Wednesday 14 October 2009

Burco : Ciidanka Ammanka Gobolka oo Gacanta ku dhigay 2 nin oo laga shakisanyahay iyo weliba walxo aad u tiro badan oo ah walxaha qarxa.

Burco : Ciidanka Ammanka Gobolka oo Gacanta ku dhigay 2 nin oo laga shakisanyahay iyo weliba walxo aad u tiro badan oo ah walxaha qarxa.

Burco : Ciidanka Ammanka Gobolka oo Gacanta ku dhigay 2 nin oo laga shakisanyahay iyo weliba walxo aad u tiro badan oo ah walxaha qarxa.news-icon_2

Burco :waxaa saaka lagu qabtay magaalada Burco 2 nin oo laga shakiyey isla markaasna mid ka mid ah labadaas nin Gurigiisa loogu tagay laguna jabiyey, iyadoo Guriga ninkaasi loogu tagay dhammaan waxyaabaha qarxa iyo qalabka la isku qarxiyo, iyadoo ninkaasi ay ciidan ka ammaanka ee Gobolku ay soo qabteen baadhis xoogan ka dib, 2 maalmood ka hor ayay ahayd markii laba nin ay u yimaaden sh.c/laahi daahir oo loo yaqaan sh.C/laahi Bashe oo ka mid ah Culimada sida weyn looga tix geliyo Gobolka isla markaasna ah Khadiibka Masjidka Madiina ee Indhadeero dhisay ee ku yaala badhtamaha magaalada Burco, Labadan Nin ayaa sheekha wax ka waydiiyey khudbad ama maxaadaro uu ka jeediyey Sheekhu masaajidkaas oo ka hadlaysay in dhiiga qof muslima oo la iska daadiya inuu xaaraam yahay, iyo in qof muslim ah lugaha iyo gacmaha loo gooyo waxyaabo raqiis ah ama si sahlan, isagoo sheekhu Gebi ahaanba Khudbadda ku soo qaatay arrimahaas iyo weliba Gaalaysiinta dadka Muslimka ah, hadaba sheekha oo ay khudbadiisaas wax ka waydiiyeen ayuu sheekhuna isku dayay inu ka qanciyo wax walba balse muran dheer kadib waxay labadii nin u gacan qaadeen Sheekhii iyagoo markaasi Budhadh ay siteen dabada u qabtay, halkaasna ku soo gaadhsiiyey Dhaawacyo dhinaca feedhaha iyo weliba gacan, isla markaasna sheekha halkaas laga qaaday isagoo dhaawaca , halka ay nimankanina baxsadeen.

HADABA baadhitaankan ay ciidamadu ku soo qabteen Nimankan ayaa ah mid aan wax rabashadihi ka dhicin iyadoo ay shacabku maamulka Gobolka aad ugala shaqeeyeen soo qabashada ninmankaasi, Hadaba sida uu shabakadda Toga herer u sheegay Badhasaabka Gobolka Jamac C/laahi Biin mar uu ka hadlayay arrintani ayaa wuxuu sheegay in ay wadaan baadhitaan xoogan isla markaasna aanay cidna ku tilmaamayn nimankan illaa ay ka xaqiijiyaan cidda ka danbaysay iyo cidda ay ka soo jeedaan.

Hadaba mar aan wax ka waydiinay badhasaabka Gobolka waxyaabaha ay ku soo qabteen waxa uu yidhi:
“waad aragtaan oo indhihiina ayaa idin caddaynaya waxaanu ku qabanay, Remote ka wax lagu hago waxyaabaha la isku qarxiyo, Miinoyinka laga sameyo saabuunta, kabaanada baabuurta , Baasuukayaal iyo weliba qalabka Electronic ka ee la isku xidh xidho”.

isku soo wada duuboo dhacdooyinkan la yaabka leh ee aan laga filaynin Gobol lagu tuhmo xasilooni ayaa ah mid dadweynaha reer Burco ay welwel weyn ka qaadeen iyadoo sheekada iyo hadal haynta u badan saaka magaalada Burco taallayna ay ahayd dhacdadaas iyo hawlgalka ay ciidamada ammaanku ku soo qabteen Nimankani.

Hadaba halka ay ku danbayso xaalada nimakan la qabtay iyo cadaymaha danbe ee ay ka bixiyaan maamulka Gobolku kala soco www.togaherer.com saacad walba.

Mustafe Osman A/rahman
Togaherer Burao S/land
Mustafe_480@hotmail.com

No comments:

Post a Comment