Monday 5 October 2009

DABAALDAGII CHELSEA NAXDINTII REAL MEDRID IYO DHIRBAAXADII JUVENTUS.

DABAALDAGII CHELSEA NAXDINTII REAL MEDRID IYO DHIRBAAXADII JUVENTUS.

Dabaaldagii Chelsea naxdintii real medrid iyo dhirbaaxadii Juventus

Waxaa xalay laga ciyaaray wadamada England spain iyo italy ciyaaro badan oo kamid ah horayaalada k wadamadaas wadanka England waxaa xalay laciyaaray ciyaar aad uxiisobadnayd oo isku arkeen kooxaha Chelsea iyo Liverpool badaasi kooxood oo ah kooxaha ugu waaweyn wadankaasi ayaa xalay waxay kuwada ciyaareen stadium staford bridge ciyaartaas oo ahayd ciyaar aan caadi hayn ayaa waxay kubilaabatay jawig caadi ah ciyaarta qaybtii hore waxba lama kala dhalin waxaana lagu kala nastay goalal la,aan 15 daqiiqo ee nasashada kadib ayaa ciyaartii laysugu soolaabtay qaybtii dambe ee ciyaartu.

Waxaa Chelsea goal udhaliyey laacibka reer franca Nicolas Anelka oo cayaartii kagadhgey goal iyo ebari markaasi kadib ayey ciyaartii kululaatay waxaana weerar aan caadi ahay soo qaaday Liverpool laakiinse may usuurta galin inay goalka barbar dhaca keenaan markii ay dhamaantay wakhtigiiiiii logu tala galay ciyaarta ayaa waxaa lagu daray 3 daqiiqo sedexdii daqiiqo markii ay labo tageen waxaa goalkii quus gownta Liverpool ka dhaliyey Florent Malouda intaasi kadib Liverpool cagaha ayey dhulka kujiideen oo way quusteen the blues waxaa urumowday riyadoodii ahayd inay hogaanka uqabtaan priemer maadaama habeen hore ay man utd drow gashay macalin carlos ancalotti waxa uu layim koox aad u habaysan isuna dheelitiran oo ay afka hore wada jir u daadihinayaan drogba anelka iyo maluoda dhex uu maamulkeeda leeyahay frank lampard iyo ballack iyo difaac uu laf dhabar u yahay captain leader john terry

Ilaa hada lama saadaalin karo inay Chelsea kuguuleysan karto horyaalka wadankaas.

Naxdintii real medrid

Waxaa xalay iyana ciyaaray kooxah sevilla iyo real ciyaartaas oo kamid ahay horyaalka wadan spanishka ahayd ciyaar aad uxiiso badan ciyaarsaa ayaa layaab kunoqtay real kadib markii laba iyo goal laga badiyey real ayaa dadaal ugu jirta sidii ay hanan lahayd horyaalka la ligaha kadib markii bilowgii sanadkan lagu kiciyey sunaami dabaylo wata guuldarandan kudhanday real ayaa ah chance oo ay heysato barc.

Dhirbaaxadii kudhacaday juventus

waxaa si lama filaan ah iyana dhirbaaxo ugudhacayday juventus kadib markii lagaga adkaaday laba ebar oo ay kaga adkaatay Palermo oo marti ahaa juventus ayaa hada waxaa kumid hoos udhac dhanka ciyaartooyadaa waayo juva la`ma mid ah kooxaha kale ee wadankaasi marka loo eego dhanka ciyaartooyada inkatoo ay joogaan ciyaartooyo fiiciinay hadan layslama mee dhigi karo kooxada inter oo kale

REPOTERED BY :

ABDILAHI ALI AIDED (RAAXEEYE)

EAMIL himilo1988@hotmail.com

Burao somaliland

Bahda T I T C journalism Group

No comments:

Post a Comment