Wednesday 14 October 2009

Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu daray liiska mid ka mid ah Xulalka Qaarada Yurub

Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu daray liiska mid ka mid ah Xulalka Qaarada Yurub

Wiil yar oo Soomaali ah oo lagu daray liiska mid ka mid ah Xulalka Qaarada Yurub

wiil xulka aduunka lagu darayIslam Feruz oo ah wiil soomaaliyed oo 17-jir ah ayaa markii u horeysay looga yeeray Xulka Qaranka Scotland ciyaaryahanada ka hooseysa 17-ka sano, isagoo u ciyaara Kooxda Celtic ee heerka koowaad.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta dalka Scotland Gordon Smith ayaa ogolaaday in Ciyaaryahan Feruz lagu soo daro Xulka Qaranka Scotland, sida uu ogolaanayo sharciga cusub ee FIFA, kaasoo ciyaartoyda u ogolaanaya qofka heysta Baasaboorka in uu u ciyaaro karo dalka uu dhalashada ka heysto.

Ciyaaryahan Feruz ayaa isaga iyo waalidiintiisa waxay dalka Scotland ee Boqortooyada Britain ay soo gaareen 7-sano ka hor, waxayna ka yimaadeen Soomaaliya oo qaxooti ahaan isaga dhiibeen dalka Scotishka.

Kooxda Celtic oo ka mid ah Kooxaha ugu caansan Yurub ayaa ilaa iyo hada heshiis caalami ah la saxiixan ciyaaryahan Islam Feruz, hase yeeshee waxaa uu ka tirsan yahay, ciyaaryahanadeeda Junyerka.

“Tan iyo markii aniga iyo waalidiinteyda aan nimaanay dalka Scotland todobo sano ka hor, waxaan la kulanay soo dhoweyn fiican, waan ku faraxsanahay inaan ku noolaado Scotland waa dal weyn, hada waa gurigeyga waana ku faraxsanayay inaan xirto Funaanada ay ku ciyaarto Scotland”ayuu yiri Feruz oo la hadlayay mid ka mid ah Jariiradaha ka soo baxay Magaalada Glasgow ee Caasimada Scotland.

Feruz ayaa sidoo kale sheegay in shantii sano ee u dambeysay u ciyaariyay naadiga Junyerka Celtic, wuxuuna tilmaamay inuu u mahad celinayo tababarihiisa Ross Mathie oo taageero ku siiyay sidii uu fursadan qaaliga u heli lahaa, isagoo intaa ku daray in shaqo adag uu soo galay.

Madaxa Kooxda Junyerka Celtic Chris McCart ayaa suura geliyay in ciyaaryahankan Soomaaliga uu ka mid noqday xulka dalka Scotland ee da’dooda ka hooseyso 17-ka sano.

Ciyaaryahan Islam Feruz ayaa lagu wada ainuu safto kulan is reeb reebka Xulka Scotland ciyaari doono talaadada soo socda, kaas oo loogu soo bixi doono tartanka Xulka Qaramada Yurub ee da’dooda ka hooseyso 17-ka sano, kaasoo la qaban doono sanadkan 2010, waxaana uu safan doonaa ilaa 10-kulan oo is reeb reeb ah oo xulkiisa ugu soo baxayo tartankaas.
Waa ciyaaryahankii Soomaali looga yeero mid ka mid ah xulalka aduunka kuwooda qaarada Yurub, waxaana tani noqoneysaa mid Soomaalida yididiilo ah, maadaama wiil soomaaliyed u ciyaaro dal kale.

London

Hamse A Salaan

Hamse100@yahoo.com

No comments:

Post a Comment