Thursday 8 October 2009

JAMICADA AL-AZHAR OO LAGA MAMNUUCAY INDHA SHAREERKA HABLAHA QAATA

JAMICADA AL-AZHAR OO LAGA MAMNUUCAY INDHA SHAREERKA HABLAHA QAATA

INDHO SHAREERYARJaamacada Al Azhar ee dalka Masar ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay mamnuuctahay in haweenka ay qaataan Indho-Shareerka, xiliga ay ku sugan yihiin Jaamacada iyo Fasalada casharada ay ku qaataan.

Shiikh Maxamed Sayid Dandaawi oo ah Maamulka guud ee Jamaacadda Al-Azhar ee dalka Masar, waxa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in aanay meelnaba ka soo galeyn shareecada islaamka in haweenka ay wajigooda ka dhiigaan cawro, isla markaana aan la ogolaan doonin in haweenka wajigooda daboolaan xiliga ay casharada ka dhiganayaan Jaamacada. Indho Shareerka oo ah mid ay haween badan oo Muslim ah qaataan, ayaa si xawaare leh uga soo kordheyey guud ahaan dalka Masar.

Waxaa durbaba soo baxaya dhaliiceymo ka imaanaya xisbiyada mucaaridka oo tilaabadan ku tilmaamay mid aan sharciga ku saleysneyn, isla markaana ka dhawaajiyey in arrintan ay qeyb ka tahay qorshe ay wadato dowlada Masar.

No comments:

Post a Comment