Saturday 10 October 2009

XAFLADII QARNIGA-MADAL LA ISKU ARKO TII UGU XIISAHA BADNAYD OO HARGEYSA KA DHACDAY IYO RIYAAQII KA QAYBGALAYAASHII “CADDO-LOOL”

XAFLADII QARNIGA-MADAL LA ISKU ARKO TII UGU XIISAHA BADNAYD OO HARGEYSA KA DHACDAY IYO RIYAAQII KA QAYBGALAYAASHII “CADDO-LOOL”

Akhriste, noolow tuwalba aad aragtide. Waxaan ka wadaa bal kawaran madal kulmisay Siyaasiyiinta Somaliland: waa madaxda asxaabta qaranka, masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, Ucid, iyo Udub, golayaashii qaranka,(Guurtida iyo Wakiilada), iyo xubno ka tirsan Golaha wasiirada. Marka aynu intaa aragno ama maqlno inay meel iskugu yimaadaan markaaba waxa quluubteena ku soo dhacda siyaasad iyo hadalo kulkulul oo la is waydaarsado isaga oo midba midka kale ku eryeyo.
Ha yeeshee!!! Waxa dhacday arin taa ka duwan. Markii ugu horaysay, guud ahaan geyiga Jamhuuriyada, gaar ahaana caasimada Hargeysa, waxay ahayd madal kulmisay dhamaan dadka aan kor ku soo sheegay iyo waliba haldoor kale oo reer Somaliland ah oo ka madhnayd Siyaasad haba yaraate. Waxay ahayd madal Caways oo murti iyo madadaalo leh.
Goobtu waa Hotel Imbeeriyaal, oo ku yaala jiddka wadnaha ee magaalada Hargeysa ee xaafada shacabka.

Waa cawysnimo Jimce ah oo jawigu roobanyahay, dadkuna ay ka fasax yihiin hawlihii shaqo iyo waliba waxbarasho. oo ay ku soo qulqulayaan madashaasi xiisaha iyo qiimaha gaarka ah wadatay. Munaasibadan fulinta hayda wadaniga ah ee HAVAYOCO ka sakow, waxay maskaxdiisa iyo maankiisa ka soo burqatay oo isku soo dubariday barnaamijkan sidana u soo abaabulay,Abwaan Ahmed Aw Gedi (Dheeraad) ,
Runtii waxa ay ahayd arin cusub oo dadka ka yaabisay islamarkaana xiiso badan galisay. Akhirste adiguba is waydii madal intaas oo siyaasiyiin ahi ay iskugu yimaadeen oo socotay mudo Shan saacadood ah oo aan hadana la soo hadal qaadan hal eray oo siyaasada. Rutnii waa arin la yaab iyo mahadho ku reebtay quluub badan oo madashaa ku sugnayd iyo qaar badan oo ka maqnaaba!!
Akhriste aan dib ugu noqono madashiiye, waxa habeenkaa barkhadeed barnaamijka hagayey oo hormood ka ahaa islamrkaana soo horfadhiyey dadweyaha sadex abwaan oo ka mid ah abwaanada waaweyn ee ree Somaliland: waa Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Ahmed aw geedi iyo Hurre Walanwal. Marka aan idinleeyahay dadweynha waxa ka mid ahaa oo habeenka la sinaa siyaasyiinta aan kor ku sheegay hadii qaar ka mid ah aan xuso magacaydooda waxa ka mid ahaa: Axmed Maxamuud Siilaanyo,Faysal Cali Waraabe,Maxamed Rashiid,Muuse Biixi,Cismaan Hindi,Cumar Jaamac,Cabdiraxmaan Cirro,Cabdicasiis Samaale,Sh Axmed Nuux furre ,Dr. Gaboose, iyo Qaar ka mid ah wasiir ku xigeenada xukuumada.

Madal kasta iyo xiisaheed iyo sidii la iskuguu soo duba ridee, habeenkaa waxa uu barnaamijku u badnaa Sugaan, Dhaqan,Madadaalo. Waxa xusid mudan in habeenkaa uu mawduuca jacaylku ahmiyada koobaad ka lahaa Barnaamijka.
Aayaadka Qur’aanka Kariimka ah kadib , waxa xaflada lagu bilaabmay Riwaayad la magac baxday Isma jale oo uu curiyay Abwaan Axmed Aw Geedi. Waxay ahayd ruwaayad xiiso badan oo xambaarsanayd macno badan. Waxaanay Riwaayadu ku saabsanayd oday bakhal ah oo bakhaylnimo darted inantiisa raba inuu dugsiga ka saaro. Guud ahaan riwaayadu waxay ku saabsanayd in hablaha waxbarashada lagu dhiiri galiyo.
Riwaayada ka dibna, waxa la wareegay madasha Abwaan Hadraawi oo ka sheekeeyey islamarkaana akhris iyo sharaxaad dheer ka bixiyey gebaygiisii xiisaha iyo xulashada gaarka ah watay ee “Jacayl Dhiig Malagu Qoray”. Yaaslaam! intii uu Maansadaa waday Hadraawi Caruur iyo ciroolaba wax is dhaqaajiya waa la waayey. Hadraawi waxa uu xusay in maansadaasi ay ku dhelatay 1972kii isaga oo jooga magaalada Muqdisho ee caasimadii dalkii la isku odhan jiray Somaliya. Waxa uu sheegay in uu marka joogay guriga Xaliimo Khaliif (Magool)
Waxaanu akhrinayay warqad uu u Magool u soo diray nin reer Sudaan ah oo jeclaa iyada. Hadraawi markii uu dhameeyey akhrinta warqadii ayaa waxa xagga hoose warqada ku qornaa “ khadka cas ee warqadan ku qoran maaha qalin balse waa dhiig aan kasoo shubay xididka gacantayda bidix” . Warqadani abwaanka way ka yaabisay. Si uuga yaabiyo ninkaasna, abwaanku waxa uu curiyay heestan oo uu ku sharaxayo dhacdooyin jacayl oo ka yaab badan kuwa ku dhacay Suudaaniga. .
Inta kadib, Waxa madasha loo furay Siyaasiinta oo loogu talo galay inay Su’aalo waydiiyaan Abwaanada:
Maxamed Rashiid Sh Xasan,oo ah murashaxa madaxwayne ku xigeenka ee xisbiga UCID, ayaa markan qaataay hadalka. Waxa sacab iyo qosol markaliya ku dhuftay dadwaynaha ka soo qayb galay ka dib markii uu siyaasigu qirtay inuu jeclaaday inan Talyaaniyada ah isagoo jooga talyaaniga, isla markaana gabayg uu inantaas u tiriyay dadka hortooda ka yeedhiyay!
Dadka ayaa sacab isku daray markii magaca Faysal Cali waraabi, gudoomiyaha xisbiga UCID loogu yeedhay inuu microfoonka ku soo dhawaado. Engineerka ayaa dabadeed qabsaday microfoonka isagoo qoslaya. “Runtii, jacayl wuu isoo maray. Waxaan anigoo ruushka jooga jeclaaday gabadh reer Poland ah” ayuu hadalkiisa ku bilaabmay Faysal.
Mar la waydiiyey Faysal heesta uu ugu jeclyahay waxa uu sheeg “inkasta oo aanan jeclayn heesaha aanan badankana dhegaysan hadana heesta Caashaqu Wadaad ma leh ayaan ugu jecelahay ”.
Ahmed Siilaanyo oo ka hadlay arimaha jacaylka ayaa yidhi “anigu maadaama aan ahay nin weyn oo awoowo ah ma jecli inaan mawduuca ka hadlo, se gabadhii aan jeclaana aayaan guursaday iminkana qabaa oo aan jecelahay, isla markaana ma ihii dadka bood booda”
Siyaasiyiinta kale ee qirtay jacayl inuu haleeley wax ka mid ahaa wasiirku xigeenka wasaarada ganacsiga.
Inta kadib, waxa su’aalo ayaa la waydiiyeye Hadraawi, siyaasiyiinta iyo Hurre walwal oo ay dhamaantood si qosol iyo xikmadi ku jirto uga jawaabay.
Markaad galaas ama fasal ku jirtaan Siilaanyo,Muuse Biixi iyo Faysal sideey kula ahaanlahaayeen?. Sidaa waxa hadalkiisa ku bilaabmay wiil magaciisa ku sheegay Cabdicasiis Yoonis oo sheegay inuu macalin yahay islamrkaan sheegay in uu ku soo saarayo ragas sida ay ahaanlahaayeen cilmi nafsi ahaan. Hadaan qiyaaso buu yidhi Muuse biixi wuxuu ahaa nin fasalka oo dhan ka danbeeyo oo laga baqo,Faysal waa nin furfurnan oo barnaamijyo badan oo ardayda marba dhan u kaxeeya mar idhaa tusaale ahaan inamariya Barbera dalxiis ugu baxnee mar waxan iyo waxan qabnee,Siilaanyana waa nin aamusan oo wax akhriya habeenkii wax soo akhriste subaxiina imaada iskuulka isaga oo aamusan oo casharkii soo akhriyey.
Intaa kadib, mid waliba uu qirtay sifayntaa lagu sheegay in ay wax ka jiraan iyada oo dadki madsha fadhiyey aad uga qoslisya oo qosal waxba la maqliwaayey.
Si kastaba ha ahaatee madashu waxay ahayd madal qiimo badan oo ilyartu is qabtay ahaydna madashii ugu xiisaha badnayd uguna horaysay nooceed oo lagu qabto Somaliland. Waxay ahayd madal ay ka soo qayb galayaashu soo dhaweeyeen oo xiiso iyo is dhexgalbadan reebtay. Waxay ahayd madal kaftan wadaag ah oo saxiibtinimo ku dheehantahay. Gabagabadii barnaamijka waxa duco iyo waano ku soo xidhay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee guurtida Sh Axmed Nuux Fure.


Guul iyo Gobanimo Waarta
Qalinkii Sahra-Kiin Cabdiraxmaan Axmed

Sahra873@hotmail.com

Freelance Journalist

Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment