Sunday 4 October 2009

WAR-SAXAAFADEED KULANKII MAANTA EE EE M/WEYNE RAYAALE GUDOOMIYE FAYSAL IYO GUDOOMIE SIILANYO

WAR-SAXAAFADEED KULANKII MAANTA EE EE M/WEYNE RAYAALE GUDOOMIYE FAYSAL IYO GUDOOMIE SIILANYO

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Date: 04/10/09
KULANKII
Warsaxaafadeed

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha
Axsaabta mucaaridka oo maanta oo Axad ah bishuna tahay 04/10/09 fadhi gaar
ah ku yeeshay xarunta madaxtooyadda.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi Mucaarid
Kulmiye , Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo UCID, Mudane,
Faysal Cali Waraabe, waxa maanta fadhigoodaasi ay kaga wada hadleen sidii
loo sii amba qaadi lahaa fulinta iyo ku dhaqanka lixdii qodob ee dhawaanta
ay qalinka ku duugeen saddexda xisbi qaran, kuwaasi oo ujeedadoodu ahayd
in la soo afjaro khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka taagnaa.

Kulankaasi saddex geesoodka ah ee madaxda saddexda xisbi qaran ay
madaxtooyadda ku yeesheen, waxa ay ku heshiiyeen in la dar-dar galiyo
heshiisyaddii ay dhawaanta kala saxeexdeen si toos ahna wada shaqayn iyo
wada tashi ay had iyo jeer u yeeshaan si dalka ay uga qabsoomaan
doorashooyin xor ah oo xalaal ah.

Shirkaasi oo qaatay mudo 40 minit ah waxa ay ku heshiiyeen, Madaxweynaha
iyo Gudoomiyayaasha labada xisbi mucaarid in had iyo goor ay wada tashi
joogta ah yeeshaan, waxana shirkaasi uu ku dhmaaaday is afgarad iyo jawi
fiican.

Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL

No comments:

Post a Comment