Thursday 8 October 2009

SULDAAN CUSUB OO SI LAMA ARAGTAY AH LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGALDA CEERIGAABO

SULDAAN CUSUB OO SI LAMA ARAGTAY AH LOOGU SOO DHAWEEYEY MAGALDA CEERIGAABO

Waxaa maanta soo gaadhay magaalo madaxda gobolka sanaag ee ceerigaabo oo si weyn loogu soo dhaweeye suldaan cusub oo ka mida salaadiinta reer somaliland suldaan maxamed Cumar Cali.

SULDAAN CIRAGABO1

Suldaanka ayaa lagaga hor tegey meel magaaalada Ceerigaabo ujirta 30km suldaanka oo ay soo dooratay beesha sacad yoonis oo kamida beelaha dega galbeedka gobolkaas, waxaanA suldaanka soo dhaweeyey kumanaan qof oo kamid shacabka magaalada Ceerigaabo dhalinyaro, haween, boqoro, cuuqaal, iyo dhammaan dad weynaha ku dhaqan Ceerigaabo.

Suldaanka ayaa la soo mariyey dhamman shaaracyada waaweyn magaalada Ceeigaabo iydoo laga dareemayey guud ahaan shaaracyada, dadka soo dhaweeynayey ayaa iyagu sitay ku xardhanaana caleemo qoyan qaar dadka kamida ayaa sacab la taag naa shaaracyada magaalada dadku si weyn u soo dhaweeyeen suldaankan cusub iyo weftidii lasocotay waxana markii danbe loo kuciyey qasrigii loogu talagalay oo uu suldaanku kula hadalay saxafada ama warfidiyeenada waxaana uu sheegay in uu xilka loo igmaday oo si wanaagsan uga soo baxayo waxaana usheegay inuu lashaqayn doono dhammaan madaxdhaqameedyada gobolka iyo bulshada halakaa ku dhaqan.

SUL0

Sikastaba ha ahaatee beesha Sacad Yoonis ayaa hore u soo caleemo saartay suldaan hore oo lagu magacaabo suldaan C/raxmaan Maxamed Cilmi (Riwaaye) oo caano shubkiisu ka dhacay degmada (oog) haatana soo gaadhay Ceerigaabo.

SUL1

Suldaanka ayaa socdaakliisan lagu tilmaamay mid uu ku booqaanyo xaalada dadka iyo degaanka ee Ceerigaabo iyadoo uu yahay Suldaankii u horeeyey ee qaab noocan loogu soo dhoweeyo magaalada Ceerigaabo.

Reported

wariye:C/naasir Khaalid Siciid

gobolka sanaag

Ceerigabo

776700

No comments:

Post a Comment