Wednesday 14 October 2009

Adduunka iyo Kownka(Qaybtii 5aad) Akhlaaqda(Dhaqanka wanaagsan)

Adduunka iyo Kownka(Qaybtii 5aad) Akhlaaqda(Dhaqanka wanaagsan)

Asalaama Calaykum Warraxmatullaahi Wabarakaatuhu
Waxaan ssalaantaa kor ku xusan ee Islaamka u dirayaa Bahda TogaHerer iyo Akhristayaasheeda oon leeyahay Guul iyo Horumar insha Allah

global-hand.thumbnail

Adduunka iyo Kownka(Qaybtii 5aad)

Akhlaaqda(Dhaqanka wanaagsan)

Waxa Alle subxaana watacaalaa faray addoomadiisa waajibaad kala gedisan oo ay ka mid tahay akhlaaqda wanaagsani,waxa Alle amrayaa doorashada mar kasta asluubta wanaagsan ee edebtu ku dheehan tahay:

ولا تستوي الحسنة ولا السيئة ادفع بالتي هي أحسن فإذا الذي بينك وبينه عداوة كأنه ولي حميم .

Aayadda macneheedu waa:ma sinna oo isku mid ma aha wanaagga iyo xumuhu samee oo la imow wanaagga waxad haddaad yeesho sidaas arkaysaa iyadoo kii dhexdiinna cadaawaddu taalley oo aad mooddo sidii saaxiibbo lillaahi ah.

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaate wuxu yidhi waxa lay soo saaray oo la ii soo diray si aan u dhamaystiro Akhlaaqda teeda wanaagsan:

“إنما بعثت لأتمم مكارم الأخلاق”

Sidoo kale Hooyadii Muuminiinta Caa’isha ayaa iyadoo tilmaamaysa oo sheegaysa rasuulka akhlaaqdiisa waxay tidhi akhlaaqdiisu waxay ahay Quraan(yacni mid laasimaysa Quraanka kariimka ah oo la nool):

كان خلقه القرءان

Aayad baa Alle ku sheegayaa isagoo nebega la hadlayo oo akhlaaqdiisa sheegaya oo sifaynaya:

وإنك لعلى خلق عظيم (القلم)

Aayadda:waxad tahay mid Akhlaaqdiisu sarrayso.

Waxa Alle sifaynayaa oo tilmaamaya addoomada wanaagsan ee akhlaaqda leh:

“والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين ” (آل عمران)

Aayadda:kuwa cadhada laqa(illaawa/qariya) ee dadka cafiya Alle wuu jecelyahay ku ixsaanka iyo samafalka sameeya.

Waxay diintiinnu ina baraysaa asluubta iyo qaabka wanaagsan ee loo dhaqmo,waxyar iyo wax weyn wax laga tegey ma jiraan,asluubta loo soconayo iyo sida iyo qaabka loo hadlayo waa layna baray:

“ولا تمشي في الارض مرحا انك لن تخرق الارض ولن تبلغ الجبال طولا كل ذلك كان سيئه عند ربك مكروه”

Aayadda:ha u socon dhulka si isqaadqaad ah adigu dhulka dillaacin maysid oo jeexi mayside,buurahana dherer kuma gaadhayside! Waxaasoo dhami waa wax Alle karaahiyaysto oo aanu jeclayn.

Aayad kale ayaa odhanaysa:

وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِن صَوْتِكَ إِنَّ أَنكَرَ الْأَصْوَاتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ (” سـورة لقمان)

Aayadda:wejiga dadka haw dadbin oo haw socon dhulka isqaadqaad illaahay ma jecla kuwa kibirka iyo faanka badan,oo deji socodkaaga iyo tallaabadaada,

Sawdkaagana hoos u dhig,dhawaaqa ama sawdka loogu neceb yahay waa ka dameeraha’e. عن عمر بن أبي سلمة - رضي الله عنه – قال : كنت غلاما في حجر رسول الله – صلى الله عليه وسلم – وكانت يدي تطيش في الصحفة . فقال لي رسول الله – صلى الله عليه وسلم : ” سم الله وكل بيمينك ، وكل مما يليك ” . متفق عليه

Cumar ibnu abi salama ayaa yidhi waxan ahaa wiil yar dabadeed Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ayaan wax la cunayey,dabadeed gacantaydu sixniga halkay doonto ayay cuntada ka qaadanaysey,wuxu Rasuulku igu yidhi:(markaad wax cunayso)bisinka qabso oo midigtaada wax ku cun,halka sixniga kaa xigtana ka cun.

Waxa qofka Muslinka ah laga rabaa inuu dhaqan iyo dabeecad wanaagsan kula dhaqmo dadkoo dhan xataa gaalada ama dad uu doonayo inuu ka reebo xumaha oo faro wanaagga waa inuu dariiq debecsan oo soo jiidasho leh adeegsadaa,tusaale Fircoon oo Alle caasiyey oo Illaahnimo sheegtay,haddana illaahay markuu Nebi Muuse iyo Nebi Haaruun u diray,wuxu ku yidhi u tega Fircoon oo hadal debecsan oo wanaagsan ku dhaha waa intaas oo uu waano qaato ama cabsado’e:

قال تعالى): اذهبا إلى فرعون إنه طغى فقولا له قولا لينا لعله يتذكر أو يخشى)(طه)

Aayadda:u tega Fircoon wuu xadgudbeye oo ku dhaha hadal debecsan waxa la arkaa inuu waano qaato oo cabsado’e.

Iyadoo Alle og yahay Fircoon iyo camalkiisa gaalnimada ah haddana Nebigii Eebbe waxa la farayaa inuu adeegsado hadal wanaagsan oo debecsan maxaad u malaynaysaa qof muslin ah oo walaalkaa ah wuxu kaa mudan yahay iyo ixtiraamka iyo qadderinta uu istaahilo.

Weligaa xumo ha ku bedelin xumo kale ee markasta door roonow oo dulqaad iyo sabir ku tilmaamnow:

وَلا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى(المائدة)

Aayadda:yaanay ku jiidan oo denbi ku gelinin qawm ama dad cadaawadood inaad caddaalad fail weydo oo caddaaladda ka leexato,sameeya caddaaladda iyadaa ah dhowaanshaha cabsida’e.

Mar kasta waxa fiican adigoo awood u helaya inaad cid waxyeelayn karto inaad Alle dartii isaga dayso xumaha oo ka dhigto bedelkeeda wax wanaagsan iyo dhaqan lagaaga deydo oo Alle iyo Ummaddu kugu jeclaadaan.

Waxa Alle subxaana watacaalaa Rasuulkiisa ku odhanayaa raxmad Alle ku siiyey darted ayaad noqotay mid dadka u debecsan,haddaad ahaan lahayd mid dabeecad qallafsan dadku way kaa yaaci lahaayeen,oo kaa fogaan lahaayeen,oo hareerahaaga ka dheeraan lahaayeen:

قال الله تعالى ( فبما رحمة من الله لنت لهم ولو كنت فظا غليظ القلب لانفضوا من حولك)( سورة آل عمران)

Waxa loo baahan yahay inuu qofka muslinka ula dhaqmo dadka debecsanan oo la wada jeclaado hanuun iyo wanaag uguna yeedho khayrka isagoo dariiq xikmadi ku dheehan tahay adeegsanaya:

ادْعُ إِلَى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ وَجَادِلْهُمْ بِالَّتِي هِيَ أَحْسَنُ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعْلَمُ بِمَنْ ضَلَّ عَنْ سَبِيلِهِ وَهُوَ أَعْلَمُ بِالْمُهْتَدِينَ (النحل)

Aayadda:ugu yeedh(dadka)xaqa iyo jidka Alle ado adeegsanaya xikmad iyo waano wanaagsan ulana dood dadka tii(dooddii) ah mid wanaagsan Alle waa ogyahay cidda dariiqa ka luntay waana ogyahay cidda hanuuntay.

Waxa qofka la gudboon inuu ku kaco fulinteeda wax uu hubo oo aqoon buuxda u leeyahay,waxa ka ratibmaya iyo natiijada ka soo bixi karta waayo waxkasta ood ku dhaqaaqdo waa wax la qorayo oo xisaab mari doona:

وَلا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ إِنَّ السَّمْعَ وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُوْلَئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا[الإسراء]

Aayadda:ha ku dhaqaaqin oo ha fulin wax aanad cilmi u lahayn,ogow Maqalka iyo Aragga iyo Qalbiga waa kuwo la su’aali doonaa(waxay fuliyeen oo dhan masuul bay ka yihiin oo wa la weydiin doonaa).

Waxa Alle subxaana watacaalaa inoo sheegay oo nidaam u dhigay sida loola dhaqmayo wax kasta tusaale guryaha dadka kale deggan yihiin waa inaanad iska gelin ee ka idan dalabtaa,oo aad salaantaa dadka deggan,haddii ay iska noqo ku yidhaahdaan oo kuu diidaan inaad gasho waa inaad iskaga noqotaa sidaa ayaa kuu fiicaneAllena waxaad falaysaan wuu ogyahay oo cilmuu u leyay:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لا تَدْخُلُوا بُيُوتًا غَيْرَ بُيُوتِكُمْ حَتَّى تَسْتَأْنِسُوا وَتُسَلِّمُوا عَلَى أَهْلِهَا ذَلِكُمْ خَيْرٌ لَكُمْ لَعَلَّكُمْ تَذَكَّرُونَ فَإِنْ لَمْ تَجِدُوا فِيهَا أَحَدًا فَلا تَدْخُلُوهَا حَتَّى يُؤْذَنَ لَكُمْ وَإِنْ قِيلَ لَكُمْ ارْجِعُوا فَارْجِعُوا هُوَ أَزْكَى لَكُمْ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ.(النور).

Waxa Alle isagaa korreeyee ina farayaa in aan isku taageersanno oo isku gacan qabanno waxa wanaagsan iyo cabsida Eebbe oo aynaan isku taageersan xumaha iyo cadaawadda oo Illaahay ka baqno illaahay ciqaabtiisu waa mid darane:

وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ(المائدة)

Layli naftaada oo u carbi inay yeelato dulqaad iyo cadhadoo aad laqdo oo samayn karto cadho burburin,niyaddana geliso mar kasta wanaag oo doorbiddo markasta dhanka wanaagsan.

Akhlaaqda wanaagsan waxa ka mid ah in qofkii xumo kugu sameeya,wanaag u samayso,adigoo Alle ka rajeynaya inuu ku jeclaado oo janno kuugu abaal gudo,waxaynu ognahay ama garanaynaa in qof xumo kugu sameeyey haddaad wanaag ugu bedesho halkaad ka aargoosan lahayd inuu isku yaxyaxayo oo ka xumaanayo falkii uu kugu sameeyey oo aanu adiga iyo cid kale ula noqon doonin falkii mid la mid ah,ogow qofkii waad dawaysey oo waxad u noqotay sabab inuu akhlaaq sare qaato,adiguna naftaadii waxad ka badbaadisay inaad khaladkii ka qayb qaadato oo ajar iyo sawaab ayaad ku bedelatay.

Akhlaaqda ayaa dadka lagu qiimeeyaa oo lagu doortaa,waxa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi haddii uu idiin yimaaddo nin aad diintiisa iyo akhlaaqdiisa ka raalli tihiin u guuriye,haddii kale fitno ayaa dhulka imanaya iyo fasaad weyne:

حديث:”إذا أتاكم من ترضون دينه وأمانته فزوجوه إلا تفعلوا تكن فتنة في الأرض وفساد كبير

Sidoo kale waxa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee yidhi waxa cidda aan ugu jecelahay iiguna dhow aakhiro waa kuwiina ugu akhlaaqda wanaagsan,waxanan ugu necebahay iiguna fog aakhiro waa kuwa akhlaaqda xun ee iskudirka iyo kutiri kuteenka badan,ee sida xun u qosla,ee sida xun ugu fogaada:

حديث:“إن أحبكم إلي وأقربكم مني في الآخرة مجالس محاسنكم أخلاقا وإن أبغضكم إلي وأبعدكم مني في الآخرة مساويكم أخلاقا الثرثارون المتفيهقون المتشدقون”.

Xadiis kale ayaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee ku odhanayaa kuwa Muuminiinta iimaankoodu ugu dhamaystir badan yahay waa kuwa ugu akhlaaq wanaagsan,Muslinkuna waxa weeye ka Muslimiintu ka nabad galaan carrabkiisa iyo gacantiisa.

حديث:“أكمل المؤمنين إيمانا أحسنكم خلقا ، وإنما المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده”

Xadiis kale ayaa Rasuulku salawaatullaahi wasaalumu calayhi ku sheegay in waxa ugu fadillan waxa qiyaamaha miisaanka la saarayo ay tahay Akhlaaq wanaagga.

حديث:“إن أفضل ما يوضع في الميزان يوم القيامة الخلق الحسن” علامات حسن الخلقCalaamadaha Akhlaaqda wanaagsan: قال العلماء في علامة ذي الخلقCulimadu waxay ka yidhaahdeen Akhlaaqda : أن يكون كثير الحياءInuu ahaado mid xishood badan: قليل الأذى: Inuu ahaado mid dhib yar كثير الصلاح: inuu ahaado mid wanaag badan صدوق اللسان:inuu ahaado mid run badan قليل الكلام:inuu ahaado mid hadal yar كثير العمل:inuu ahaado mid shaqo badan قليل الذلل:inuu ahaado mid aan rasnayn(tacbaanimo ka muuqan) قليل الفضول:inuu noqdo mid aan faduuli ahayn براً وصولاً:inuu noqdo mid baarri oo dadka xidhiidhiya صبوراً شكوراً:inuu noqdo mid sabir badan oo shugri naqa(mahadceliya) رضياً وفياً عفيفاً:inuu ahaado mid raalli gelin leh,oofin badan,oo dhawrsoon لا لعاناً ولا سباباً:inaanuu noqon mid wax naclada oo caaya ولا نماماً ولا مغتاباً:inaanu noqon mid namiimiye iyo xan yaqaan ولا عجولاً ولا حقوداً:inuu noqdo mid aan degdeg badnayn oo calool xun ولا بخيلاً ولا حسوداً:inaanu noqon bakhayl oo noqon xaasid بشاشاً هشاشاً:inuu ahaado bashaash furfuran oo weji furan يُحب في الله :inuu noqdo mid dar Alle wax u jeclaada ويُبْغض في الله:inuu ahaado mid dar Alle u cadhooda ama cid u naca ويرضي في الله:inuu ahaado mid dar Alle wax u raalli geliya ويسخط في الله:inuu ahaado mid dar Alle u cadhooda

Akhyaar waxa ah

Ixtiraanna mudan

Akhlaaq ninka lehee

Asluub u dhaqma ee

Edebtu ay dhistee

Afka iyo Adinka

Adyaan aan la iman

Eed aan lahayn

Usturnaanta badan

Aayadaha dabbaqa

Axdiista hela

Edeb kii leheen

Isqaadqaadin socod

Afka taagiinee

Aar ismoodinoo

Afarqaadka badin

Ma ogtahay inaan

Axadna awoodi karin

Alle aan ahayn

Arladan aad arkay

Irbad intii ka le’eg

Inuu dillaacin Karo

Awooddiisa dherer buur

Ku aaddin Karo

Addoonyohow dhibli’i

Addimada u qaad

Tallaabada ambee

Ereygaad tidhaa

Codka aadyariyo

Asturaad u yeel

Codka la inkiraa

Waa dameer afkii

Ka kasoo onkoda

“ولا تمشي في الارض مرحا انك لن تخرق الارض ولن تبلغ الجبال طولا كل ذلك كان سيئه عند ربك مكروه”( الاسراء)

Aayadda macneheedu waa:ha u soconin dhulka isqaadqaad adigu dhulka jeexi maysid oo dillaacin mayuside,buurahana dherer kuma gaadhayside.

وَلَا تُصَعِّرْ خَدَّكَ لِلنَّاسِ وَلَا تَمْشِ فِي الْأَرْضِ مَرَحًا إِنَّ اللَّهَ لَا يُحِبُّ كُلَّ مُخْتَالٍ فَخُورٍ وَاقْصِدْ فِي مَشْيِكَ وَاغْضُضْ مِن صَوْتِكَ إِنَّ أَنكَرَ الْأَصْوَاتِ لَصَوْتُ الْحَمِيرِ (” سـورة لقمان)

Aayadda:wejiga dadka haw dadbin oo haw socon dhulka isqaadqaad illaahay ma jecla kuwa kibirka iyo faanka badan,oo deji socodkaaga iyo tallaabadaada,

Sawdkaagana hoos u dhig,dhawaaqa ama sawdka loogu neceb yahay waa ka dameeraha’e.

Qofka muslinka ahi waa inuu naftiisa u carbiyaa oo u tababaraa dabeecad wanaagsan iyo dulqaad oo bartaa sabirka iyo ixtiraamka dadka kale.

Alle subxaana watacaalaa ha innaga dhigo kuwo ku sifooba Akhlaaq wanaagsan oo ku liibaana If iyo Aakhiro.

Saeed Ibrahim Hussein

As/w/w


No comments:

Post a Comment