Wednesday 14 October 2009

WARGEYSKA SAXANSAXO OO AMAR LAGU SIIYAY INUU KA BAXO DHISMAHA UU KU JIRO

WARGEYSKA SAXANSAXO OO AMAR LAGU SIIYAY INUU KA BAXO DHISMAHA UU KU JIRO

NEWSWargeyska Saxansaxo ayaa amar lagu siiyey inuu ka baxo dhismaha uu ku jiro, iyadoo sida la sheegay loo aanaynayo tirinta muddada ay dhammaanayso xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka iyo weliba xilka Guurtidu u kordhisay ee aan cayinayn ee wargeysku sida maalinlaha ah ugu soo daabaco boggiisa hore.

Sida uu xalay Ogaal u xaqiijiyey Guddoomiyaha wargeyska Saxansaxo Mr. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cakuuse), Wasiirka Caafimaadka Md. Cabdi Haybe, ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaadhsiiyey qoraal uu ku farayo in uu wargeyskaasi ka baxo dhismaha xarunta uu deggan yahay oo dhinaca Bari kaga dheggan xarumaha Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta iyo Wasaaradda Caddaaladda.

Xarunta Saxansaxo deggan yahay oo qayb ka mid ah dhismaha dawladda ee Qaybta cudurka Duumada ee Wasaaradda Caafimaadka, horena u ahaan jiray mid ka mid ah dhismayaasha ay lahaan jirtay dawladdu sida India Line-ka, State House-ka iyo guryaha kale ee ay deganaan jireen saraakiishii dawladdii hore, kuwaas oo dhammaantood xilligan ay ku jiraan dad shicib ah intii ka dambaysay burburkii dawladdii Siyaad Barre.

Waa markii ugu horreysay ee Wargeyska Saxansaxo oo ilaa waqtigii la aasaasay ku jiray dhismahaas lagu amro inuu ka baxo, lamana oga sababta ka dambaysa ee rasmiga ah marka laga reebo in xukuumaddu Guddoomiyaha wargeyska uga digtay, af ahaan inuu joojiyo tirinta muddada Madaxweynaha ee ka hadhsan xilligii ay Golaha Guurtidu hore ugu kordhiyeen oo ku eeg 29 October 2009 iyo waqtiga dambe ee aan cayinayn ee uu ku darsan doono go’aankii Guurtida ee lagu heshiiyey kadib.

Dhismaha wargeysku ku jiro oo ay ku weheliyaan qoys aad u ballaadhan oo uu waalid u yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Qaranka, tan iyo waqtigii dhidibbada loo taagay qaranimada Somaliland, isla markaana ilaa maantana ku hawlan oo ka mid ah xubnaha faro-ku-tiriska ah ee dalka u tababara ciidamada Amniga ee booliska.

Waxa kale oo amarka wargeyska la siiyey mid la mid ah la gaadhsiiyey Yuusuf Cabaade oo ah darawalkii Madaxweynihii hore ee geeriyooday Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isaguna hudheel ku leh ka soo horjeedka dhismaha wargeyska Saxansaxo ku jiro, dhabarkana ku haya cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Mujaahid Yuusuf Cabaade oo ka mid ahaa halyeyadii u soo halgamay dhaqdhaqaaqii lagu xoreeyey Somaliland, darawalna u ahaa Madaxweynihii hore Alle ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxa albaalmarin loo siiyey dhismaha haatan lagu amray inuu ka baxo oo ah hudheel uu ka soo saaro masaariifta ubadkiisa, kaas oo lagu siiyey digreeto abaalmarin ah oo uu qoray Marxuum Cigaal.

No comments:

Post a Comment