Sunday 4 October 2009

QABYAALADA IYO NOLOSHA QALINKII: C/FATAAX SH NUUX JAAMAC (DABSHID)

QABYAALADA IYO NOLOSHA QALINKII: C/FATAAX SH NUUX JAAMAC (DABSHID)

Qabyaalada Iyo Nolosha

Qalinkii:C/fataah Sh.Nuux Jaamac (Dabshid)

DABSHID

A/fataah sh.nouh Dabshid

Nooca nolosha (lifestyle) iyo xidhiidhka qofku uu la yeelanayo dadka kale waxaa saamay ku leh dhaqanka dadkiisa,iyo dalkiisaba,kuwaasoo saamayntiisu sii yaraato markasta oo qofka aqoontiisa,dadiisa,iyo dhaqaalahiisuba ay kordhaan.

Waayo qofka aan aqoonta lahayn wuxuu iska qaataa wax kasta oo loo sheego hadii aanu ahayn qof ilaahay maskax fican ku manaystay, qofku marka uu yar-yahayna waxyaabo badan oo aan sal iyo raadtoona lahayn ayaa laga dhaadhicin karaa laakin marka uu sanad kordhaba wuxuu kala saara xaqiiqda iyo hadalada beenta ah ee kutirikuteenka ah.

Dhaqaaluhu wuxuu qofka u saamaxaa inuu maskaxdiisa si xora u adeegsado isagaa(iyadoo) aan cidna u habranayn,halka qofka danyarta ah lagu jiidan karo rajo galin dhaqaale sida inta badan dhacda.

Inta badan aduunka ilbaxay waxay caruurtooda ku dhiirigaliyaan sidii uu u shaqaysan lahaa ee uu danihiisa u raaci lahaa ,wadamada kuwaa ku soo xigaana waa kuwo wali ku beera dhalinyartooda wadaniyada,amaanta iyo wax soo-saarka markuu waynaadana waxay tustaa tabtii wanaagsanayd ee loo soo barbaariyay isaga laftiisuna wuxuu sidoo kale sidaasoo kale u tarbiyadeeyaa caruurta uu dhalay iyo kuwa ka yaryar.

Waxaan jeclaaday inaan xuso in dadka soomalidu ay caruurtooda ku ababiyaan sheekooyin been ah oo qabiil lagu faaninayo,midna lagu caayayo oo lagu aflagaadaynayo taasoo qofka yare ee soo korayaa ee ay maskaxdiisu curdinka ah ee sida xaashida u cadi ay u qaadanayo run,taasoo sababi karta inuu ka hadho bulshada kana dhex baxo uu noqdo waxa loo yaqaan (isolated) sababi kartana inuu la qabsan waayo dunidan casrigaa .

Ugu danbayntana ay abuurto waali,colaad daba dheeraata iyo qofka oo noloshiisu ku danbayso mid bilaa faaidaa waxyaabaha uu aaminsanyahay awgood.

Sidoo kale waxay dadka qaarkii gaadheen heer ay u arkaan qoladooda mooyaane qabiilada kale inay yihin qaar aan faaidaba haba yaraatee lahayn.

Mabda’a qabiilku waa ka kaliya ee aan aqoonsanayn dadka kala badh,ahna kuwo ugu muhiimsan oo ah haweenka. Sidiisaba dastuurka qabiiliga ah ee soomalidu ma aqoonsana jiritaanka haweenka soomaliyeed oo ay ku jirto,,hooyada macaan,walaashaada aad jeceshahay,gabadhaada aad nafta iyo mustaqbalka qaybsataan,iyo inantaada naxariista badan,hadii aad qof dumara tahayna qabiilku adiga ayaanu gabi ahaanba ku aqoonsanayn?waayo?

Marka tiro la sheegayo waxaa la yidhaahdaa intaas oo nin baa hebel ka tafiirmay ama uu dhalay,laakin marna lama sheego haweenka uu ka tagay?talaw maxay galabsadeen? Maxayse qabyaaladu kaga duwantahay dhaqanadii hore ee carabta,kuwaasoo xabaal ololin jiray hablaha ay dhalaan , si aanay u agjoojin haweenay ama gabadh uu dhalay,iyaga oo dhaqan ahaan aaminsanaa ama u arkayay waxaan wanaagsanayn.

Sido kale qabiilka ay ku dhaqanto soomalidu wuxuu dafirsanyahay gabi ahaanba jiritaanka haweenka,waa kuwa aynu halkaa ku gaadhnee.

Waxaa jiray taariikho hore oo ay qabiilooyinku ku yasi jireen qabiilada kale tusaale ahaan

“dadkii yaraa ee ku dhex noolaa masiiixiyiinta reer galbeedka waa la takooray mudo 1000 sano ku dhaw,fikradii naasiga jarmalka ayaa qabtay inay yuhuudu ka hooseeyaan(Jarmalka iyo waqooyiga Ameerica) taasina ay keentay in malaayiin yuhuuda lagu laayo xeryihii (Archipelago Camps),ee lagu ururiyay dagaalkii 2aad ee aduunka,iyadoo la ogyahay in dadka reer Israel ay isku haysteen sayidkii dadka oo dhan

Sidoo kale dalka jabaanka la yidhaahdo waxaa jiray dad la yidhaahdo ETA(oo la colaadiyo ,lana yaso iyada oo aanay jirin waxay dadka kale kaga duwanyihiin ee jabaaniiska ah,markii la baadhayna la ogaaday in dadkaas waayadii dhulgoosiga dagaaladii dhex maray hogaamiyayaasha lagaga qaaday dhulkoodii taasoo u soo jiiday in la yaso,markii danbana loo qaatay inay dadka ka maskax hooseeyaan,dabeecadooduna xun tahay,nadaafadooduna liidato,hase yeeshee ugu danbayntii la soo saaray shaciyo dadka sima,taasoo ka dhaqan gashay dhamaan caalamka intiisa badan.

Sidoo kale soomaalida dhalinyarada u soo koraysa lagu guro maskaxdooda nadiifta ah qaybyaalada ,waxaanad dareemi karaysaa inay qabyaaladu saamaysay soomalida oo dhan siiba da’yarta soo koraysa ee maskaxdoodu curdinka tahay,inkasta oo qofku marka uu waynaado xaqiiqda dhabta ogaado,sheekooyinka ku tiri-kuteenka ah ee laga wariyay dadka jaahiliinta ee wax magaratada ahaana ,waxa loola jeedo iyo goorta la sameeyayna aan midna la garanayn ,tusale ahaan inamada soo koraya ee dhalinyarta waxaa looga sheekeeyaa oo laga dhaadhiciyaa

“Dumarka reer hebel waa kuwo mudan in laguursado,waayo waa naago qabaw,oo raaliyiin ah oo nasiib wanaagsan”

“haweenka reer hebelna waa qaar jilicsan,oo kati daran,oo abaal laawayaal ah”

“Naagaha reer hebelna waa kuwo kulul oo aan ragooda ka danbayn,oo hadii la guursado waxaad la mid tihiin laba nin ama rag oo guri ku wada nool.”

Sidoo kale ayaa hablaha iyana soo koraya ee maskaxdoodu curdinka tahay laga dhaadhiciyaa

“Ragga reer hebel waa dumarka laaya,kuwa reer hebelna waa bakhayliin oo xaasaskoodu gaajo kama baxaan,kuwa reer hebelna waa hinaasiyiin oo kurkay kaa jarayaan haday kaa shakiyaan,laakin nimanka reer hebel waa kuwo wanaagsan oo aan dumarka dilin oo dhaqaaleeya oo naxariis badan,oo deeqsiyiin ah,oo gob gobi dhashaya”

Maqaalkaygan kuma soo koobi karo waxyaabaha maskaxdooda laga buuxiyo dhalinyartan soo koraysa,kuwaasoo qaar badan ay u haystaan run ilaa iyo inta ay wax ka fahmayaan oo runta u dhaadhacayaan,waxyaabahaa xaqiraada iyo faanka ah ee lagu sheekaysanayo ayaa dhalinyarada qaarkood ku beera inay go’aan ku gaadhaan inaanay noloshooda reer hebel ka guursan.

Si kastaba ha ahaatee marka qole guurkeeda laguu caayaba waxaa lagugu sii yaraynayaa fursadii aad ku xulun lahayd lamaane aad noloshaada inta kaaga hadhay la wadaagi lahayd ama la qaybsan lahayd.

Marka qole kale guurkeeda lagu amaanana waxaa sii badanaya suurto galnimada ah inuu guurku kaa xumaado,waayo waxaa aad u caqli gal in aad amaan beena aad aamintay taasoo saamayn wayn ku yeelan karta mustaqbalkaaga dhaw iyo ka fogba.laakin waxaa hubaal ah in qofkasta oo aqoonyahana,ilbaxa ,ama caqli badan aanu guurkiisu ku xidhnayn qolo iyo reer hebel ,balse uu tixgalinta ugu badan siiyo dhaqanka iyo asluubta qofku uu xulanayo.sidoo kale dadka qaarkii ayaa doorbida inay ka guursadaan xigtadooda laakin diinta iyo cilmiga sayniskuba waxay doorbideen in laguursado dad aydaan qaraabo ahayn inkasta oo aanay calafka cidna baajin karayn.

Guntii,gabagabadii iyo gunaanadkii waxaan kula talinayaa qofkasta oo maqaalkan akhrista inuu la kaashan doono maskaxdiisa badali doonana fikradaha khaldan ee laga dhaadhiciyay ee uu sida khaldan u aaminay.waxaanan ku rajo waynahay inuu maqaalkani wax badan idinka badali doono dhalinyaraw,waxaana wanaagsan inaynu u soo noqono diinta iyo dhaqankeena suuban.

Wa bilaahi tawfiiq

C/Fataah Sh.Nuux Jaamac(Dabshid)

Mobile: 00252-2-4474468

Email:Jumayka05@Hotmail.Com

No comments:

Post a Comment