Saturday 10 October 2009

ODAY WAA KA SIDA XAAJI CABDI WARAABE U TALIYA!!W/Q:ABDI SHOTALY

ODAY WAA KA SIDA XAAJI CABDI WARAABE U TALIYA!!W/Q:ABDI SHOTALY

c-waraabe

Oday-nimadu waa u dhalsho iyo maskaxdu ee maaha kimisteriga baan aqaanaa,aqoon-tuna maaha oo qudha waxa qalin iyo buuga lagu qoro ee waxa ka muhiimsan ta uu ilaah bixiyo ee aan haddii aan somaliland nahay ku soo caano maalay, taas oo ay ka talina-yeen odayaal uu rabbi ku manaystay miyir, degenaasho,xilkas-nimo, sama tlis-nimo, isu soo celin ay dadka isku soo dhaweeyaan, iyaka oo eegaaya wada jir-kooda in ay meel ku gaadhi karaan ee aanay weli-good isku deyin in ay sii kala faruur xidhaan oo la sii kala jeesto, oday waa oday, tusaale ahaan waxa idiinku filan go’aankii ay gaadheen golaha odayaashu siday laba kiniin ah u liqsiiyeen xamaasaddii jirtay ee markiiba ay xumaddii u jabatay, iyo gaadhii waalaa ee golaha xildhi-baanadu ay ayga kolba dhinac u toocsana-yeen sida ay wax ku ool u kala yihiin, oo u kala mudan yihiin, u kala anfac wacan yihiin, u kala khayr iyo barko lee-yihiin, u kala wanaag jecel yihiin, xumaanta uga kala dhiidhi-yaan, amase u kala belo doonsan yihiin, aan kuu raaciyo’e ma rumaysa-teen maah-maahddii ahayd nin yari waa nin ban soo ordaaya, odayna waa da’diis talis, oo marna-ba kuma tashado in uu qaxo, ee in halkiisa isaga oo nabad qaba uu tii al-le ku sugo buu wax walba ka door bidaa, ta x.cabdi waraabe-na waa taas ay mutrtidu sifaysay.
Ilaahay waxan ka baryayaa in ay qayb kasta, koox waliba, caalamka, ilma samatar, umada reer somaliland, somaliya, culimada iyo aan soo koobo’e in allaale inta uu ku dhuftay carabka ay qaataan waanada iyo tusaalaha oo uu bixiyey, weliba uu dadka reer somaliland u dhigo dhego dhaadheer, oo maqlaan, waayo arinka uu ku guubaabiyey waa nabadiina yaanay si yar oo doqoni ma garato ah faraha uga bixin, oo dad yari yaanay idinku shaqaysan kuu doono-ba ha noqdee, iska hubsada waxa la idiin sheegaayo, oo kal barta waxa la idinku khiyaamay-naayo, iyo waxa aad u baahan tihiin, maaha in uu kursi doon durbaan madhan oo uu beri kaaga tegi doono marka uu dantiisa kaa gaadho kuula yimaado, wuxu ku soo gabaga-beeyey x.cabdi, ana aan ku soo xidhay kala garo nin iyo geedakhristoow oo yaan seeftu kula tegin ee hubsiimo hal baa la siistaa.
Halka uu odaygu ka hadlayaa waa meel fog, oo aragti qoto dheer leh, waanada, tusaalada, dardaaranka, wayo’arag-nimada uu u lee-yahay waxa ay tahay nabadu iyo macaan-keeda, sida ay wax tarto ee loogu gaadho barwaaqo, beri samaad ama ay u anfacdo marka uu ku dhaqmo nabad ee xasilooni uu helo qofka bani’aadmaka ahi, waxa uu isla markaas ka digay oo uu si weyn uga hadaly, inagu adkeeyey in aan ilaashano calan-keena iyo dawladnima-deena, meela uga soo wada jeesano, wxan markaas lee-yahay ilaah hayna garan siiyo dulucda uu sida odaynimo iyowaayeel-nimoba uu inoogu kala dhig-dhigay, isaga oo danta umada iyo dalkaba kala dardaarmay in ay iska eegaan wixii xun ee wax inoo dhimaaya, yaan la noqon qadan ka bood ee ha lagu shukriyo laguna taamilo qaato, waxan ku soo koobay nin weyn baa reer ururiya oo garanaaya waxa uu yahay wanaaga iyo xumaantuba, colaadi waxay soo kordhiso, haddii aan waayo’araga la iska dhego tiro waxba ma hagaagaan ee aynu ka faa’iidaysano.
*N.B. Nin yari waa nin ban soo ordaaya,

shotaly_1

abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment