Sunday 11 October 2009

ADDUUNKA AMA KOWNKA (QAYBTII 4AAD)W/Q: SAED IBRAHIM HUSSEIN

ADDUUNKA AMA KOWNKA (QAYBTII 4AAD)W/Q: SAED IBRAHIM HUSSEIN

K8 Ball GlobeAdduunka ama Kownka(Qaybtii 4aad)

Xidhiidhka iyo Xuquuqda

Alle subxaana watacaalaa wuxuu u sameeyey Uumiyaha cilaaqo iyo xidhiidh ka dhexeeya,oo midba midka kale la wadaago,haddaba bini’aadamka oo illaahay ka fadilay makhluuqaadka intiisa kale aynu soo qaadano xuquuqda iyo xidhiidhka:

Qofka iyo Illaahiisa abuuray:Qofka waxa uu la leeyahay Allihii abuuray xidhiidh iyo cilaaqo,ahna inuu guto oo ka soo baxo waajibaadka Alle faray, gartana waxa loo abuuray inay tahay oo keliya inuu Alle caadudo,Allena wuxuu u diyaariyey bini’aadamka waxkastoo daboolaya baahidiisa si uu ugu guto waajibkaa cibaadada wejiga ugu wanaagsan,markaa waa inuu illaahay u caabudo sidii oo uu arkayo,haddaanu isagu arkayn Alle ayaa arkaya’e:

الإحسان: “أن تعبد الله كأنك تراه، فإن لم تكن تراه فإنه يراك‏”

Allaahu Akbar Eebbow

Amaan badanihiiyow

Kii ku arkayow Eebbow

Isna aan la arag Eebbow

Uurkayaga waxa jira

Adigaa arkaayoo

Adigaa Aqoon u leh

Adigaa og keligaa

Adigaa og keligaa

Kuwii amarkaaga raacee

Ku adeeca naga yeel

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee wuxu yidhi xaqa Alle ku leeyahay addoomadiisa waa inay caabudaan,xaqa addoonnaduna markaa waa in aan Alle cadaabin mar hadday caabudeen:

حق الله على عباده أن يعبدون … قال: حق العباد على الله أن لا يعذبهم

Cibaadada ninkii xoojiyee camalfalkeed raaca

Ciiddan intuu ku sii baaqi yahay waa casiis mudane

Cimriguna markuu go’o jannuu cidhifsanaayaaye

Cidda Eebbe qudha ka cabsataa way cuddoontahaye

Kalsoonidu inay camiri waa caadla’aan sugane

Ciddi wax le’eg iyo cad weeyn caadil baa qoraye

Ninna Calafkii inaanu celin karayn waa caddaan sugane

Nafta ciirsataa Allaha way cadho go’aysaaye

Casumaad ninkii isu fidshee cabbaya khayraadka

Cawadii timaadaba eega camalkiisa

Cisho iyo ayaan caadilkii janno ka dhawraaya

Ceesh xalaala inuu quuto oo caafimaad helayo

Cindigiisa wuxu ka helo ama calmasho taaggeedda

Cilmigay diintu qabto iyo sharciga cayntiisa

Caado inuu ka yeeshaa caqligu siiyaaye

Cuqdad iyo colaad iyo weji cabuusnaanta

Cilaaqoba ma ay laha oo isuma cayntaane

Ciil iyo xumaan isma arkaan wax la collaystaaye

Cabashiyo canaan midnaba iskuma ciilkaambiyo’e

Cuqdadli’ida waxawgu wacan waa cibaadada’e

Cadhali’ida waxawgu wacan waa cabsida Eebbaha’e

Codka hadalka Ciirsiga indhaha Cagaha socodkooda

Caqligiyo qalbiga iyo dhamaan wixii cindiga taabaaya

Camalkana meeleeya ee caynka u adkeeya

Caadilkood hadday magansadaan caafimaad hele’e

Cisi iyo wanaag bay ku cuni labada daaroode

Xuquuqda Qofka iyo Naftiisa

Qofka waxa naftiisu ku leedahay xuquuq gaar ah oo ay waajib tahay inuu ilaaliyo.

Waxay naftu waajib u leedahay inaad u oofiso fulinta daacadda illaahay ama adeecista amarrada Eebbe,oo siisid carrabka xaqiisa oo wax khayr leh mooyee aanad wax kale ku dhawaaqin,in Maqalka iyo Dhegaha aad xaqooda siiso oo ku dhegaysato wax Alle ka raalli yahay keliya,sidoo kale Aragga iyo isha waa inaad ilaalisaa oo aanad ku eegin wax aan bannaanayn,Gacanta waa in waxaad ku qabanayso ama ku qaadaysaa ahaadaan wax u bannaan,sidoo kale Addimadaada waa inaad xaqooda siisaa oo aanad ku marin meel mamnuuc ah oo denbi laga kasbanayo,Calooshaada waa inaad xaqeeda siisaa oo aad ka ilaaliso inaad geliso wax xaaraan ah oon bannaanayn,Farjiga (habdhiska tarankaaga)waa inaad ka ilaaliso denbiga oo ku illaaliso sharciga iyo xeerka Alle u dhigay,waana inaad Alle talo saarato oo kaalmaysato si aad arrinkaa ugu guulaysato,waxa dhacaysa maalinta qiyaamaha in xubnahaa jidhka ee aynu soo sheegnay hadlayaan oo mid kasti marag furayo oo sheegayo hawshii lagu fuliyey:

اليوم نختم على أفواههم وتكلمنا أيديهم وتشهد أرجلهم بما كانوا يكسبون.(يس)

Aayadda macneheedu waa Maanta waannu daboolaynaa oo xidhaynaa dadka Afafkooda waxannuna ka hadlisiinaynaa gacmohooda oo lugohoodu waxay ku marag furayaan waxay samaynayeen ee kasbanayeen.

Qofka waxa loo baahan yahay inuu ilaaliyo xaqa naftiisu ku leedahay oo ah inay hesho baahideeda u suurtagelinaysa inuu u guto waajibaadka laga rabo ee dartii loo abuuray sida ugu fiican ee ugu habboon taasoo ku imanaysa in aqoon iyo cilmi naftu hesho oo garato waxa la faray iyo waxa laga reebay,sidoo kale baahideeda kale sida quudka iyo cuntada iyo nasashada iyo raaxada sida hurdada iyo marka da’du gaadho waqti guur,waxyaalahaas oo dhami waxay suurtagelinayaan gudashada waajibaadka oo loo guto dariiqo wanaagsan,waa inuu qofku ugu dadaalaa naftiisa inuu gaadhsiiyo derejooyin sare oo ay ka gaadho abaalgudka iyo jannada loo shaqaysanayo:

وَابْتَغِ فِيمَا آتَاكَ اللَّهُ الدَّارَ الآخِرَةَ وَلا تَنسَ نَصِيبَكَ مِنَ الدُّنْيَا وَأَحْسِنْ كَمَا أَحْسَنَ اللَّهُ إِلَيْكَ وَلا تَبْغِ الْفَسَادَ فِي الأَرْضِ إِنَّ اللَّهَ لا يُحِبُّ الْمُفْسِدِينَ(القصص)

Aayadda macneheedu waxay leedahay Ku kasbo oo ku raadso waxa Alle ku siiyo sidaad daarta aakhiro ugu guulaysan lahayd oo sadaqada bixi,dadka caawi,wixii khayr ah ee aad qaban karto awooddaada qabo,hana illaabin nasiibkaaga adduunyada,oo u samee wanaagga sida Alle wanaagga kuugu sameeyey,oo Arlada ha ku samayn fasaad,Alle ma jecla kuwa mufsidiinta ah ee wax fasaadiya’e.

Fiiro gaara ah:marka Aayaddu ku leedahay ha illaawin nasiibkaaga adduunka waxa weeye in baahida nafta xagga cuntada iyo cabbidda,nasashada sida hurdada iyo baahiyeheeda kale eek u xadaysan waxa Alle u banneeyey waa inaad nafta u samaysaa si ay u hesho awood iyo diyaargaraw ay ku fuliso ujeeddada loo abuuray ee ah caabudaada Eebbe,ganacsiga iyo shaqaysiga waa wax kaa caawinaya inaad cibaadada u gudato sida ugu wanaagsan dadka kalena ku taageerto gudashadaas oo ku caawiso.

Xuquuqda Qofka iyo Dadka kale

Dadka kale Qofku wuxu la leeyahay cilaaqo iyo xuquuq go’an oo mid kasti leedahay waajibaad iyo dariiq loo raaco oo loo guto:

Waalidka

Waalidka waxa la isku yidhaahdaa Aabbaha iyo Hooyada iyo iyaga waalidkooda iyo walaalohood iyo dadkay is xigaan ee isu dhow yihiin,dhamaan waxay kugu leeyihiin ixtiraam iyo qaderin,waxay kugu leeyihiin inaad hadalkooda maqasho oo aad qaadato taladooda,inaad ka ducaysato oo markasta u dhibirsanaato,Diinta Islaamku waxay aad innoogu boorrisey oo inoogu adkaysay Waalidka iyo inaynu u ixsaan samayno,waxa in badan Illaahay ku lamaaniyey sheegista Waalidka cibaadadiisa:

وَقَضَى رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِنْدَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلاهُمَا فَلا تَقُلْ لَهُمَا أُفٍّ وَلا تَنْهَرْهُمَا وَقُلْ لَهُمَا قَوْلاً كَرِيماً” ( الإسراء)

Aayaddu waxay odhanaysaa Alle wuxu waajib yeelay inaan isaga mooyee cid kale la caabudin oo Waalidka loo sameeyo ixsaan,haddii mid waalidka ka mid ah ama labaduba uu da’ ku gaadho agtaada(yacni aad nolol ku soo gaadho),ha ku odhanin hadal xun(sida uf) hana dhibin oo ku dheh hadal wanaagsan.

Waxaynu wada ognahay in qofka waalidkiisa ka ducaystaa inuu liibaanayo oo Alle dariiqa u iftiiminayo,qofka kalena Soomaalidu waxay yidhaahdaan habaar waalid buu qabaa,waana wax Alle laga magan galo,mar kasta waalidka ka farxi oo ka ducayso uguna dadaal si hagar la’an ah:

Waa hiddahan raacoo

Waa hoyga barashada

Aan ku hanaqaadee

Ma hilmaami karayoo

Waa halbawlahaygiyo

Xididka dhiigga habayee

Hirashada kalgacalkiyo

Hammigayga weeyoo

Harraadkayga tirayee

Haddaan heli karaayana

Hadwalbaba jeclaadaa

Hortayda inay joogaan

Hadalkooda maqashoo

Hiyigaaga dejiyaan

Habbi kaa sameeyaan

Waa hooska noloshoo

Hadhka aad ku nasatoo

Ku hoggaaminaayee

Waa ruuxaa ku hagayoo

Hanuunkii illaahiyo

Janno kuu horseedee

Allahayow hataaq iyo

Habaar waalid iga hay

Haye mooye maan odhan

Hiif wax laga dareemee

Allaa igu hanuuniyey

Hilin toosan oo sax ah

Haybad waxan ku leeyay

Hibadiyo ayaankaba

Waalidkaa had iyo jeer

Ii hibeeya duco oo

Intaa ila horjoogee

Hagarli’i wanaag iyo

Hiil iyo hooba ila wada

Allow ifka is hanannee

Aakhirona jannadii na wada hooy

Xuquuqda Walaalaha ka dhexeeya

Walaaluhu waa laba nooc:Walaal uu Waalid idin wada dhalay iyo Walaal Alle dartii aad u walaalowdeen waana ka labada qaalisan illaahayna wuu sheegay in Muuminiintu walaalo yihiin:

(إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ )

Aayadda waxa Alle odhanayaa Muuniniintu waa Walaalo heshiisiiya labadiinna walaal oo Alle ka cabsada,waxa la arkaa in Alle idiin naxariisto’e.


عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله : “لا تحاسدوا، ولا تناجشوا، ولا تباغضوا، ولا تدابروا، ولا يبع بعضكم على بيع بعض، وكونوا عباد الله إخوانًا، المسلم أخو المسلم، لا يظلمه ولا يخذله ولا يحقره، التقوى هاهنا، ويشير إلى صدره ثلاث مرات، بحسب امرئ مسلم من الشرّ أن يحقر أخاه المسلم، كل المسلم على المسلم حرام، دمه، وماله، وعرضه”

Xadiiskan uu weriyey Abu hureyra wuxu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is xaasidina,ha isku eryina(sida ganacsiga iyo manfacada kale),ha iska cadhaysiinina,ha isu dhabar jeedinina,badhkiinna yaanu iibsan badhka kale wuxu doonayo inuu iibsado ahaada addoomada Alle ee walaalaha ah,Muslinku waa walaalka Muslinka kale,ma dulmiyo,ma hoojiyo,mana xaqiro,cabsidu waa halkan buu yidhi Rasuulku isagoo qalbigiisa farta ku tilmaamaya oo ku fiiqaya saddex jeer ayuu ku dhawaaqay,cabsidu waa halkaa,waxu yidhi Rasuulku waxa qofka muslinka ah shar ugu filan inuu xaqiro walaalkiisa muslinka ah oo yaso,muslin kasta muslinka kale waa ka xaaraan dhiiggiisa iyo maalkiisa iyo sharaftiisu.

عن أنس رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تقاطعوا ولا تدابروا ولا تباغضوا ولا تحاسدوا وكونوا عباد الله إخوانا ولا يحل لمسلم أن يهجر أخاه فوق ثلاث

Xadiiskan uu weriyey Anas Alle ha ka raalli noqdee wuxu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:ha is goynina(xidhiidhka)

Hana isu cadhoonina,hana isxaasidina,oo ahaada Addoomadii illaahay ee walaalaha ah,uma xalaal aha qof muslin ah inuu cadho kaga maqnaado walaalkii wax ka badan saddex maalmood.

Walaalka waalidku idin wada dhalay waxa wadaagtaan dhaxalka oo waad isdhaxli kartaan dadka waalidka iyo ehelka ahna dhaxalkooda waad wadaagtaan,waxase qaali ah Walaal waalidku idin wada dhalay oo xadhiga Allena wada haysataan oo u gudanaysaan cibaadada Eebbe siduu idin amray,laakiin haddii walaalkaa aanu waajibka diineed ee Alla ka rabo la iman,walaalnimadiisu waa mid aan qiimo lahayn,walaalka aad Ifka isku taageersataan cibaadada Alle Aakhirona jannada ku rafiiqdaan ayaa qaali ah.

Xuquuqda Riximka iyo Ehelka(Qaraabada):

Alle isagaa korreeyee qofka wuxu ka abuuray Aabbe iyo Hooyo oo iyaguna sidoo kale waalid dhalay ka yimid:

وهو الذى خلق من الماء بشرا فجعله نسبا وصهرا وكان ربك قدير…(ءاية من سورة الفرقان)

Aayadda macneheheedu waa:(Alle) waa kii ka abuuray basharka biyo oo u yeelay nasab(xagga Aabbe) iyo sihir(xagga Hooyo/reer abti),labadaba waxa qofka ka saaran waajib ah ixtiraam iyo taageero ka horreysa dadka kale,haddii ay baahan yihiin,waxa loo baahan yahay in uu masaakiinta iyo dadka kale ka hor mariyo oo iyaga marka hore baahidooda daboolo,ka dib sadaqada dadka kale u gudbiyo.

واعبدوا الله ولا تشركوا به شيئا وبالوالدين إحسانا وبذي القربى واليتامى والمساكين والجار ذي القربى والجار الجنب والصاحب بالجنب(النساء)

Aayadda macneheedu waxa weeye:Alle caabuda hana u shariig yeelina,Waalidkana ixsaan iyo wanaag u fala iyo dadka Qaraabada kuu ah iyo Agoonta iyo Masaakiinta iyo Jaarka ama Jiiraankaaga kuu dhow iyo Saaxiibkaaga jenbigaaga ah(saaxiibka culimada qaar waxay ku fasiraan cidda aad isu dhaxdeen eed is qabtaan).

عن أنس رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم :
(من أحب أن يبسط له في رزقه ، وينسأ له في أثره ، فليصل رحمه) . رواه البخاري

Xadiiskan uu weriyey Abu hureyra wuxu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi:Qofkii jecel in Alle risiqa u waasiciyo oo u badiyo,oo ka dhigo mid waxter leh oo raad leh,ha xidhiidhiyo riximkiisa.

Qofku waa inuu ehelka iyo riximka khayr ugu gargaaraa ee aanu denbi iyo hiil eexeed ugu gargaarin.

Xuquuqda labada isqaba(Sayga iyo Oorida/Sawjka iyo Sawjadda)

Waxay laba qof ee isqaba ee nolosha wadaagaa isku leeyihiin xuquuq iyo masuuliyado badan tusaale ninka waxa waajib ku ah meherkii iyo masruufkii iyo meeshee haweenaydu degi lahayd iyo qaybta kale ee nolosha oo ah cadaalad samaynta haddii ay dumarku mid ka badan yihiin,dhibirsanaan iyo u debecsanaan xagga dhaqanka iyo tixgelinta iyo ixtiraamka,iyo ilaalinta dareenkeeda oo mar kasta raalli gelinteeda falo.

قال تعالى : ( وعاشروهن بالمعروف ) النساء

Aayadda waxa weeye: ula tacaamula oo ula dhaqma dumarka si wanaagsan.

Oorida ama Sawjadda waxa waajib ku ah inay ninkeeda adeecdo oo maqasho uguna dadaasho inay ka caawiso waxa u suurtagelinaya gudashada cibaadada Eebbe oo ay iska kaashadaan oo Ooridu waa inay ahaataa raaliyo.

Dadka kale mid kasti gaar ayuu ixtiraam iyo kuugu leeyahay ku kaalmayn waxaad ku taageeri karto oo dhan aqoon iyo talo iyo tusaale iyo mid waxtar ah sida maal oo kale lana jeclaato khayr iyo wanaag oo u ducayso mar kasta

Waxa jirta in Jaarka ama Derisku leeyahay xuquuq aad u qiimo badan :

وعن أبي شريح الكعبي أن النبي صلى اللَّه عليه وسلم قال “من كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليقل خيراً أو ليصمت، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم جاره، ومن كان يؤمن بالله واليوم الآخر فليكرم ضيفه جائزته يوم وليلة، والضيافة ثلاثة أيام وما كان بعد ذلك فهو صدقة”

Abu shurayx waxa laga weriyey inuu Nebigu nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee yidhi: kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey ha yidhaahdo khayr ama hayska aamuso, kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey ha karaameeyo(ixtiraamo) jaarkiisa, kii Alle iyo Qiyaamaha rumeeyey ha karaameeyo martidiisa….

Uumiyaha kale iyo kownka waa inaad ku fekertaa oo ku xusuusataa awoodda Alle oo isagaa Alle nasahane ogaataa in Alle u abuuray koonkan xaq iyo ujeeddo sugan:

“ويتفكرون في خلق السموات والأرض ربنا ما خلقت هذا باطلاً سبحانك فقنا عذاب النار”( آل عمران)

Aayadda:waxay ku fekereyaan abuurta Samooyinka iyo Arlada oo odhanayaan Rabbiyow umaad abuurin baadilnimo adigaa nasahane naga badbaadi naarta.

Qofka muslinka ahi waa inuu ilaaliyaa xuquuqda iyo waajibaadka lagu leeyahay oo u gutaa sida ugu habboon ee uu awoodi karo,waana inuu u naxariistaa cidduu ka awood ama xoog roon yahay dhamaantood.

Alle hayna waafajiyo inaan la nimaadno xuquuqda sida ugu sarraysa Aamiin

Saeed Ibraahim Hussein

As/w/w


No comments:

Post a Comment