Saturday 10 October 2009

WAR DEG DEG AH: DEKADA BOOSAASO OO DAB KA KACAY IYO RASAAS KA DHACAYSA GUDAHA DEKEDA

WAR DEG DEG AH: DEKADA BOOSAASO OO DAB KA KACAY IYO RASAAS KA DHACAYSA GUDAHA DEKEDA

Published on: Oct 10, 2009 14:38

Dab xoogan ayaa goor dhoweyd ka kacay gudaha dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Dabkan oo illaa hadda socda ayaa bilawday abaare 2:00 duhurnimo waqtiga geeska Afrika, iyadoo wararka hordhaca ah ee ToggaHerer ay heleyso ay sheegayaan in dabku uu ka kacay mid ka mid ah doonyaha ku xiran dekeda.
Weli lama oga sababta rasmiga ah ee dabkan, waxaase suuragal ah in dabku uu saameeyo qeybo kale oo dekeda ka mid ah.
Waxaan sidoo kale la ogeyn in wax khasaare ah uu geystey dabka.
Dhinaca kale waxaa sii badanaya dadka faraha badan ee ku sii qulqulaya dekeda si ay u soo eegaan xaalada kuwaasi oo qaarkood yihiin ganacsato ay maraakiib uga degeysay dekeda.
Waxaana aad loo adkeeyey amaanka iyo rasaas xoogan oo isugu jirta qoryaha fudud iyo kuwa culus si isdaba joog ah ay u dheceyso, taasi oo u muuqata in dadka lagu kala ceyrinayo.

Baashe Maxamed

Boosaaso

rbc-dab0-225x300rbc-dab1-300x225rbc-dab2-300x225rbc-dab3-300x225

No comments:

Post a Comment