Sunday 4 October 2009

KULMIYE IYO UDUB OO XUBNO CUSUB U MAGACAABAY KOMISHANKA IYO LOOLANKA DUMARKA

KULMIYE IYO UDUB OO XUBNO CUSUB U MAGACAABAY KOMISHANKA IYO LOOLANKA DUMARKA

RAYAALE FAYSAL SILANYO_opt
Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ku casuumay Labada Hogaamiye Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid si ay isula meel dhigaan Xubnaha cusub ee ay ku badalayaan Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka maanta ayaa loo badinayaa in ay ku go’aamiyaan waxa laga yeelayo Komishanka haatan iyo sida loo soo xulayo Xubnaha cusub oo ay xisbiyadu sida la sheegay isla qaateen inay dhamaantoodba in la badalo, wararka hor dhaca ah ee kulankan ku saabsan ayaa sheegaya inay Koox waliba soo bandhigto cida ay doonayso in ay qaadato.

Saadaasha laga bixinayo kulankan ayaa sheegaya in Kulankan la filayo laba mid uun inay ka soo baxaan kuwaas oo kala ah in ay Madaxdu isula yimaadaan Liisaska Magacyada Xubno ay soo magacaabeen iyo in ay kulankaa ku curiyaan Madaxdu Xubnaha ay Magacaabayaan iyo sida loogu salaynaayo qaabka loo soo xulo Koomishanadii hore.

Wararka hor dhaca ah ee laga bixinaayo Dadka ay soo magacaabayaan Xisbiyadu ayaa laga bixinayaa aragtiyo kala duwan iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in dhamaan Xubnaha ay soo magacaabayaan ay cusub yihiin, wararka qaarna waxa ay sheegayaan Xisbiyada iyo dhinacyada qaarkood ay xubnahii hore qaar ka mid ah soo celinayaan.

Sida La sheegayo Xisbiga Kulmiye isagu waxa uu Magacaabay Xubin cusub oo gabadh ah taas oo Magaceeda la yidhaa Ilhaan Maxamed Jaamac, Xisbiga Ucidna waxa la sheegayaa in uu soo celinayo xubintiisa haatan oo isagu mudo yar ku jiray Koomiishanka, Madaxwayne Rayaale ayaa isaga la sheegay in uu soo Magacaabayo Saddex Xubnood oo cusub kuwaas oo lagu kala sheegay in ay ka soo jeedaan Gobolada Sool, Gabilay iyo Togdheer, inkasta oo la hadal hayo in uu Maaganyahay inuu Madaxwaynhu soo celiyo Shukri Xaaji Baandare oo ka tirsan Koomiishankii hore ee Doorashooyinka Qaranka .

Golaha Guurtida ayaa ilaa hada la sheegayaa in Gudoomiyahoodu uu ka fiirsanayo Xubnaha uu Magacaabayo maadaama oo aan wali si rasmi ah loo ogayn waxa Xisbiyadu yeelayaan, taas oo ay u badan tahay in Kulanka maanta uu ka dhursugayo si uu halkaa uga shidaal qaato waxyaabaha ka soo baxa kulankan maanta, inksta oo wararka qaar sheegayaan inuu daynayo labadii xubnood ee hore.

Kulankan maanta ayaa la filayaa in uu soo afjaro arrinta Koomishanka oo ah Hawsha ugu culus ee hor taala madaxda Axsaabta iyo inuu halkaa ka bilaabmo khilaaf cusub oo khal khal ku abuura Qodobadii lagu heshiiyay. ]

Arrintan oo ku soo beegantay iyadoo laba xubnood oo kamid ah Koomishanku ay shalay ku dhawaaqeen in ay is casileen si ay u fududeeyaan fulinta Heshiisyadii la gaadhay dariiqana u jeexan Xubnaha kale ee Koomishanka.

Balse Shanta xubnood ee kale ayaa ilaa hada ku adkaysanaya in aanay is casilayn cidina aanay xaq u lahayn inay badasho, sida uu cadeeyay Gudoomiyaha Koomiishanka Jaamac Sweden oo dhawaan Saxaafada u waramayay, iyadoo diidmadooda ku sababaynaya in ay ugu wayntahay in dariiqa xil ka qaadistoodu uu qaldan yahay oo aanay sharci ahayn in ay u heshiiyaan Xisbiyadu, iyaga oo ku eedeeyay in ay baal marsan yihiin Shuruucda Dalka u taal, iyo iyaga oo sheegay in aanay ilaa hada jirin iyaga rasmiyan cid ula timid inay xilka baneeyaan

Wargeyska Waaheen

No comments:

Post a Comment