Madaxtooyada.

Ismaaciil Muuse Nuur waxa kale oo uu intaas ku daray in waxyar kadib ay ciidamada Booliska ee Madaarku ay mar labaad ka qaadeen Baasaboorkii, Markii la ii geeyey taliyaha Saldhiga Madaarka ee aan waydiiyey sababta keentay in mar labaad laga qaado Baasboorka waxa uu ii sheegay in Amaar laga soo siiyey Taliska sare ee Booliska, Blase cabaar markii lagu hayey saldhiga Madaarka ayaa amar dambe la soo bioxiyey ka bacdina Baasaboorkii iyo wixii kale ee laga qaaday ayaa losoo celiyey, waxaanu sheegay Ismaaciil Muuse Nuur in aanu fahmin sababta ka dambeysa xanibaadiisa isla markaana aan oo sheegin ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa qabashadiisa.

waa masuulkii u horeeyey ee ka tirsan xubnaha ka ccasilay xilkii koomishanka doorashooyinka oo ay ciidamada Boolisku iyo laanta Socdaalka ee Madaarka Hargeysa ay ku xanibaan isla markaana Baasaboorkii iyo Dukumentiyadii laga qaaday, in door ahna ku xanibnaa Bartaas. Balse markii amar ka yimid Madaxtooyada lagu sii daayey sidaasna uu kaga dhoofay dalka Somaliland

Saxansaxo

No comments:

Post a Comment