Wednesday 7 October 2009

GUDOOMIYAHA GUURTIDA OO SHAACA KA QAADAY INAY SOO MAGACAABEEN KOMISHANKA CUSUB IYO DAREEMO SAS LEH OO KA DHASHAY 2 XUBNOOD OO KA TIRSANAAN JIRAY NSS-T

GUDOOMIYAHA GUURTIDA OO SHAACA KA QAADAY INAY SOO MAGACAABEEN KOMISHANKA CUSUB IYO DAREEMO SAS LEH OO KA DHASHAY 2 XUBNOOD OO KA TIRSANAAN JIRAY NSS-TII SIYAAD BARE

Published on: Oct 7, 2009 15:00

Guddoomiyaha Guurtida Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Soo Magacaabeen Xubnahoodii Komishanka Cusub Iyo Dareemo Sas Leh Oo Ka Dhashay Labada Xubnood Oo Ka Tirsanaan Jiray Nss-Tii Siyaad Barre

Shirgudoon Ahaan Waanu Isku Raacsanahay Magacaabista Xubnaha Komishanka Cusub, Madaxweynaha Iyo Axsaabta Mucaaridkana Waxaanu Ugu Baaqaynaa Inay Soo Xulaan Xubno Tayo Leh” Gudoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan

Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa shaaca ka qaday in labadoodii xubnood ee Komishanka doorashooyinka cusub ay si rasmiya umagacaabeen, islamarkaana ay xalay u gudbiyeen Madaxweynaha, isagoo dhinaca kalena Madaxweyne Rayaale iyo hogaamiyeyaasha labada xisbi Mucaarid ugu baaqay inay soo magacaabaan xubno tayo leh oo dalka ka hirgeliya doorashadii Madaxtooyada.

Waxaanu sidoo kale meesha ka saaray in xubnahooda shirguddoonku aanay isku khilaafin xulistii magacaabista xubnahaasi oo uu sheegay in shirguddoonkoodu ay si wadajir ah u wada saxeexeen magacaabista xubnaha ay u igmadeen komishanka doorashooyinka.

Guddoomiye Saleebaan oo aanu xalay khadka Telephone-ka wax kaga weydiinay magacaabista xubnahoodii komishanka waxa ka jira in shirguddoonkoodu ay isu khilaafeen iyo waxa hortaagan soo magaabistooda, isagoo guddoomiyuhu arrinkaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa khilaafa oo shirguddoonkayagu ama is qabada oo aanu isku qabanay magacaabista komishanka cusub haba yaraatee ma jirto, labadii xubnood ee aanu u soo magacaabi jirnay komishankaana maanta ayaanu maanta (shalay) ayaanu magacawnay, magacaabistoodana shirguddoon ahaan waanu u dhamayn si wadajira ayaanu u wada saxeexnay arrinkaasina waa naga dhamaaday oo wax ka qabyo ahi ma jiro”

S. Madaxweynaha miyaad u gudbiseen xubnaha Komishanka aad magacawdeen?

J. Caawa (xalay) ayaanu u gudbinaynaa madaxweynaha xubnaha cusub ee komishanka

S. Ma noo sheegi kartaa magacyada labada xubnood ee aad magacawdeen?

J. Maya ma magac dhabayo.

S. Magacaabista xubnaha loo dooranayo komishanka waxa dhaliilo badan laydiinka soo jeedinayaa hay’adihiina soo magacaaba inaydaan ka fiirsanin xubnaha aad u magaabaysaan, taasina ay tahay arrimaha fashilyey komishankii hore ee guuldaraysatay ka dibna la kala diray, arrimahaasi sideed u aragtaa?

j. Hay’adahayaga soo magacaaba xubnaha komishanka sida madaxweynaha iyo axsaabta mucaaridka waxa muhiima inaanu soo magacawno komishan qaranka u adeega oo dalka iyo dadkana gadhsiin kara xilka doorashooyinkana ka fogaano in loo eego qabiil qof jeclasi iyo maslaxad gaar ah, balse ay muhiim tahay inaanu u eegno u adeega iyo u tudhista dalka iyo dadka waxaanan rajaynayaa inaanu ku wada camal fali doono xilka qaranka ee naga saaran soo magacaabida komishan doorasho oo dalka gaadhsiiya doorasho ku hirgasha xor iyo xalaal iyo xasilooni. Anagu umaanu eegin xubnahan aanu soo magacawnay beel iyo deegaano gaara, balse waxaanu u eegnay aqoon, ammaano xafid iyo xil gudashada wajibaadka hirgelinta doorashooyinka, hadaan si weyn looga fiirsan xulashada xubnaha komishanka doorashooyinka oo lo xil sarayo gudashada waajibaad qaran ma soo baxayo komishan xilkiisa ka soo baxa.

S. Labadii xubnood ee aad hore ugu magacawdeen komisahnka doorashooyinka la kala diray oo ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo bariga Sanaag hada labadan xubnood ee aad magacawdeen ma waxay ka soo jeedaan Awadal iyo Sanaag bari mise gobollada kale ee dalka ayay ka soo jeedaan?

J. (qosol) anagu beel iyo gobol gaara toona umaanu eegin xubnaha aanu magacawnay, balse waxaanu u eegnay xilka u adeega qaranka ee ka saaran xilka komishan ee aanu u magacawnay oo aanu u aragnay inay yihiin xubno ku haboon oo xilkaasi ka soo bixi kara. Gudoomiyaha golaha guurida Saleebaan Maxmuud Aadan oo ka cudur daartay inuu magac dhabo magacyada labada xubnood ee ay magacaabeen ayaa hadana waxay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in musharaxiin badan oo iyagu CV-yadooda u gudbiyey golaha guurtida maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa ka mid ah xubnahaasi loolanka ugu jiray labadaas jago xubno ka soo kala jeeday deegaanda Sanaag bari, Sool, Awdal, Saylac iyo gobolka Hargeysa waxana ka mid ahaa xubnahaasi codsiga musharaxnimo soo gudbistay sida wararka ku dhowdhow golaha guurtida ay tibaaxeen C/raxmaan Siciid Xuubay, Cali Cali, Cismaan Cabdi Cilmi, Axmed Xasan Coofle, Cabdi Siciid Faahiye, Cabdillaahi Xasan, Xasan Siciid Yuusuf iyo Cabdi Cali waxaanay ilo u dhowdhow shirgudoonka guurtidu ay noo tibaaxeen in labada xubnood ee shirgudoonka guurtidu ay magacaabeen ayaa ilo wareedyadu ay sheegayaan inay yihiin nin lagu magacaabo Xasan Siciid Yuusuf iyo Maxamed Cadaan weyne, waxaanay dad badani magacaabista xubnahan ay u arkeen mid baalmarsan heshiiskii lagu galay in komishan doorashooyin oo tayo leh la soo magacaabo, iyadoo ay dad badani u arkaan in magacaabista xubnahan ay ka soo horjeedo heshiiskii la iskula gaadhay in saddexda xisbi ay soo magacaabaan xubno dhexdhexaad ah oo gudan kara waajibaadka hirgelinta doorasho si xor oo xalaala dalka uga dhacda waxaanay dadka qaarkii ay dureen aqoonta iyo dhexdhexaadnimada labadan xubnood ee guurtidu magacowday, oo iyaga la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidamadii NSS-tii Siyaad Barre laguna tilmaamay inaanay aqoon iyo waayo aragnimada ku xidhan shuruudaha qabashada xilka komishan ee loo magacaabay, iyadoo xubinta Mr. Cismaan Cabdi Cilmi (Raabbi) lagu sheegay inuu ka tirsan yahay xisbiga Udub ee talada dalka haya taasina ay baalmarsan tahay shuruudaha uu xeerka komishanku uu ku waajibinayo in qofka loo dooranayo komishanka doorashooyinka uu noqdo mid dhexdhexaad ka ah xisbiyada siyaasada, kana mid ahayn saddexda xisbi qaran isla haysto shahaado aqoon heer jaamacadeed ah.

HATUF


No comments:

Post a Comment