Thursday 8 October 2009

XISBIGA KULMIYE OO XUBIN HAWEENAY AH OO KA TIRSAN GUDIDA FULINTA EE XIBIGAASI U SOO DOORTAY KIMISHANKA SOMALILAND.

XISBIGA KULMIYE OO XUBIN HAWEENAY AH OO KA TIRSAN GUDIDA FULINTA EE XIBIGAASI U SOO DOORTAY KIMISHANKA SOMALILAND.

Xisbiga Siyaasiga ah ee Kulmiye ayaa la sheegay inuu si rasmiya shalay ugu gudbiyay Madaxweyne Rayaale xubinta cusub ee uu u soo magacaabay inay ka mid noqoto todobada xubnood ee loo soo xulayo Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Ilhaan Max’ed Jaamac oo ah gabadha kaliya ee ka mid noqon doonta xubnaha Komishanka inta ilaa hada la ogsoon yahay ayaa xisbigu u xulay inay ka mid noqoto xubnaha cusub ee ay hogaamiyayaasha axsaabtu isla qaateen in lagu bedelo Komishankii hore ee dhawaan iscasilay ee uu Madaxweyne Rayaalena ka aqbalay iscasilaadooda.
Gabadhan xisbiga Kulmiye u xushay inay ka mid noqoto todobada xubnood ee la filayo inay noqdaan guddida hagi doonta hawlaha Doorashooyinka marka la isku soo dhamaystiro ayaa ah xubin firfircoon oo ka tirsan xisbigaasi, waxaanay ka soo qabatay Xisbiga xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Golihii dhexe ee hore xisbiga Kulmiye isla markaana ay noqotay xoghayihii ugu awooda badnayd Guddidii qabanqaabada ee Shirweynihii labaad ee Xisbiga Kulmiye ee ka dhacay Hotelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa.
Ilhaan Max’ed Jaamac waa aqoonyahanad kaalin weyn ka qaadatay dhismaha Xisbiga ilaa hadana waxay ka mid tahay hormoodka xisbiga oo ay ku jirto Guddidiisa fulinta iyo Golihiisa dhexeba oo ay ku soo gashay 20 xubnood oo haween ah, oo Xisbigu koote u siiyay Dumarka sida ku cad liiska Guddida fulinta ee kulmiye oo kala ah:
Magaca Xilka
1- Dr, Maxamed C/laahi Cumar Xoghayaha Arimaha Dibada.
2- Maxamed Cabdi Iskeerse Xoghayaha Maaliyada.
3- Axmed Xaashi Oday Xogahaya Khayraadka.
4- Maxamed Muuse Abees Xoghayaha Arimaha Gudaha.
5- Dr, Cabdi Aw Daahir Cali Xoghayaha Arimaha Bulshada.
6- Maxamed Kaahin Axmed Xoghayaha Difaaca iyo Nabada.
7- C/kariin Axmed Maxamed Xoghayaha Abaabulka iyo Wacyi-gelinta.
8- Xuseen Axmed Caydiid Xoghayaha Cadaalada.
9- Canab Cumar Ileeye Xoghayaha Arimaha Haweenka.
10- Cali Ibraahim (Tamaandho) Xoghayaha Dhalinyarada.
11- C/raxmaan Aw Cali Faarax Xoghayaha Xidhiidhka Golayaasha Qaranka.
12- C/laahi Xuseen Cige
13- Faysal Cali Sheekh
14- Maxamed Xasan Jidhif
15- Ibraahim C/laahi Xuseen Dhega-weyne
16- Axmed Cabdi Dheere
17- Dr Carabeyto
18- Dr, Xuseen Maxamed (Xuseen Xoog)
19- Dr, Yusuf Xirsi Galow
20- Cali Siciid Reygal
21- Axmed Cilmi Bare
22- Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal
23-Ilhaan Maxamed Jaamac
24- C/laahi Ismaaciil
25- Baashe Yuusuf Axmed
26- Axmed Xaaji Cali Cadami
27-Prof Ismaaciil Muumin Aare
28-Cali Cabdi Saadiq
29- Cabdi Siciid Faahiye

Ilhaam Max’ed Jaamac waa xubintii saddexaad ee Xisbiga Kulmiye u Magacaabo jagadan ee ka soo jeeda Beesha Guddoomiyaha Xisbiga,oo labadii xubnood ee ka horeeyay midkood uu iscasilay waa Xirsi Caliye, kii lagu bedelayna oo ahaa Cali Biikalo ay Xisbiga iskaga horyimaadaan aragtidii markii hore uu Xisbigu u soo xushay ee ahayd inuu difaaco danaha Xisbiga ee Komishanka taasoo sababtay inuu Xisbigu taageero eriga xubnihii hore ee Komishanka.
Arrintani waxay meel ka dhac ku tahay xeerka Doorashooyinka Xeer No: 20. oo si cad u qeexaya xubinimada Guddida Doorashooyinka, waxaana laga yaabaa inay carqalad ku noqoto heshiiskii axsaabtu dhawaan qaadatay oo aan ilaa hada suurto galin, waxaana arrintan xilkeeda leh Golaha Wakiiladda oo ay awoodiisa Distooriga ah tahay inuu waafajiyo sharciga ka hor intaanay ansixin

No comments:

Post a Comment