Wednesday 7 October 2009

WASIIRUDAWLAHA GASHAANDIGA DFKMG YUUSUF INDHCADE OO KUU XIRNAA DALKA UGANDHA OO LA SII DAAYEY

WASIIRUDAWLAHA GASHAANDIGA DFKMG YUUSUF INDHCADE OO KUU XIRNAA DALKA UGANDHA OO LA SII DAAYEY

Siday wararku sheegayaan wadanka Uganda ayaa sheegaya in la siidayay Wasiiru dawlihii dawlada kmg ah ee Soomaaliya Yuusuf Indhacadde oo Xalay ku baryey jeelka Magaalada Caasimada ah ee Kambala.

Afhayeen u hadley Ciidamada wadanka Uganda ayaa sheegay in dawlada Uganda ay siidaysay Saacado ka hor Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade), kaasi oo u xirnaa dawlada Uganda ciidankeeda Sirdoonka oo ka qabtey Magaalada Kambala xili uu soo galay wadankaas isagoo aan laga warhayn.

Wasiirudowlaha ayaa waxa xiray ciidamada Booliiska ee dalka Ugandha xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukaday Salaada cishaha masjidkaasi oo ku yaala xaafada Kisenyi oo ay Soomaalidu ku badantahay ayadoona xiliga Booliisku xirayeen wararka ay sheegayaan in uu gaarigiisi saarnaa islamarkaana gaariga ay ciidamadu kala degeen.

Afhayeenka ciidamada dalka Ugandha Col Felix Culayigye ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Wasiirudowlaha ay xireen ciidamada amaanka sababtuna ay ahayd ujeedadii uu u yimid oo aan cadeyn, laakiinse uu sheegay in baaritaan ku aadan ujeedada safarkiisa uu socday.

Yuusuf Maxamed Siyaad oo ay dadku ugu yeeraan Indhacade waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii dagaalka ee awooda kulahaa Koonfurta Soomaaliya, isagoona maamulayey gobolka kheyraadka badan ee Shabeelada hoose.

Waxaana uu kubiiray sanadkii 2006 Midowgii Maxkamadaha isagoona kamid ahaa xubnihii Dowlada Federaalka sida aadka ah ula dagaalamayey kana soo horjeeday joogista ciidamada shisheeye ee dowlada taageeraya.

Waxaana dowlada Ugandha oo talaabadan qaaday ayaa waxaa gudaha Soomaaliya ka jooga ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa Midowga Afrika.

Qaraxii lala beegsaday ciidamada AMISOM ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna dhinteen in badan oo kamid ah ciidamadaasi, ayuu horey uga hadlay Yusuf Indhacade oo sheegay in khaladka lahaayeen ciidamada AMISOM oo aan ka feejignaan cadowgooda, asagoo idaacadaha ka sheegay inuu si hoose ugu sheegay AMISOM khatarta kusoo aadaneyd ee uga imaaneysay dhinaca Al Shabaab.

indhacade
Axmed Kulan

Moqdisho

No comments:

Post a Comment